Shir Lagaga Hadlayey Tirokoob Lagu Samanayo Sha cabka Soamliland Oo Hargeysa Ka Furmay
 


Wasiirka Qaranka Somaliland ,Dr Sacad Cali Shire, ayaa maanta furay shir hawleed sanna dle ah...........


Hargeysa (TNN) - Wasiirka Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta furay shir ha wleed sanadle ah oo lagu bilaabo raadinta xogtii lagu dejin lahaa qorshayaashii lagu hawlgeli lahaa sanadka fooda inagu soo haya ee 2013-ka.

Shir hawleedkan oo ay qabato wasaaradda qorshaynta Qaranku, sanadkanna loogu magac da ray (Xaqiijinta Tirida Lab iyo Dheddiga Somaliland)) ayaa waxaa ka soo qayb galay ururada samafalka wadaniga ah iyo ururada kale ee diyaariya qorshe hawleedyada sanadlaha ah.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ee JSL Dr Sacad Cali shire oo munaasabad dii furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in wax kasta oo la qabanayaa uu yahay wax la sii qors heeyey si guul looga gaadho, taasina ay tahay sababta maanta oo kale 18 Nov sanad walba dib loogu eego halka la taagan yahay, meesha loo socdo, waqtiga la soconayo lana calaamad iyo hadaf cad oo la tiigsanayo.

Dr. Sacad Cali Shire waxa uu faahfaahin ka bixiyey raadinta xogta iyo dejinta qorshayaashu si da ay faa’iidada ugu leeyihiin bulsho doonaysa inay gaadho horumar dhinacyo kala duwan ah oo ay ugu horayso la dagaalanka faqriga iyo saboolnimada, waxana uu wasiirku sheegay in loo baahan yahay Somaliland inay yeelato tirakoob adweyne oo lagu ogaan karo dadka inta caruu r ah ee waxbarasho ku jirta, inta bilaa camalka ah iyo inta noloshoodu hoosayso.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta qaranka Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa ku s hir hawleedkaasi kaga dhawaaqay in sanadkan shirka loogu magac daray (sanadkii Tirakoobka Lab iyo Dheddiga Somaliland).


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland