SHIR GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA OO BOOQDAY
XAFIISKA WAKIILKA NORWAY EE OSLO

Xafiiska Somaliland Oslo, Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway Mudane
Maxamed Maxamuud Aadan ”Liilan” oo halkaa ka yidhi ereyo soo dhaweyn
ah waxa ereyadiisii ka mid ahaa: Waxa sharaf ii ah aniga oo ah
wakiilka SL ee dalka Norway in aan weftiga miisaanka leh ee ka timi
dalkeenii ku soo dhaweeyo xafiiska wakiilnimada, waa ilaahay mahadii
in inaga oo Oslo joogna aynu calankeenii hoos fadhino oo ay inoo
yimaadeen guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Ciro
iyo Guddoomiye-xigeenka Mudane Cabdicasiis Samaale.
Guddoomiyaha Golaha wakiiladda JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi oo uu weheliyo Guddoomiye-Xigeenka Golaha Mudane
Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxa ay shalay booqasho gaaban ku
tageen Xafiiska wakiilka SL ee dalkan Norway.
Qolka shirarka (felles møterom), Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway
Mudane Maxamed Maxamuud Aadan ”Liilan” oo halkaa ka yidhi ereyo soo
dhaweyn ah waxa ereyadiisii ka mid ahaa: Waxa sharaf ii ah aniga oo
ah wakiilka SL ee dalka Norway in aan weftiga miisaanka leh ee ka
timi dalkeenii ku soo dhaweeyo xafiiska wakiilnimada, waa ilaahay
mahadii in inaga oo Oslo joogna aynu calankeenii hoos fadhino oo ay
inoo yimaadeen guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan
Ciro iyo Guddoomiye-xigeenka Mudane Cabdicasiis Samaale. Aad baynu
isu naqaanaa guddoomiyaha iyo guddoomiye- xigeenka haddii aynu reer
Norway nahay. Waxa aan leeyahay ku soo dhawaada waa safaarad waxa
aynu ilaahay ka rajeynaynaa inagu waynu u aqoonsanahay safaarade in
maalin maalmaha ka mid ah ay xagga kalena ka noqoto oo waxa inaga
dhimani ay timaado, safiir buuxana aan noqdo.
Guddoomiyaha golaha wakiiladda oo isna halkaa ka hadlay waxa
ereyadiisii ka mid ahaa: waxa maanta farxad inoo ah in aan nimaadno
guri ay leedahay JSL oo aad arkeysaan in calamadeedi ka taagan
yihiin iyo xubno ka tirsan jaaliyadda norway iyo wakiilka SL ee
Norway oo isna nagu soo dhaweynaya. Runtii farxad weyn bay noo tahay
inaanu imaadno guri aanu leenahay qaran ahaan iyo jaaliyadd ahaanba.
Waxa aan u rajeynayaa jaaliyadda SL ee Norway in ay la shaqeeyaan
wakiilka oo ay taageero buuxda siiyaan si uu u guto waajibaadkiisa.
Waxa aanan idiin sheegayaa in xafiisku aanu shaqeyn karin idinka
la´aantiin, kolkaa dhamaantiin waxa aan idiin soo jeedinayaa in aad
gacan siisaan wakiilka iyo ciddii kale ee la shaqeysaba. Sidaa
safiirku sheegay in aynu noqono mustaqbalka dhaw wadan la
ictiraafsan yahay, xafiiskuna noqdo safaarad buuxda.
Mudane Cabdicasiis wuxu isna halkaa ka yidhi farxad bay noo tahay,
marka wefti ka yimi dalkii uu yimaado dalka JSL ku leedahay xafiis
runtii farxad weyn baad dareemaysaa, waxtarna wuu u yeelan doonaa
dhamaan dadka reer SL ee ku nool dalkan Norway. Ciddii halkan
timaada ee masuuliyiin ahina meel ay kula hadlaan dadkooda ama
xafiis iyaga matalaya, matalaya dawladda SL, calankeedii iyo
jiritaankeedii shay sahlan horta ma aha. Waxan ilaahay uga baryayaa
safiirka Maxamed iyo ragga kale ee safaaradda kala shaqeeya iyo
dhamaan jaaliyadda SL ee reer Norwayba in xafiiskani noqdo mid
waxtar yeesha. Waxa aanan u rajeynayaa in xafiisku noqdo kii
xidhiidhka SL iyo Wadanka Norway wax badan ka qabta.
Waxa iyaguna goobtaa ka hadlay wakiiladda xisbiyadda mucaaridka ah
ee Kulmiye iyo Ucid MudaneSulub iyo Mudane Cali Cidin oo iyaguna ka
hadlay muhiimadda xafiisku u leeyahay jaaliyad ahaan iyo guud ahaan
dadka reer Somalilanba.
Source: RMN



|