Shir balaadhan oo ururka Nomad ku qabtay dalka Holland

 


Holland (TNN):-Ururka Nomad: garabka haweenka Hooyo waa lama huraan, ayaa 23.02. 2014 shir ku qabsaday Gobolka Brabant magaalada Tilburg, shirkaas oo ay iskugu yimaa deen haweenka reer somaliland ee deggan magaalada Tilburg, waxa lagaga hadlayey wix ii uu qabtay ururka hooyo waa lama huraan sanadkii ina soo dhaafay 2013, iyo waxa la q aban doono sanadkan 2014 insha allah. waxa kale aankaga hadalnay in dumarka reer somaliland ee dalka Holland ay ka soo wada qaybgalaan ururkan Hooyo waa lamahuraan oo ah ururka keliya ee dumarka Somaliland leeyihiin.

Waxa halkaas aad loogu gorfeeyey in aan u soo jeedsanno waxka qabadka baahiyaha ka jira dalkeenna Somaliland iyo in aan loo kala hadhin marka aan barnaamijyo qaadhaan ur urin ah ku qabanayno waddanka Holland sida 8 march oo samayn doonno barnaamij aan ku qabandoonno magaalada Rotterdam ee dalka Holland. Sidaas darteed waxaan ka cods anaynaa dhammaan haweenka ka soo jeeda Somaliland ee deggan dalkan holland in ay k a qaybqaataan qaadhaanka loo ururinayo dib u dhiska dalkeenna hooyo, xagga dariiqya da iyo dhammaanba adeegga bulshada.

waxaan idiin rajaynayaa guul iyo gobanimo.

wasalaama calaykum waraxmatullah.


Xaliimo Cabdi Obsiiye.