“Shinni Caydha Ayaa Dalkii Ku Dagtay, Wax Allaale Iyo Wa xay Ka Tagayaan Ma Jirto, Waxaanu Codsanay Inaanu Ar rinkan…Laakiin Immika Waa La Isu-badheedhayaa” Cali Guray

 


 

Hargeysa(TNN) – Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa Mudaneya asha Golaha Wakiilada ku eedeeyey inay adduun lacageed dhaafsadeen masuuliyaddii shac abku u igmaday, iyaga oo mar labaad sheegay in Gobalada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka Dal ka oo dhan ay ka dhigayaan Mudaharaad lagaga soo horjeedo dhaqan galinta Xeerkan.

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo fadhiyadoodii u dambeeyey doodo ka yeelan ayay ansixinta Xeerka Takaaliifta Waddooyinka, badankooduna ka soo horjeedeen in xeerka asi la ansixiyo, ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerkaas oo laba todobaad ka hor madaxtooyadu u soo gudbisay.

Labada xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani, waxa ay madaxweyne Siilaanyo uga digeen dha qan-gelinta Xeerka Takaalifta Horumarinta Waddooyinka ee Golaha Wakiilladu Ansixiyeen, iyaga oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey meel-ka-dhac iyo ku tumasho ay ula badheedhay shuruucda iyo dhaqaalaha dalka.

Masuuliyiin ka tirsan laba xisbi Mucaarad oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, ayaa dhinacyo kala duwan dhaliilo uga jeediyey xukuumadda Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye ku-xigeena 3aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Guray) oo ugu horreyn shirkaas jaraa’id ka hadlay, waxa uu ku dooday in mudaharaadka mucaaradu u baaqay yah ay mid sharciga dalka waafaqsan isla markaana ay xaq u leeyihiin, waxaanu yidhi, “Shinni Caydha ayaa Dalkii ku dagtay, geedka Midhaha iyo Caleenta ayay ka cunayaan oo waxay gaadhayaan ilaa xididka, wax allaale iyo waxay ka tagayaan majirto. Waxaanu codsanay inaanu arrinkan mudaharaad ka samayno, laakiin immika waa la isu-badheedhayaa. Marka anigu aan mucaarad nahay mudaharaaadku waa sharci, marka anigu aan kursiga ku fadhiyo mudaharaadku waa madnuuc ayuu Axmed Siilaanyo marayaa,”ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray, waxa uu oo uu sheegay inay soo socdaan Xeerar kale, waxaanu yidhi, “Waad ogtihiin inay fashilmeen mashariicdii dalka ugu waa waynayd, markaa wax Ummaddan waddo loogu dhisaayo anagu isma hortagayno, kamana hor imanayno. Waxaanu ognahay waddadii lagu dhisilahaa Berbere iyo Wajaalle meeday lacagteedii.? Waxay talaa Magaalada Nairobi.

Waxaana sharuud lagaga dhigay haddaan Xirsi loo dhiibayn ma ogolanayno inaad waddadaa s dhistaan, halkana waxa la leeyahay lacag bixiya lagu sameeyo waddooyinka. Waxaynu og nahay in Baarlamaanka ay xukumaan Odayga iyo saddex Inan oo Odayguna meesha inagu Xukumin. Lacag ayaa laynaga samaynayaa, haddii aad diidi lahaydayna meel ay ku joogsan ay saa majirto, waxaana soo socda qaar kale oo wax loo saarayo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha 3-aad ee Xisbiga Ucid, waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan xilliyada xilligii ugu adkaa, waxaanu yidhi, “Waxaan shacabka ugu baqayaa inay u diyaar garoobaan Xilliyada Xilligii ugu adkaa ee 22-kaas sanno soo maray dalkan xaalad ka mid ah u diyaar garooba. Xaaladaasna cidda inagalinaysa waa Inamadan kibray ee aan ragg waxba is-kaga tirinayn ee lacagtii Ummadda laga qaaday ku laalushaya Xildhibaanaddii Golaha Wakiilada ee intay Culumada uruuriyaan ee Madaxtooyada geeyaan odhanaaya waxaanu nahay dad ka naxaaya Umadda, iyaga oo tuug ah. Cabdillaahi Cukuse oo inuu u dhashay iyo inuu ka dhashay annaan garanayn-ba, wannaaga ay la jecel yihiin ee anagu aanu la jeclayn muxuu yahay.? Waanu ku dhalanay kan, waanu u dagaalanay oo intii aanu garanaynay ayaa u baaba’day, markaa anigu xabad ayaan ku difacayaa.”

Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka tirsan masuuliyiinta sar-asare ee Xisbiga Waddani oo isag una ka hadlay shirkaas jaraa’id, ayaa sheegay in markii u horaysay ee Taariikhda Somaliland Golaha Wakiilada aqlabiyadoodu ay isku raacaan wax uu uguyeedhay Xeer xaaraan ah, waxaanu yidhi, “Maanta waxa yaabka ihi waxa weeye waa markii u horaysay ee Tariikhda Somaliland 70 iyo dheeraad Mudane ay soo fadhiisatan Golaha wakiilada. Konton iyo dheera adna ay Xeerka xaraanta ah u codayso. Waxaan idiin sheegaynaa in Xildhibaanadii aad doorateen ee aad xilka u dhiibateen ay runtii noqdeen ragg ku codeeya lacagta Berbera hab eenkii lagala soo guureeyo, loona qaybiyey, markaa waa nasiib-daro ku dhacday shacabka, ’ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Cali, waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga Waddani iyo Ucid ay diyaarinayaan mudaharaad waxaanu yidhi, “Xisbiyada mucaaradka ahi waxay diyaarinay aan mudaharaad. Mudaharaadkaas oo ka dhicidoona Degmo, Tuulo, iyo Gobalkasta oo ka mid ah Somaliland. Xeerka Baarlamaanku soo ansixiyey haddii Madaxweynuhu saxeexo in loogu daato Madaxtooyada oo lagu tago Kursigiisa ayay gaadhsiinayaan Xisbiyada Mucaaradka ah. Waxaanu Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu Xeerkaas isku saxeexin oo uu ka dhigin Xeer Qaran.”

Md. Cabdirashiid Maxamed Cali sidoo kale waxa uu sheegay in dalka ay ka dilaacday baadha sho, kaas oo ku dooday in Hargeysa guriga lagu galiyo Biyaha laba Milyan oo shilin Somalilad ah, waxaanu yidhi, “Maanta waxa laga hadlayaa Xoolaha iyo gaadiidka oo Cashuur la saar  ay, lakiin xaqiiqdii arrintu intaas way ka fog-tahay oo Dalkan baadhasho ayaa ka bilaamant ay. Waxaad ogtihiin Biyaha Hargeysa guriga waxa lagu galin jiray 400 oo shilin Somaliland ah. Maanta Guriga waxa biyaha lagu galiyaa laba Milyan oo shilin Somaliland ah. Maherada waxa lagu galin jiray saddex boqol oo kun. Maantana waxa lagu galiyaa saddex Milyan, mark aa Islaanta muqaaxi furatay ee inay ka faa,iidayso iyo inkale ogayn halkay ka keenaysaa sa ddexda Milyan ee ay biyaha ku gashanayso. Waxa loo badhay in jeebabka la buuxsado, m a rkaa waxaanu leenahay Ummaddani maqaadi-karto, mana buuxinayso jeebabkan. Shacabku iyaga ayaa Kulmiye doortay maantana haddii ay iska celin oo iyaga ayay awoodu ku jirta gacantooda is-kaga celin dhakhaale majiraay
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliand