SHINKAN XISBIYADA MUCAARIDKA YAA KU YIDHI SHIR QARAN HALA QABTO ˇ!

 



Marka hore waxaan salamayaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibadaba waxa kale oo aan salamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan salaam ka bacdi.

Waxaan maanta qalinka u qaatey markaan arkey ama maqley in Xisbiyada Mucaaridka ah doonayaan ay qabtaan Shir Qaran kaas oo ka soo hor jeeda Dastuurka Qaranka Somaliland maxaa yeeley Shir Qaran waxa Qabankara dee Madaxweynaha la soo doortey ee haysta kalsoonidii shacabka u idmadey sidaasderteed loo baahna in cid aan loo idman oo la dooran u yidhaah waana meel ka dhac ee xaal ka bixiyaan maxaa yeelay Xisbiyada Mucaaridku waxa ay baal marayaan wixii aan ku kala soconey waxaan u sheegayaa in aad soo barataan waxa aad awooda u leedihiin waxa ay daan awooda u lahayn bar Akhriso ku wan hoos ku qoran

-DHISMEEDKA QARANKA

QODOBKA 37AAD

AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA

1.

Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo

Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku

cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

2.

Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer

dejinta, Fulinta

iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan

sida uu

Dastuurku dhigayo.

Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaa

QODOBKA 92AAD

AWOODAHA KALE EE MADAXWEYNAHA EE

LA XIDHIIDHA XEERARKA DEGDEGGA AH

1.

Marka ay soo if

-

baxaan xaal

ado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku

noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida

dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa xeerar deg

-

deg ah oo lagu joojinayo khataraha

kor ku sheegan. H

addii Golayaasha Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah

soo saarayo Madaxweynuhu, waa inuu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood

ah si ay go'aanno uga gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa

Gudoomiyayaashoodu isugu yeedhaya

an Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14

maalmood gudahood ah. Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay

Golayaashu go'aan ka gaadhayaan.

2.

Xeerarka degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa Golayaasha

(Wak

iilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo Madaxweynuhu.

3.

Waxa xeerarka degdegga ah dib

-

u

-

eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan saddexdii (3)

biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah (Si

mple

Majority)

TUSAALE, TALO; Marka hore waxaan jeclahey in aan dib u yara jeleeco dadkeena ama dalkeena xaalada maanta ama tii hore u soo martey,

waxaan dadka Somaliland xasuusinayaa in dawlad aan wali aqoosan caalamkuna laakiin leyna ee gayo sida aynu u socono ama nabadgalyada. markaas looma baahna in wax aan habooneyn ama aan mudneyn in kacdoon la geliyo maanta

hadaan dib u eegno dadkii xukunka dalkan soo marey in xakuumadii ugu wanaagsanyd abid ay tahey tan maanta talada heysaa sidaa darteed shacabku yaaney u dhegtaagin siyaasiga ka faa’ideysanaya xaalad markaas taagen oo dhanka kale wax laga tusayo shacabka. markaas waxaan jeclahey ama is dul taago xaalad kale oo dalkani ku jiro Jamhuuriyadan somalilad waxa ay ka kooban tahay lix Gobol; oo kala ah

A) Maroodijeex, B) Awdal,C)Togdheer,D)Saaxil,E),Sanaag F) Sool.

hadaba lixdaa Gobol ma sadex mise sadex sadex waxaa ka her galey Lacagtii ,Calankii, Xuduudkii, Distoorkii Qaran iyo dhammaan calaamadihii dal lagu agoonsan karo Sadexda kale waa kala dirajo oo markaad eegto Gobolka Togdheer waxaa Lacagtii Qaranka lagaadh siiyey sadex sano ayaa ka soo wareegey labada Gobobol lee kalana waxaa xabad loo soo qaatey oo layidhi lacagta madooneyno. oo wali leysku heystaa sidaa darteed waxaan leeyahey waad aragtaan taagta aynu leenahay hadaan inyar oo tusaala ah aan ka bixiyo arin ay yidhaahdaan Mucaaridku xukuumada may gaadhsiin lacagta waxaan dadka xasuusinayaa lacagta markii la sameeyey waxaa ka soo wareegey 22 sano dadka qaatey iyagaa iska badaley ee cidi kumeey khasbin , ninka maanta daba ku sii heystaa wax lalayaabo ama (SHAM) la odhan karo sikasta ha ahaatee dalka waa la wada leeyahey waana la kala leeyahay waxaan u jeedaa ninba dhankii ha kasoo baxo hadaan lays taageerin qabyo ayaa jireysa waxaan dadkeyga ugu baaqayaa in ay gacmaha is qabsadaan oo dad kaleya, dal kaliya ay noqdaan oo ay isku geeyaan muruqa ,maskaxda ,maalka, waxa la yidhi (Sacabadaa biyo laga dhargaa) hada waxaan doonayaa in laska jiro la fahmo wadaniyada waxa ay tahey oo laga gudbo oo laga tago kooxiysiga waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa Nin aan kuu furey yaanu kuu rarin.

ILAAH TASAN HEYNA WAA FA JIYO

Guul iyo Gobonimo Somaliand Hanoolaato

Axmed Aadan Mooge