Sheeko Kale Keen: Dhadamo Maalin Ah

 


Joog malab ku jiro oo dhacay ayaa malabki ka dareeray oo hareerishiisii buuxiyay. Arag iyo udgoonkii malabka ayaa duqsi badan soo jiitay. Duqsigi malabkii wadhnaa ayuu ku degay. Kolba koox ayaa ku soo kordha kuwii hore ilaa ay qariyeen meeshii malabku ku daatay oo dhan.

Ka may dul kicin ilaa ay ka dhergeen. Markay si wanaagsan uga dhergeen malabkii, a yay is yidhaaheen dula. Hasa yeeshee, waa duuli kari waayeen! Maxaa yeelay, intay caloosha buuxinayeen, ayaa malabki cagahood ku dhigay.

Duqsi halaagii hungrigoodi u soo jiiday ka calaacalaya ayaa yidhi, “Calooshooda la ciy aar aan caqli lahayn ayaynu noqonay. Dhadhamo yar oo maalin ah ayaynu dhaafsan ay nolosheen dhamayd!!!”

 



Prof. Cabdisalaam Yaasiin