Sheeko iyo Shaahid:
Tartan Suugaaneed - 2009
 



Bandhig

REDSEA-ONLINE.COM iyo Kayd Somali Art and Culture, iyagoo ka duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan waxkasta oo  horu marinaaya fidinta hiddaha iyo suugaanta, taabbogelinta fanka iyo  farsh axanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gu ud ahaan kobcinta qoraalka af-soomaaliga, waxay soo bandhigayaan Kulankii Labaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta "Sheeko iyo Shaahid".

Kayd iyo REDSEA-ONLINE.COM waxay kale oo ugu bishaaraynayaan inta akhriska jecel in uu soo baxay buugga “Sheeko iyo Shaahid – kowaad” oo ay ku jiraan qaar ka mid ah sheekooyinkii ku guulaystay tartankii sannadkii 2008, buuggaas oo lagu daahfuri doono Hargeysa muddada uu socdo Mooge Festival 2009.

Xeerka

Baratanka "Sheeko iyo Shaahid" waxaa qeexaya xeerkan.

1. Waxaa lagu tartamayaa sheeko afsoomaali ku qoran oo aan hore loo daabicin. Ka qaybgalka tartanku waa lacag la'aan; waxaana uu u furan yahay qof kasta oo da'diisu ka yar tahay 40 jir.

2. Tartanku wuxuu u furan yahay Sheeko (dhacdo dhab ah amase male-awaal). Nuxurka sheekada qoraaga ayaa u xor ah. Waana sheeko aan hore loo daabicin (buug ahaan, degellada internetka, iyo wargays toona)

3. Qofkastaa wuxuu ku tartami karaa hal sheeko oo kaliya.

4. Qoraalku waa inaanu ka yaraan 18000 oo xaraf oo u dhiganta ilaa 10 bog (A4) kana badnaan 36000 xaraf oo u dhiganta 20 bog (boggii waxaa loo xisaabinayaa inuu yahay 30 sadar oo min 60 xaraf ah, qiyaastii 1800 oo xaraf).

5. Qoraalka waxaa lasoo raacinayaa waraaq gaar ah oo ay ku cadyihiin:

a. magaca qoraaga (ama qorayaasha),
b. cinwaanka lagalasoo xidhiidhayo (oo ay ku jiraan ugu yaraan nambarka aleenka gacanta (mobile) ama email midkood),
c. taariikhda iyo meesha dhalashada
d. magaca sheekada uu ku tartamaayo.

Waxaa kale oo waraaqdaa lagu soo qorayaa caddayn uu qoraagu saxeexay oo uu ku caddaynayo inuu u yahay qoraaga rasmiga ah ee sheekada, akhriyey, aqbalayna dhammaan farqadaha xeerkan.

6. Habka iyo goorta qoraalka lagusoo gudbinayo:
i. Qoraalka waxaa lagu soo gudbinayaa gacanta isagoo daabacan oo aanay dusha kaga qornayn HABAYARAATEE magaca qoraaga iyo astaan kale toona; waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa lasoo raacinayaa gal xidhan oo ay ku qoran tahay warbixinta ku cad farqadda 5aad. Waxaa la keenayaa cinwaankan: Maktabadda buugaagta ee REDSEA-ONLINE.COM, Daarta Oriental Hotel, Hargeysa inta ka horreysa 8.00 habeennimo ee 16/06/2009.

ii. Qoraalka waxaa iyana lagu soo gudbinayaa isagoo elegtaroonig ah (pen drive, floppy disk amase e-mail). Waa inuu qoraalku ku qoran yahay qorme caadi ah (text file editor, tex, MS Word, iwm). Waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa lasoo raacinayaa email gaar ah oo gudihiisa ay ku qoran yihiin dhammaan xogta ku cad farqadda 5aad. Waxaa emailka loo soo dirayaa inta ka horraysa 12.00 habeenimo ee 16/06/2009 emailka sheeko@redsea-online.com, una diraa nuqul kale info@hargeysabookfair.com. Qofku waa inuu hubiyaa in email kiisa la helay. Haddii aanu jawaabtaas ku helin muddo saddex cisho ah, waa inuu gacanta ka keenaa sida ku cad farqaddan sare. Haddii aanay suuro gal ahayn inuu gacanta ka keeno waa inuu ka eegaa cinwaanka internetka www.hargeysabookfair.com halka lagala soo xidhiidhayo tratanka oo teleefon soo diraa.

iii. Qoraalladu waa inay soo gaadhaan Cinwaannada Xoghaynta (sida ku cad labadan farqadood ee qodobkan 6) inta ka horraysa 12.00 habeennimo ee maalinta Salaasada 16-ka bisha lixaad 2009 (xilliga Somaliland). Wax allaale wixii soo gaadha xilligaa dabadeed, kama qayb galayaan tartanka.

7. Qofkasta oo la aqbalo codsigiisa ka qayb galka tartanka waxaa la ogaysiin doonaa inta ka horraysa 18/06/2009 in uu yahay tartame; lanana socodsiin doonaa halka uu kala xidhiidhayo faahfaahin dheeri ah.

8. Guddiga Qiimaynta

a. Guddi ka kooban ugu yaraan 3 qof ayaa loo saari doonaa qiimaynta Sheekooyinka; Guddigaasi waxay soo qiimayndoontaa darajada Sheeko kastaa hesho iyo ku guulaystayaasha kaalmaha 1aad, 2aad, 3aad iyagoo aan ogayn cidda qortay sheekada.

b. Darajadaasi waxay ku salaysnaan doontaa: bilicda suugaanta; heerka afka soomaaliga qoran cilmi ahaan; xikmadda ka danbaysa sheekada; iyo tiraab wanaagga qoraaga.

9. Go'aanka Baratanka:

1. Guulayastayaasha tartanku waxay kala heli doonaan:
a. Kaalinta-kowaad:
Astaan (billadda kowaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 100USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 100USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
b. Kaalinta-labaad:
Astaan (billadda labaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 50USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 50USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
c. Kaalinta-saddexaad:
Astaan (billadda saddexaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 25USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 25USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.

10. Go'aanka Guddigu waa kamadanbays aan laga ashkatoon karin. Guddiga, oo ka koobnaan doonta xeeldheerayaal suugaanta iyo afsoomaaliga, waxaa si gaar ah loo magacaabayaa marka ay soo wada xeroodaan qoraallada lagu baratamayaa.

11. Bandhigga Go'aanka

a. Ku dhawaaqista go'aanka tartanka waxaa lagu beegayaa Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Hargeysa oo sannadkan ka mid ah Mooge Festival (22-26/07/2009).

b. Guulaystayaasha kaalmaha 1-3aad waxaa si gaar ah loogu martiqaadayaa Xafladda Bandhiga Go'aanka baratanka.

c. Waxaa xafladda lagusoo martiqaadayaa warbaahiyayaasha waddaniga iyo kuwa kaleba.

12. Xuquuqda Qoraalka (Copyright) ee sheekooyinka

a. Xuquuqda Abuurka Qoraalka (intellectual property copyright) waxay mar kasta u dhawran tahay Qoraaga Sheekada.

b. Sheekooyinka tartanka ka qaybgala oo dhan maamulka tartanku wuxuu kusii faafin karaa, kuna daabici karaa bug ahaan ama ku soo saari karaa wargaysyada, degellada internetka, joornaallada iyo si kasta oo uu maamulku markaas u arko wanaag, isaga oo markasta xusaaya lahaanshaha sheekada ee qoraaga hal abuuray iyo inay ka qaybgashay tartankan.

13. Ka qaybgalka tartankani wuxuu kufarayaa oggolaanshaha farqad kasta oo xeerkan ka mid ah. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg:

 http://www.hargeysabookfair.com amase http://www.redsea-online.com ama http://www.kayd.org amase u qora email info@hargeysabookfair.com.

Waxa kafaalo qaaday tartanka:


Maktabadaha taageeray tartanka:

REDSEA-ONLINE.COM Bookshop, Daarta Oriental Hotel, Hargeysa.

Shaqsiyaadka taageeray maalgelinta tartanka.


RSOL/Kayd – 001/09 International 16/03/2009

 

 

Ayan Mahamoud
Managing Director
UK Tel: 0044(0)7903712949,
Somaliland 002522 4022737
Email: ayan_mahamoud@kayd.or
g