Sheeko Gaaban

 



bari waxa la yidhi nin adhi badan lahaa, ayaa sahansaday meel barwaaqo ah oo cawsku iyo tigaadu is barkatay, hase yeeshee meshasi looga caagay dugaag xolo iyo dadba halaagay hadii mesha cag la saaro.
Dugaaga meeshas ku noolaa waxa kaliya oo ka maqnaa Boqor koodii waa Libaax oo aan ku noolayn meeshaasi.

Ninkii adhiga lahaa waxa ku dhalatay fikrad ah inuu Libaax carbisto, si uu dugaaga kale uga celiyo isna meeshas barwaqada ah u hantiyo adhigiisana ugu raxeyo.
... ninkii libaax yar ayuu soo qabsaday, caano xoolaad ayuu ku ababiyay’ wuu ku barbaariyay sidii ku talagalkiisu ahaana wuxuu keenay goobtii. libaaxii oo laafyoonaya iyo adhigiisii oo daba socdaaba.

Sida la ogyahay duur joogtu waxay ka didaa libaaxa dhogortiisa dabayshu dhaqdhaqaajinayso xataa haduu mel hurdo, lo’dibadeeda iyo qaybo kale oo kamida habar dugaaguna urtiisa ayaa meel fog ka saaqda markaas ayay afartooda adin amini waayaan oo orod micin bidaan ilaa inta ay naftooda la baxsan karaan.

Hadaba tiiba dhacday oo meeshii ninkii adhiga lahaa ayaa xoraystay. Lakin waxa su’aalo is waydiiyay dugaagii isaga darajo ahaan kusoo xigay. Waa Harimo cadkii, Warabihii, Dacawadii, iyo kuwii kale ee hilib ku noosha ahaayee.

Kuye malaha kani libaax maaha’ iyago sobob uga dhigaya waligeed in aanay dhicin Libaax xoolo ilaaliya inu baacsado mooye” lkn iyagu ma oga in caanaha adhigan lagu soo ababiyayba isaga.
hadana waxay ku dhici waayeen cid soo hubisa, oo xataa dayo oo xeelad lagu ogaa madaxay ka lushay”

............. hadaba ma oga ee Libaaxan korsiimadiisa waxa ka maqnayd isagu ina aanu aragba noole kale oo aan ahayn adhigan uu ku dhex koray. warna kamuu hayn in meeshan dartiis qoom kale uga hayaameen, oo laga cabsado. Lkn ninka isaga soo barbaariyay muu barin colaadba oo xataa xolahan Libaxu saxiibtinimo ayuu ula socday, iyaguna sidoo kale. Lkn hadafka iyo ujeedada ninka oo kaliya ayaa Og Ujeedkiisuna ahaa inuu seerahan xoraysto.....

mudo kadib iyadoo halkii la kala joogo oo dugaagii iyo duurjoogtii meeshan ku noola xuduudaha uga talaaben bahalkan meesha lala yimid’ yaabna ay ku tahay Libaax xoolo ilaalinaya ayaa maalin maalmaha kamida Libaaxi oo goor barqo ah Geed hoostii jiifa ka war Helay wax yar oo kusoo ordaya... waaba ( Jiir yar ) oo shanqadh uu maqlay mooday Bisad kusoo ordaysa isaga”.
libaaxii sidii isaga looga baxsan jiray ayuu u baxsaday Xoolihiina waxa Libaaxu ka diday umay fadhiyin ee Aqalkii aya la isu wada shubay. Ninkii oo Subag iyo Caano kala saaraya ayaa sidii daadka loo jiidhay....
hareeruhuu dayay.. “ waa waxba “ xaga kaluu dayay “ waa waxba”
wuxuu damcay inuu meeshii ku celiyo .lkn Libaaxiiba lagu kariwaayay inuu hor galo adhiga. Wayo wuxuu arkay wax aanu waligii arag .

Ugu danbayn waxa ninkii qasab ku noqotay in uu ka guuro meeshii madama fikirkiisii qaybi ka socon wayday . sobobtuna tahay isaga oon libaaxa barin sida wax loo difaaco,
malaha ninku wuxuu ka cabsi qabay haduu libaaxa qayb dagaalka kamida ku barbaariyo inuu isaga dib ugula soo noqdo “ dabcan waanay u egtahay. Midaasina waa ta u keentay aakhirkii jiir baxasad ahi ka saaray meeshii ay guutooyin Dugaag iyo Duur joog ahiba uga hayaameen. Xataa Jiirku ma oga in libaax iyo adhi iyo ninkii lahaaba meeshii uga haajireen oo geesi Gobanimo keenay uu yahayba.

Dulucda ama Ujeedka sheekaduna waa sidan soo socota.

1 – Ninka Xoolaha leh waa . Faysal Cali Waraabe. Xooluhuna Waa xisbigiisa Ucid.

2 – Libaaxa Caanaha lagu carbiyayna waa . Jamaal Cali xuseen.

3 – Dugaaga Meesha Uga yaacay : waa Xisbiyadii hadhay.

4 – Jiirka yar ee uu meesha uga cararayna .. Mooyi ... akhristaha ayaa ka jawaabi. ?????

Wa bilaahi tawfiiq ...

 

 


Maxamed Maxamud Axmed
( Arts )

Gabiley Somaliland
maxamedarts1@gmail.com
+252 63 4466498
+252 65 9875050.