Sheekh Xasan Aweys Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Hargeysa

 

Guddoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya, gaar ahaan garabka Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa daboolka ka qaaday aragtidiisa ku waajahan qaraxyadii 29 Oktoobar, 08 ka dhacay magaalada Hargeysa ee lala beegsaday Madaxtooyada, Somaliland, Xafiiska Itoobiya iyo xarunta hay’adda UNDP ee Hargeysa.

Xasan Aweys, oo isaga oo ku sugan magaalada Asmara ee wadanka Ereteriya, xalay waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika oo Telefoonka kula xidhiidhay, waxa uu sheegay inaanu raali ka ahayn weeraradaas, isaga oo xusay inaanu ururkiisuna ku lug lahayn. Waraysigaas uu Geeska Afrika, la yeeshay Xasan Daahri Aweys, waxa uu u dhacay sidan:

Sidee ayaad u aragtii weeraradii foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa, kuwaas oo lala beegsaday Madaxtooyada, Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa iyo xarunta hay’adda UNDP?

Walaaloow, waxyaabahaas (Qaraxyadaas) way dhici kartaa in annaga la nagu soo leexiyo, laakiin wax shuqul ah oo aanu ku leenahay ma jirto. Shakhsi ahaana waxyaabaha noocaas ah ma jecli sida runta ah, waayo, waxyaalaha dad iska jooga oo aan waxba galabsan dhibaya, markay cadowga tahay waa ka gaar oo cadowga waanu la dagaalanaa oo waxyaabaha loo isticmaalo waa ka mid, laakiin ummadii aan dambiga lahayn iyo dadkii maganta ahaa Diin ahaan in la ilaaliyo weeye, maaha in iyaga la dhibo, markaas in loo isticmaalo wixii cadowga loo isticmaalayay munaasib ilama aha, dadka waxaas samaynayana ma garanayo waxay ula jeedaan. Sidaas daraadeed annagu waxyaabaha noocaas ah shuqulna kuma lihin, raalina kama nihin.

Cidda falalkan samaynaysaa maxay kuula muuqdaan, maadaama oo ay dhibayaan dad aan waxba galabsan oo ay galaafanayaan naftoodii?

Way dhici kartaa in dadku iyagoo is leh wax wanaajiya inay wax biiyaan, laakiin wixii wax biinaya cidna laguma waafiqi karo.

Somaliland oo nabad ku naaloonaysa, oo xiitaa hoy u noqotay dad badan oo ka soo qaxay dagaalada Somaliya, in la soo weeraro sidee ayay kuula muuqataa?

Meesha amniga ah in amniga laga qaado annagu kolayba ma qabno, meeshii aanay hadda dhibi ka jirina in dhib la geliyo ma wanaagsana. Dadkii qaraxyadaas ku geeriyoodayna tacsi ayaanu gaadhsiinaynaa, illaahayna bedel khayr qaba ha siiyo.

Xilligii ay Maxkamaduhu awoodda lahaayeen, waxa jirta hadal la sheego in lagaa soo xigtay oo ah inaad tidhi ‘Dadka Somaliland waxay caabudaan Sanam nabad la yidhaahdo.’ Hadalkaasi horta ma jiray wakhtigaas?

Warar badan oo la sheego waxba kama jiraan, warkaasna maba odhan aqaano, wararkaygana ka mid maaha, markaas anigu maan odhan hadalkaas.

Sheekh Shariif, waxa uu nidar ku maray oo uu ku hawlanyahay inuu hirgelin doono heshiiskii xabad joojinta ahaa ee uu dhawaan la galay dawladda Cabdillaahi Yuusuf. Adiga aragtidaada heshiiskaas iyo xabad joojintaasi ma hirgalaysaa?

Inta cadowgu dhulka ku jiro qofna ma odhan karo xabadda waa la joojinayaa, xataa haddii uu Madaxweyne yahay ma odhan karo waa la joojinayaa, markaas cadowgu haddii uu wadanka ku jiro, xiitaa dad aanu dagaalku waajib ku ahayn sida dumarka iyo carruurta ayuu ku wada waajibayaa. Markaas waxaasi wax soconaya maaha, xabad la joojinayaana ma jirto.

 

 



Source: Wargeyska Geeska Afrika