SHEEKH MAXAMUUD GEELE MAAHAN IN LOO XIDHO WASIIR XANAAQEY WAANA IN
SI DEGDEG AH LOO SII DAAYAA
bismillahi raxmaani raxiim, wa salaama caleyku wa raxmatullahi wa
barkaatu.
Waxaan doonayaa in aan halkan fariin ugu gudbiyo, maxkamada iyo
bahda garsoorka ood moodo in ay qofka xaquuqdiisa meel kaga
dhacayaan ama ku xad gudbayaan, fariintaasi oo ah xadhiga
Sheekh Maxamuud Geelle oo Maxkamadu ku
xukuntay xadhig aan sharci aheyn
aanu'na mutaysan sababtoo ah waxa uu sheekhu sheegey waa in la
baadhaa waayo waa laga yaabaa Wasiirada Hantidii Ummada si xaaraana
u cunaaya ee casuumadaha ku bixinay a, haduu yidhi xoolaha ummada
yaan hudheelada, lagu faraqin ee dadka baahan ee muwaa daniinta ah ha
la siiyo ma hadal xunbaa?,haduuse yidhi waxaa jira Wasiiro Xukumada
ka tir san oo Ururo Ddiimeedyo ka tirsan maxaa looga xanaaqey ileyn
waa kii Wasiir Samaale lah aa waan ku faanaaye , ama waan ku
dhaartaaye.
Waxaan fariinteyda u gudbinayaa Madaxweynaha Somaliland iyo waliba
gudoomiyaha max kamada sare oon leeyahey maahan in aad shacabka u
xidhaan wasiiro shaqadii loo direy ku fashilmey oo waliba iyagu
danbi , lunsi hanti dadweyne ku dhex jira una baahan in laftooda la
baadho o la daba galo meesha ay xoolaha ummada ee hudheelada dadka
bilaashka looga dhigaayo ka keeneen.
Waxanan leeyahey xukumada uu Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo laguuma
dooran in Wa siiro ama Wasiir cadhoodey oo waliba shaqadii loo diray
garan waayey maahan in aad cul umada u xidh xidho ee waa in aad si
dhaqso ah wadadka xoriyadiisa ugu soo celisaa/
Waad mahadsantahiin.
Tahir HUssein
waayo_aragman@yahoo.com
|