SHEEKH MAXAMUD C/LAHI GEELE YUU U XIDHAN YAHAY ?

 



In ummada waxa wanaagsan la faro waxii xuna laga reebaa waa shaqadii
Anbiyada iyo dhaxalkay ummada uga tageen. Culimaduna waa kuwa dhaxalkaa aadka u qaaliga ah ummada u sida. Sidaa awgeed culimadu waxa ay mudan yihiin qadarin iyo xushmo dheeraad ah maadaama Nabi Muxam med(NNKH), xadiis saxeexa ku yidhi: Al-culamaa'u warathatul anbiyaa.

Dhaqanka wanaagsan ee soomaaliduna waa mid ixtiraam u haya culimada diinta oo aad u qadari ya. Shicaarka diiniga ah ee ay xambaarsan yihiina ku xushmeeya iyadoon loo eegayn luuqada, jin siga, midabka, iyo wixii la midka ah.

Hadaba beryahan dambe waxa soo if baxaysa in xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeeka ka yahay mudane Siilaanyo ay daba-gal iyo xadhig ku hayso culima qaarkood oo uu sheikh (SH. MAXAMUD CABDILAHI GEELE) ka mid yahay.

Sh. Maxamud c/lahi geele waxa uu mudo laba bilood ku dhow u xidhan yahay hadal uu ugu nasteex eeyey laba Wasiir oo xukuumada ka tirsan. Ka dib markii uu sheekhu ka damqaday ficilada iyo had alada ka soo baxay labadaa Wasiir.


Halka uu Wasiirka Maaliyada uu ugu nasteexeeyey in lacagta uu casuumadaha iyo shir shirka ku galayo dadka baahan wax ugu taro. Halka Wasiirka Arrimaha Gudahana uu hadaladiisa is burinaya wax yar ka iftiimiyay.

Waxa hubaal ah in ninka xil ummadeed qabtaa uu la kulmaayo afkaaro iyo hadalo aan isaga raali galin oo sida uu isagu u arkaayo ku lidi ah. Balse xaqiiqadu waxa ay tahay in qofkii kursi ummada ka dhexeeya ku fadhiista aanu uga faa?iidaysan si gaar ahaaneed ee uu uga faa?iideeyaa sida da nta caamka ahi ku jirto.

Marka aan u imaado dulucda hadalkaygan kooban, waxaan rabaa inaan wax yar ka iftiimiyo shakh siyada sh. Maxamud C/laahi Geele oo ah:

1. Qof wakhtigiisa, aqoontiisa iyo fikirkiisaba in badan oo ka mid ah u huray sidii uu bulshadiisa uga saari lahaa mugdiga jahli ee ay ku jiraan, una bari lahaa KITAABKA ALLE ee nuurka iyo hanuunka ah.

2. Shakhsi xoogiisa in badan oo ka mid ah ugu tabarucay sidii uu ummadiisa dhibta jahligu leehay ugala dagaalami lahaa.

3. Shakhsi aan cilmiga ilaahay baray ummada magac iyo maal toona kaga doonin ee wax ka siiya.

4. Shakhsi fikirkiisu yahay inay kalmada ilaahay kor ahaato inta uu nool yahay.

5. Shakhsi ka duwan in badan oo culimada maanta Hargeisa ku nool ah oo MASAAJID IYO MADARA SAD ay magaca ummadan ama dadkan kaga soo qaateen qollooyinkaa carabta dadka ku dhiig miir ta oo Dollars kaga urursada. Balse lacag uu ka urursadaa haba joogtee tiisii ku bixiyey wax barista ummadiisa.

6. Waa shakhsi aan Daaha dabadiisa dadka wax uga soo yeedhin ee hadalka markiisa iyo meeshii sa ugu taga oo aan fikirka la gaban.

7. Waa shakhsi jecel dalkan iyo dadkan ugana lexe jeclo badan qaar badan oo wax is bidaya.

8. Shakhsi hammigiisu yahay ummadan oo GAAL daba ruclayntii iyo Gaal iska dhaadhicintii ka xoro wda.
 


Gunaanad:

Hadii dowlada maanta jirtaa ay tamar iyo xoog isugu gayso inay fikirka iyo ra'yiga qofka xakam ayso ha ogaato inay marayso wadadii uu maray REGIME-kii siyaad bare.

Waa in Sheekha si bilaa shuruud ah loo sii daayaa , walibana dowlada iyo nimanka uu u xidhan yahayba raali galin ka bixiyaan kala go'a ku yimid dadkii uu wax barayay sheekhu mudadii uu xidhn aa.

Hadii ay xukuumadu ku sii hayso Sheekha Xabsiga , ha ogaadaan in aanu Sh. Maxamud ka tana asulayn fikirkiisa iyo mabdiisaba inta uu nool yahay.

Runeey car I sheeg !!!!!!

 

 


Omar Kosar Abdi,

Hargeisa
4109995/4702083
Xaduur@gmail.com