SHEEKH ADEN SIIRO OO IFTIIMIYAY NOOCA MABAADIIDA AY AAMINSAN YIHIIN KUWA ISQARXIYAA

 

Dood lagu lafagurayay waxyaabihii dhaliyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacday 29-kii October Magaalada Hargeysa iyo sidii loogu hortagi karo ayaa shalay lagu qabtay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Doodan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo SOBDO ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada, Sheek Aadan Siiro, Gudoomiyaha qaybta Acadamiga ee Jaamacada Hargeysa, Prof: Saleebaan oo ka socday jaamacada Golis, Ardayda dhigata Jaamacadaha Magaalada Hargeysa, Dugsiyada Sare ee dalka iyo marti sharaf kale, waxaana furitaankii doodaasi hadalo kooban ka soo jeediyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Cali Cabdi Odowaa oo sheegay in marka shirar noocan oo kale ah laysugu yimaado laga hadlo waxyaabihii dhaliyay falalkii foosha xuma ee ka dhacay magaalada Hargeysa oo ahayd mid aanay gayin Somaliland isla markaana ay dhaleecaynayaan, waxaanu uu tilmaamay in ay fiican tahay in laga laysku yimaado oo laga doodo waxaana uu Agaasimuhu yidhi

“Waxa dhacda in marka shirarka noocan oo kale ah laysugu yimaado in lagaga hadlo waxyaabihii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa oo ahayd mid aynaan gayin Somaliland waanaan dhaleecaynaynaa, sida runta ah way fiican tahay in laysku yimaado oo la doodo” Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadu waxa uu tilmaamay in dadka hawshan wadaa ay yihiin dad awood doonaya oo soo xidhay koofiyadii diinta, waxaana uu tilmaamay in Somaliland ay seexatay oo aanay galin wax godob ah laakiin ay taasi maanta wax u tartay waxaana uu yidhi “Dadka hawshan wadaa waa dad awood doon ah, oo diinta ku gabanaya oo soo xidhay koofiyadii diinta, inaguna waynu seexanay oo hurdo dheer ayaynu galnay waayo wax godob ah maynu galin, laakiin tani waxbay inoo tartay oo waynu ka foojignaan doonaa”. Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada. Waxa isaguna doodaasi ka hadlay Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan siiro) waxaana uu yidhi “Arrintii maalintii dhawayd ka dhacday Hargeysa waxay ahayd Mabda’iyan, dadka qaarna waxay u haysataan wax iska yimid, arrin la sameeyay oo dhawr qof iskugu hagaagtayna maaha ee waxay ahayd mid lagu diidan yahay Mabda’a, ay qaateen wadamada maslimiinta ah ee ay Somaliland ka mid tahay, waxay aaminsan yihiin dadka qaarkood in xukuumadaha u taliyaa ay gaalo yihiin, baarlamaanadooduna ay gaaladaa u adeegaan, kuwa u shaqeeyaana ay u adeegaan, waxaanay aaminsan yihiin maamulka Somaliland inuu yahay maamul la gaalaynayo, kuwa u shaqaynayaa inay gaalo yihiin, maadaama ay gaalo yihiina in xoog lagaga takhalusaa in ay waajib tahay”.

Sheekh aadan Xaaji Maxamuud Xiiray waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in dastuurka Somaliland ay dadku dhisteen oo ay ku heshiiyeen wax aynu dhisano isla markaana aynu isku xukuno shareecada Islaamka. waxaana uu tilmamayaa in dastuurka ay ku qoran tahay muslinkuna haynaga nabada galo iyagana aynu ka nabad galno waxaana uu yidhi “Dastuurkaa ay samaysteen dadku waxay ku heshiiyeen, wax aynu dhisano, waxa laysku xukumayaana shareecada ha noqoto, muslinkuna haynaga nabad galo inaguna aynu ka nabad galno, dastuurka Somaliland intaasaan ku soo ururinayaa”.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu sheegay in haddii aynu cadayn wayno aragtideena ku waajahan Jamhuuriyada Somaliland iyo waxyaabaha kale ee aynu soo qabsanay in ay tahay ta keenaysa in uu qofku aamino fikrad kale isla markaana uu khalkhal galiyo nabada Somaliland isaga oo taa ka hadalayna waxa uu yidhi “Hadaynu cadayn wayno aragtideena ku waajahan Jamhuuriyada Somaliland, hadaynu cadayn wayno aragtideena ku waajahan dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, hadii aynu cadayn wayno aragtideena ku waajahan afartan sanadood wixii aynu soo unkaynay waa ta keenaysa mabda’ kale aa aan taa aan aaminsanayni inuu ku fido ama khalkhal galiyo Jamhuuriyadan curdinka ah ee Somaliland”.

Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu sheegay in aynu ku noolnahay wadan furan isla markaana ay gudaha dalka ka jiraan Madaariis badan oo aan la ogayn wax lagu dhigo, waxaana uu tilmaamay in aanay dadkaasi garanayn qiimaha ay wadaniyadu leedahay isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu ku noolnahay wadan furan, oo aanay cidi lahayn, Waxaa ka jira magaaladeenan Hargeysa madarasado badan, oo aan la ogayn waxa lagu dhigo, waa dad aan ogayn waxa loo soo dagaalamay, waa dad aan ogayn ahmiyada uu wadanku leeyahay, xaramka gudihiisa ayaa nalagu yidhi keen bidaaqadaadii, xageed ka timid, maxaad qabanaysaa, maaha wax kale waa niman soo jabay oo garanaya qiimaha uu dalku leeyahay”.

Ugu danbayntiina Sheekh Aadan Siiro waxa uu kula taliyay dhalinyaro iyo culimaba in loo guntado sidii loo illaashan lahaa nabad waxaana uu yidhi “Waxaan kula talinayaa dhalin yarta, dalkan yar ee dagaalka loo soo maray waa la duminayaa waliba waxa laga duminayaa xaga wadaadada, walaalayaal waynu ognahay waxa jira, culimadu way ogyihiin, waxaa loo baahan yahay in la guntad oo aynu amnigeena sugno oo aynu isku talo noqono oo aynu meel u wada jeedno, waxani waa aragti u baahan dood badan” waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha qaybta acadamiyada ee Jaamacada Hargeysa Dr: C/Rashiid Yuusuf Gaaxnuug waxaana uu sheegay in nabadu ay qaali tahay arrintana ay fuliyeen dad ka soo horjeeda nabada Somaliland waxaana uu ummada ugu baaqay in ay booliska u soo gacan galiyaan cidii ay ka shakiyaan.

Waxa kale oo iyaguna doodaasi ka hadlay Prof: Saleebaan oo ka socday Jaamaca Golis, Gudoomiyaha ururka SOBDO iyo arday ka kala socotay Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ee dalka iyagoo halkaasi kaka dhiibtay fikradooda ku wajahan waxyaabaha keenay dhibaatada ka dhacday Hargeysa iyo sida looga hor tagi karo.
 

 

 

 


Source: Saxannews