Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Digay Isbedel Khalkhal keena

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culima da wadanka ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyadooda, maadaama oo lagu jiro xilli xaasaasi ah.

Sheekh Aadan-Siiro, oo hadal ka jeediyay xaflad ay siyaasiin mucaarad ahi hadal ka jeediyeen oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay arday ka qallin jebisay Machadka Nuuradiin, waxa uu sheegay inay bulshadu ka soo horjeedo isbedel nabadgelyada dhaawac u gaysta. “Kalmada aan ku soo khatimayaa waxa weeyaan nabadgalyadeena aynu ilaashano, waxa maanta lagu tartamayaa oo aan Axsaabtana ku waaninayaa waar nabadgalyada yeynaan cudur ka qaadin, isbadal wixii hore ee la hayay wax ka badalaya gabi ahaantii waynu ka soo horjeednaa, isbadal nabadgalyada waxyeelaya waynu ka soo horjeednaa, cid alla cidii doontaa ha wado magaca uu doono ha yeesho, markaa dadka waxaan ku waaninayaa waar nabadgalyada aynu meel uga soo wada jeedno, oo yeynaan ku halayn inta dirayska xidhan oo kaliya."Ka maanta jooga Ilaahay ayuu la hor tagayaa intii uu hayay oo masuuliyadeedii waa la waydiinayaa, ka danbe ee imanayaana waa sidaa si leeg, markaa anigu waxaan odhan lahaa waxaynu u samaysanay codkaa in ninkii wax doonayaa ku adkaado, dadka wax doonayaa maaha dadkii ay umadu soo xulatay, ee dadka wax doonayaa iyaguna waxbay doonayaan horumarna waanu samaynaynaana way inoo soo bandhigeen, laakiin taladeenu waxa ay tahay waar waxaa dadku samaysteen ha lagu kala adkaado, sidaasi ayaynu xisbiga talada haya ku waaninaynaa, sidaasi ayaanu Asxaabta kale ee mucaaradka ku waaninaynaa, oo doorashadii si xalaala loo qabto oo loo sinaado, laguna kala adkaado si xalaala, umaduna waxay ka warwarsan tahay in wakhti madhan soo baxo, waayo wadan yar oo jilicsan ayaynu nahay, taana waxaanu ku waaninaynaa Asxaabta Qaranka, maanta umaddu isbadal bay doonaysaa, waynagaa maanta arkayna dareenka umadda 95% isbadal bay doonayaan, laakiin waxay doonayaan isbadal Caafimaad qaba oo aan waxeenii hore waxba yeelin."

Sheekh Aadan-Siiro, oo si gaar ah ula hadlaya asxaabtu waxa uu yidhi "Markaa waxaanu doonaynaa anaga oo xor ah oo nabad haysana uu isbadal inoo yimaado, waxaan Axsaabta Qaranka ugu soo jeedinayaa si guud, waar isbadal wuu imanayaa Ilaahay baanuna ka rajaynaynaa, laakiin xikmad iyo caqli halagu daro."

Ugu dambayn waxa uu Sheekh Aadan, hambalyo u diray ardayda qallin jebisay iyo maamulka iyo macaliminta machadka Nuuradiin oo uu ku ammaanay kaalinta ay kaga jiraan horumarinta waxbarashada dalka.

 

 


Wargeyska Geeska Afrika