Sheekh Aadan Siiro Oo Xukuumadda Ka Codsaday Inay Wax Ka Qabato Oromada Sida Xad Dhaafka Ah Dalka Ugu Soo Badanaysa

 



“Golaha Wakiilada waxay Doonayaan in lacag ka bixin lahayd fiiga Jaamacada Ardeyda dhigata ay mushahar u qaataan" Sh. Aadan Siiro



Hargeysa (TNN)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa ka codsaday Xukuumadda inay ka wax ka qabato dadka Oromada ee dalka ku soo qulqulaya oo dhibaato badan ku haya dadkii Muwaadiniinta ahaa, isla markaana fursadihii shaqo ka cidhiidhay.
 


Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo maanta ka hadlayey Khudbadii Salaadii Ciida ee Garoonka Xawaadle ayaa Golayaasha Barlamaanka ku eedeyey inay mushahar xad dhaaf ah doonayaan oo aan dalka dhaqaalihiisu qaadi kareen, waxaanu yidhi isaga oo arimahaa ka hadlaya “Golaha Wakiilada waxay Doonayaan in lacag ka bixin lahayd fiiga Jaamacada Ardeyda dhigata ay mushahar u qaataan, taas oo ay Xukuumaddu u ansixisay, waxaan leeyahay Xukuumadda ka fiirsada oo umadda lacagtii wax loogu qaban lahaa yaanu nin kaliyi qaadanin, waxaan xildhibaanadaana leeyahay haddii aad doonaysaan inaan Malaayiin heshaan Xarumo Ganacsi iska furta.



Waxaan shacabka leeyahay dantiina garta oo marka nin Siyaasi ah, tusaale ahaan UCID oo kale khilaaf baa dhex yaala dad badan ayaa u xamaasadaysan qof keliya, waar yaynaan ku milmin dadka Siyaasiyiinta ah iyo qof dan gaar ah leh oo haddii khilaaf yimaado yaynaan kala raacin, haddii uu Suldaan cadhoodo dan lihi yaynaan Qabiilnimo ku daba gelin, haddii Wadaad wareer san qudhigeeda uu kar kaarka weydaarto oo wixii aynu ku heshiinay dhinaca kale u weydaarto waar yaynaan waar yaynaan Qabiil ku daba gelin, waxa weeyi dadku waa inay ogaaadaan waxa inaga dhaxeeya, waa inaynu ogaana waxa aynu leenahay, waa inaad barato waxaad xaq u leedahay, waar wadooyinkeena aynu leenahay maanta waad ogtihiin Goljano oo meydka meel laga qaadaa aanu jirin dhawr iyo laabatan nin oo Deegaan ah haddii ay Wadooyinkeenii xidha an, haddii dantii guud ee dadka oo dhan ay dhameeyaan, Milyan boqol iyo konton kun ayaa maanta Hargeysa ku nool oo waxa weeyi aynu qabaa’il ku kala raacno oo wadadii kaa xidhanto oo meel wax lagu aaso la waayo oo meel dhakhtar laga dhigo la waayo oo meel Jaamacad laga dhigo la waayo oo meel meelihii dadka ka dhaxeeyey oo ah meel dadkii hoose iyo maatida ka dhaxeeyey la waayo oo marka la yidhaahdo ka daa oo markaynu nidhaahno ka daa aynu mood no in Qabiil lala hadlayo waa dhibaato weeyi, waar bal xashiishka eega waar bal magaaladii badhtankeedii oo wada godada ah eega, Dawladdii aynu igmanay ee dhexe iyo Golayaashii waa maxay shaqadoodu, bal xashiishka halkaa yaala eega xalay oo dhan waxa laga xaadhayey halkaa aynu imika ku tukanayno oo sodon wiil ayaa xalay ku mashquulsanaa sidii halkaa looga heli lahaa meel aynu ku tukano, caruurteenu waxay isku dilaysaa garoon la’aan, waxa laga yaabaa boqolaal tiim ayaa ka sameysan Magaalada Hargeysa maxaa keenaya inay is dilaan garoon yar baa ka dhaxeeya oo waad arkaysan.



Waxaan aad iyo aad uga hadlaynaa dadkaa Oromada ah iyo Itoobiyaanka Dalka soo galay waar waxa la leeyahay 2050-ka Itoobiyaanku waxay noqonayaan laba boqol iyo toban Milyan markii tiro koob lagu sameeyey, waar Somaliland waxa la leeyahay konton sanadood ka dib todoba Milyan ilaa sideed Milyan ma dhaafayno, waar hadaynaan xad u sameyn dalkay inaga qaadaya an, waar cuduro badan bay wadaan oo dhib badan bay inagu hayaan, maanta shan boqol oo guri ilaa lix boqol oo guri oo min boqol Dollar ahi waa imisa waa lixdan kun oo Dollar, guryaha ay ilaaliyaan oo kaliya iskaa shaqooyinka kale ee ay hayaan oo lixdan kun oo Dollar imisa reer baa maanta ku noolaan lahaa, waxa ka daran guryahaasi fasaadka ay sameeyaan iyo guryo lagu  tu nto ayay kiro yar ka dhigeen oo sadex is wada jiidaya maydaan arag, dadkeenii wax la siin laha a oo dhan shaqalaheenu qaali ha noqdeene ILAAHEY ayaa iskeen baday, waar Xukuuma dda waxaanu kala hadlaynaa waar dadkaa wadanka ha laga saaro, waad arkaysaa Wajaale ama Wasiir ha noqdo ama mid wadaad ah ha noqdo ama mid baayac mushtariya ha noqdo ila aad sharci ku gasho ma geli kartid Wajaaladaa tobanka talaabo inoo jirta, waar inaga teena maxaa nomadis laan ka dhigay dee waxaan leeyahay qofkii sharci haystaana dalka ha soo galo kii kale na ha iska joogo, inta joogtana Xukuumadda waxaanu kala hadalnay in badan waar go’aan ha ka gaadhaan, dadkana waxaanu ku waaninaynaa waar lacagta ka daaya oo markay idiin yima adaan raashin uun siiya way soo lacag doonteen, waxaad arkaysaa nin baayac mushtari ah oo walaalkii bakhtiyayo oo inta uu tukaankiisa hortiisa isla soo hor taagay u qaybinaya kuwaas, waar iyagaa iska noqonaya oo shaqada ha siinina, kuwiina shaqada siiya intuu doono ha qaatee”.

 



Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa Office