Sheekh Aadan Siiro oo Xukuumadda ku Eedeeyay Isbedelkii loogu baaqay inay uga faa’iideysay Koox kali

 



Hargeysa (TNN)-Sh Aadan X Maxamud Aadan Siiro ayaa Qudabadiisii shalay Jimcaha kaga hadlay arri mo door ah oo ay ka mid yihiin Qudbadii Obama ee Barriga Dhexe, Istaraatajiyada ay Dawladaha waa weyni ka leeyihiin Baddaha Somaliya, Isbedelkii laga filayay Xukuumadda cusub oo uu sheegay inuu n oqday inay koox kali ahi noolaato iyo dayaca ilaa hada ka muuqda Mujaahidiintii Dalka u soo halganta y.

Ugu horeyna waxa uu sheegay qudbada Obama inay ahayd mid aan munaasib ku ahayn Ummadda Mu slimiinta Dhulkooda inuu ku sheego inay leeyihiin waxaanu tusaale u soo qaatay wakhtiga Asaxaabtu ay ka talin jirtay Adduunyada inaanay taako uga tagi jirin Gaalada halka ay maanta iyagu ka sheegan ayaan Dhulkii Muslimiintu lahayd.

Waxa uu sheikh Aadan isweydiiyay sababta ay la inoo Ictiraafi la’ yahay waxaanu yidhi “ waxa la inoo Ictitaafi la’yahay ee la inagu dilayaa waa Diinta, taasi miyay inaga leexin kartaa dariiqeena? May. Waxaynu nahay dad qani ah haddii aynu toban qof oo la garanayo talada u dhiibano qof kastaa wux uu bishii heli lahaa $2000” ayuu yidhi Sheekhu waxaanu intaa raaciyay “ hal kambani oo qudha haday nu samaysano waxa la raadin lahaa qof wax qora waxna akhriya.”ayuu yidhi

Mar uu ka hadlayay sida loogu baahan yahay inay wax qabsano iyo sida ay reer galbeedku khayraad keena mar labaad u damacsan yihiin inay qaybsadaan waxa uu yidhi “ waxa aqoonyahankeena iyo Xukuumaddena looga baahan yahay inay Maskaxda tuujiyaan. Reer galbeedku khayraadkoodii way soo dhameeyeen, waxay badh ka yihiin mashaakilaadka meelo badan ka taagan” ayuu yidhi sheekhu waxaanu tusaale u soo qaatay “ budhcad badeeda ay sheegaan waa Istaraatajiyad ay ku doonayaan inay Maraykanka ugu gacan galiyaan Badda Somaliya waad ogtihiin dhamaan dalalkoodu waxay keen een Maraakiib iyagaana abuuray mushkilada taagan.” Ayuu yidhi

Mar uu ka hadlayay duruufha dhaqaale xumo ee Dalka ka taagan iyo sida loogu baahan yahay in Umm adda hantideeda loogu celiyo waxa uu yidhi “ ilaahay waxa uu yidhi hadaad wax bixisaan waxaan idiin ku bedeli cawad naqiisa, waa in ay Ummaddu wax is tartaa. Isbedelkii aynu ku baaqnay ma wuxuu noq day inay kooxi noolaato? Dulmigu halkuu ka bilaabmaa bal midabkiisa ii sheega? Waxa la yidhi ha is du lmiyina ma cadaalad baa in nin Baarlamaan ah oo Hargeysa iska fadhiyaa qaato $1800, kii furinta joo gay ee Askariga ahaana qaato waxaan $80 gaadhayn” ayuu yidhi

Isagoo sharaxaya wakhtigii Asaxaabta waxa uu yidhi “ Amiirka mu’miniinta ayuu nin gobol masuul ka ahaa yidhi guribaan kuu dhisayaa si markaad noo timaado aad u gasho markaasuu Cumar binu khad aab ku yidhi aniga guri kaagama baahniye dadka iskugu yeedh oo ka dhig waxay doonayaan oo dadka Maalkooda ka dhergi anigu waxba ha ii keenine” ayuu yidhi Sheekhu

Waxaanu bar bar dhigay masuuliyiinta talada haysaa sida aanay uga war hayn Ummaddooda gaar a haana kuwii dalkan u soo halgamay waxaanu yidhi “ Mujaahidiintii dalkan u soo halgantay qaarkood baa xeryaha Riyaha ku xidhan oo markii Hooyadii wax ay siiso u weyday ku dhex xidhay waxa Cajalad ka duubay dhalinyaro doonaysay inay wax u qabato, waxaanu qabanay inan Madaxtooyadda maalint ii intaas oo jeer hor mari jiray oo ay wada garanayaan cid qabata ayuu waayay muxuu u baahan yah ay waa in loo Maydho dhar nadiif ah loo xidho la nasiyo oo Qaadka laga joojiyo.” Ayuu yidhi

Waxaanu intaa raaciyay isagoo bar bar dhigaya kuwii talada u hayay nolosha ay ku nool yihiin iyo si da ay u dayacan yihiin kuwii soo halgamay waxa uu yidhi “ arrintaasi waa dulmi maaha inuu nina qaa to $1800 kii u soo halgamayna ka daranyoodo, bal aynu maalin bandhig u qabano Land-cruiserada ay wataan madaxda aynu ka filaynay inay kaas wax u qabtaan oo aynu Xaraashno waxa inooga soo bixi lahayd lacag Malaayiin ah oo aynu Mashaariic ku qabsano” ayuu ku khatimay qudbadiisa.

Source: Waaheen