Sheekh Aadan Siiro, miyaa uu gafay hadii uu yidhi horta Go ndahaaga dalab tir intaanad Goodiga shishe u bixin....?!

 

 


Ciid-Wanaagsan Dhamaanttin!

Dadka reer Somaliland waxa ay ku maahmaahaan tiisaba daryeelaa tu kale ku daro! Oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay, qofkii hanta naftiisa, daryeela ta dadkiisa, xaslada ta dalkiisa iyo inta ma huraanka u ah ayaa dabadeedna baahi uu qabo nin kale (walaalkii) oo ka fogi, u hawooda inuu inta uu huri karo ee hayntiisa ah hagar la'i ugu quudho. Hogaamiye kasta ha ahaado mid Dawladeed, Diimeed ama Dan-neede, xilka saaran waxa kow ka ah inuu xog ogaal u noqdo waayaha nololeed ee dadkiisu ku sugan yahay. Waxa sandulle iyo dirqi ku ah oo hawshaa uu u banbaxay ee uu xilkeeda qaadistiisa u badheedhay ku nudan, in uu u kalaho oo uu u kabtiyo oo inta ay tamari gaadhsiiso arin, af, adin iyo awaale kaleba (aduun) kula tacaalo, sabato bixinta inta tawsta nololeed ay dul bahariirto ee ay tasaysay, ee dhacdo iyo baxdo diihaalkeeda la tiicaysa!.

Taasaa ka mudan wax kale oo kasta oo baahi ah oo jirtaba, Hadii aan u leexano xaga diinta suuban ee Furqaan qudheeda kama foga arintu sidaa aan dusha ku soo sheegay, oo inta ay dadka kuwa kuugu xigaa baahan yihiin, ma maqal meel lagu sheegayo, la qardo-jeex oo meel kale lo goho deeqda aad dar Allah u bixinayso! Sakada oo ka mid ah rukumada diinteena Suuban ee waajibaadka inagu ah inaynu oofino ayaa ay culimadu sheegaan, in dadka xaqa kuugu leh ee u horeeya ee aad siinaysaa ay yihiin Xigtadaada. Taasi waxay marag u tahay arinta aan dusha ku soo sheegay ee ah, docdaada kuwa daadsan horta bogood iyo beerkooda diiri intaanad Duleedka u bixin! Waana halka aan ugu joogsanayo ee aanan ku maan dhaafayn Sheekh Aadan Siiro! Waxa jirta murti fac wayn oo qudheedu inoo bildhaaminaysa sida aynu hawlaha u kala horaysiinayno, waxay taasina shadkeeda iyo madkeedaba ku xarakaysaa halku dhigan '' Oodo dhacameed sida ay u kale horeeyaan ayaan loo kala guraa''.

Hadaba meerar tuurkaa baacsiga kooban ah ka dib, ugu horayn waxan Ilaahay uga baryayaa inuu dadka Islaamka ah ee dhibaatooyinka kale duwani haleeleen ka dulqaado, rafaadka jaadadka badan leh ee naftooda hantiyay ka muluulikhiyo. Dadka Soomaaliyeed ee meelaha kale duwan ay macaluusha iyo colaadu isku garbiyeena waxan Ilaahay uga barayayaa inuu Faraj waafi ah u soo rogo oo uu si sareecan ah, dhibta uga dul-qaado. Aamiin Insha-Allah.

Ducadaa dabadeed Hadaba hadii aan malahayga dhiijo-e, Mid waxan si badheedh ah oo aan maagis iyo gabasho lahayn ugu taageerayaa Sheekh Aadan Siiro, midna waxan marageeda furayaa in faraq kasta oo reer Somaliland leeyahay dibad iyo gudoba, la furay oo weliba muquuno miigan la dhiibay oo loo hibeeyay gargaarka dadka walaalaheena ah ee Soomaaliya ku dhibaataysan.

- Waa ta hore ee badheedhahayga ah iyo u garawga Sheekh Aadan Siiro; Hadalkii sheekha ee Ciiidii Ramadaan ee dadka qaarkood ka biyo diideen ee ahaa '' dawlada Somaliland ha daryeesho dadkeeda inta ay dal kale dad ku nool xil iska saarayso'' Wax haba yaraatee Qalaynaya hadalkaa (qudbada) Sheekh Aadan Siiro oo xajiin ahi kuma jiro, waxa uu ku lalabay oo uu sida xilka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisu uu farayo uu ugu canaantay xukuumada Somaliland inay gondaheed marka hore eegto!. Waana waajib diini ah inuu kolba halka qabyadu ka muuqato uu Sheekhu Qudbadaha maalmaha mudnaanshaha gaarka ah leh bulshada ugu muujiyo, oo uu u soo bandhigo. Kuma xad gudbin xuquuda cid kale, adiyada iyo aflagaada toona uma gaysan, waxa uu qabsaday sheekhu Shaqadiisii oo kaliya, waana taa ta aan ku taageersanahay een weliba ku bogaadinayaa.

- Ta labaad, waxan marag ka ahay in hayni meel ay dadka reer Somaliland dhigtoba aanay walaalahooda reer Soomaaliya waxbaba ka hagran! Labaatankii gu ee ay qaska iyo qalaalasaha ku jirtay Soomaaliya, waxa Somaliland ku soo qaxay oo soo magansaday dad aan cadad iyo xisaab toona lahayn oo gacmo iyo quluub furan lagu soo dhaweeyay, halka meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya loo diiday inay xataa dayaarada kaga dagaan oo ka sii talaabaan, iska daa iyada inay ku noolaadaane, waxa kale oo marag loo hayaa in qaar ka shaqaysta meelahaa oo muruqooda maala lagu gubay oo la dilay waaba wax la taartee, Haatadan aan joogno ayaa u danbaysay oo meelo sheegta inay maamulo yihiin dadka Soomaaliyada koonfureed ka yimid ee ku nool kana xoogsada xoolahoodii lagu dhacaa oo si aan waabis lahayn loo boobaa. Dadka reer Somaliland soo dhawayntaa gobeed ee amaanka iyo kalsoonidaba leh ka sokow, waxay si caaqiibo leh gacan libaax uga gaysteen, ha sheegnaato ama ha sheelaato'e maal iyo moodba abaaraha haatan ka jira Soomaaliya. Tusaale madal kasta oo laga yabooho gacmaha u culusi waxay kolayba ahaayeen reer Somaliland, Bal Dahab-shiil mildho oo Madax-Ishin ah ay muquunadiisu ahayd.

Bal dadwaynaha gudaha jooga iyo Guntin-furka ay bidixda ka tuureen yara hoomay, bal masaajidada, mawlacyada xataa majaalista barjaha eeg! Lama hayo lagana soo heli maayo geeska Afrika shanta meelood ee ay dadka Af-soomaaliga isku afgartaa ku dhaqan yihiin, Meel xoolaha ay haneeyeen reer Somaliland in xataa badh kaga dhacaysa bixisay. Marka waxa Sheekha ama reer Somaliland loo qujoqujeeyaa saw xasarad iyo xagxagasho gobi ka xaragooto ma aha!

- Dalalka dibadaha ka soo gurmaday ee walaalaheena Soomaaliyeed waxtarka u gaysanaya waan hanbalyaynaynaa, waase kuwo aan marnaba la ag qotomin karin dadka reer Somaliland, oo iyagu dhankii aad ka eegtoba u qabtay walaalahooda reer Somaliya waxaan cid kale siinba karin oo ah, Hoy aan saymo lahayn iyo Hanti aan hagar lahayn oo waxaan haynoba naga hooya! Walaalkaa uun baa sidaasina laga helaa. Abaalkeeda taasina Ilaahay samo iyo wanaag ha ugu badalo reer Somaliland.

* Gabogabada maqaalkan hiilka iyo marag kaca ah waxan ku af-meerayaa, Abaal gobeed la gal gu'gaa maanta ah si iyo goor la gudoba!*

Somaliland ha jirto oo ha joogto weligeed.
 

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan