Sh. Shafiif oo Dalbaday Ciidamo Dheeri ah

 

Hogaamiyaha Mucaaradka Soomaaliya ayaa waydiistay Midowga Afrika in ay soo diraan ciidamo dheeraad ah oo gacan ka gaysta xasilinta dalka.

Hogaamiyaha Islaamiga ah ee Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in loo baahan doono ciidamo dheeraad ah maadaama ay hadda Itoobiya go’aansatay in ay dalka isaga baxdo sannadka dhamaadkiisa.

Waxa uu u sheegay mas’uuliyiin sare oo Kenyan ah in la soo dhawayn doono ciidamadaas dheeraadka ah.

Dhinaca kalena, kooxda xag-jirta ee Al-shabab ayaa sheegatay in ay mas’uul ka tahay weerar madfac oo lagu soo qaaday maanta xarun ku taal agagaarka Muqdisho oo ay dagan yihiin ciidamada Itoobiya. Wax khasaare ah halkaas lagama soo sheegin.

Itoobiya ayaa kumanaan ciidamo ah u dirtay si ay u taageeraan xukuumadda Soomaaliya ee taageerada ka haysata reer Galbeedka, kuwaaso muddo laba sano ah dagaal kula jiray xag-jirro Islaamiyiin ah.

Midowga Afrika ayaa ciidamo tira yar oo nabadda ilaaliya waxa ay hadda ka joogaan Soomaaliya.

 


Source:VOA