“Sh.
Shariif markii loo sheegay maalinta uu xilka wareejinayo ayuu dib
ugu noqday Al-shabaab,”Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho)
Hargeysa (TNN)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho)oo
ka mid ah mudanayaas ha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxa uu
canbaareeyey hadal ka soo yeedhay masuuliyiinta dawladda
ku-meel-gaadhka ee Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inay taageero u
muujiyeen kooxda Khaatumo State.
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka soo jeeda gobolka Sool,
waxa uu tilmaamay in madaxwe ynaha dawladda TFG-da Soomaaliya
Shariif Sh. Axmed uu ku fashilmay inuu wax ka qabto degaam ada uu
isagu ka taliyo, isaga oo sheegay inay talaabo fool xun tahay inuu
Somaliland oo ah dal nab adoon oo dumuqraadiya uu isku dayo inuu
khal-khal geliyo.
Xildhibaanku wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay
Horn Cable TV .Md. C/Qaadir Indho oo
daba socday hadalkii Shariifka Soomaaliya wuxuu yidhi “Waa Arrin aan
ahayn caqli gal khaatumo wax la
yidhaahdaa ma jirto aniguna ma aqoonsani, Sheekh Shiirif inta uu
khaatumo aqoonsanayo oo ah gobolo Somaliland ah, waxa uga fiican
inuu aqoonsado kuwa Banaadir land
sheeganaya oo uu aqaladooda xidhayo ee uu saldhiyadda geynayo .”
Xildhibaan C/Qaadir Indho wuxuu Sh. Shariif ku eedeeyay in markii
loo sheegay xiliga uu xilka ware ejinayo inuu ku noqday
saaxiibadiisii hore ee wadaadadii Maxkamadaha
iyo Al-shabaab, waxaanu yidhi “Ta labaad waxa odhan lahaa
ninka odayga ah ee sheekh Shiirif markii loo sheegay maalinta uu
xillka wareejinayo waxa uu ku noqday saaxiibadiisii berigiisii hore
uu ka mid ahaan jiray ee Wad daada iyo Al-Shabaabka, Maxkamadaha.
Markii la yidhi xilka wareeji waxaad mooda inuu ku noqd ay
saaxiibadiisii hore oo kuwo badan oo ay isaga saaxiibo ahayeen oo
imika Khatumo sheeganayaa ayuu dan mooday.”
Md. C/Qaadir Indho wuxuu Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay inuu
beesha caalamka ku w ar-geliyay inuu Sh. Shariif jabiyay heshiiskii
shirkii London, waxaanu yidhi “Aniga aragtidaydu wax ay ilaa tahay
inuu madaxweynaha Somaliland qaylo dheer fidiyo oo beesha caalamka u
sheego qod obadii ka soo baxay shirka inuu jabiyey Sh. Shariif.”
“Markii uu maqlay Somaliland iyo Soomaaliya way wadahadalayaan waxa
uu ku soo qaaday weerar Somaliland,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
source:so
|