Waa Sheeko Taxane Ah oo magaceeda la yiraahdo Isbedel Doon - Qaybtii 4-aad
 

 

 

Hayaaaaaaaaaaaaay Quruurad dhan ayaad dhadhicisay  hab eenkaas xiliyadii danbe waxaad xaafadii tagtay adoo qayl-qaylinaya oo dhacdhacaya sidii dameer Miisaan ka culus la saaray ayaad ciirciiraysay waxaana kugu adkaa socodka .

Fajac iyo Amakaag iyo dhabana hays ayaa kasoo hadhay aabo waxaanu garan waayay wax uu ku yidhaa balse waxuu ku fikiray in uu ku xidho bari marka ayay Cadeedu soob bax do, waxaa lagu xidhay sadex maalmood. Lagugu qoray waalid Caasi iyo Isbadal-doon ,in badan ayuu Aabo kula dardaarmay laakiin waxaad u qaadatay inuu wax kuu diidan yahay waxaanad ka sii qaaday Macangagnimo iyo Niyad xumo.

Labadii cisho ee aad xidhnayd Jeelka waxaad ku wada xidhnaydeen mid adoo kal e ah oo isna Habaar qabe ah oo Aabihii soo xidhay kadib waad  Sheekaysate en waxaanad Ku tidhi walaal Magacaa wuxuu ku yidhi Askar,Anigana Cali yare  Naan aystayduna waa Jackson waxaanad ku tidhi, Maxaa lagugu soo xidhay?,

Askar wuxuu yidhi anoo habeen dhawayd aad u mirqaansan cirka maraya  ayuu nbay naag qurux badan isoo hor martay, kadibna waxaan ku idhi Makusii  dhawe eyaa Gabadhaay? , Haa walaal haday sii dhawayn uun tahay waad isii dhawayn kartaa waxaad tahay wiil walaalkay oo kale ah . kadib markii aan raacay ee aan in mudo ah la socday ayuunbay tidhi Walaal waad mahad san tahee Oradoo iska noqo , Gurigii waan soo gaadhee kadib Ana intaan is kala Garan waayay Xanaaq ayuun baan labada Foolee hore Hor dhigay, “hada wax kale kuma garatide  laba da fool” kkkkkkkkkkkk……… hahahahahah qosol ayaad isku jiibiseen adna maxaa lagugu soo xidhay? ayuu ku yidhi askar .

Adna waadigan ka sheekeyay xaalkii Quruuradii iyo meeshii baasee aaad  khami istan dhawayd tagtay.kadibna waadigan ku yidhi ,Askar niyaw meeshan nolol ma taalo,

Dadkani waxaabay doonayaan inay xoriyada kaa qaadaan oo ku Xisaabiyaan.

Haa waa runtaa ayuu ku yidhi isagoo hadalkaaga kugu raacsan,Dawladanimo iyo Cadaalad midna ma yaalaane meesha ma ka shaqo tagnaa, waxaanu kuu  raaciy ay niyaw Jackson maxaan samaynaa, Ma iska tahriibnaa Odayaashii xumaa ee dawlad ku sheeguna xaqii Umadan masaakiintaa ayuunbay ku tumanayaane  kol ay tahriib wax inoo dhaama anuu garan Mayo!!,

Adigoo ka sugayay hadal caynkaasaa ayaa u riyaaqay warkaa saaxiibkaa  ,waxa ad u raacisay dadkani waxaabay doonayaan inay Xoriyada kaa qaadaan waar Wadanul xoriya ayaan tagaynaa. Waxaanad ku heshiiseen inaad marka la idinka sii daayo xabsiga Shan cisho kadib ka Baxdaan wadanka oo aad u tahriibtaan  dh ulalkaasi yurub.

Markii la idin sii daayay ee aad dhawr Cisho Magaalada sii joogteen ayaad ku fikirtay halkii aad Lacag ka keeni lahayd, waxaad Maskaxda ka shaqaysiisay in badan waxaad go;aan ku gaadhay in marka aad caawa Tukaanka Seexato aad lacagta yaree taala ee Aabo uu safarka ku doonayo aad qaadato,,,,,,,, HAA lacagtaa yar ee tukaanka loogu safrayo ayaan qaadanayaa ayaad iskula faqday Alaw hana doorin !!

HAA sidaasaa arina ayaad tidhi habenimadii ay balantu ku eekayd markii aad  se exatay Tukaanka inaad lacagta yar qaadataa dhib kugumay qaadan lix boqol oo Aw-bidaara oo qasnada ku jiray ayaad ka saaratay xiliyadii danbe, Shaadh iyo Surwaal dheeraaada ayaad qaadatay Tukaankiina intaad Qufushay ayaad ka  ta gtay..

Waxaad tagtay Goobtii aad ku balanteen saaxiibkaa oo sii taagnaa in mudo ah, Gaadhigii ugu horeeyay ayaad ku Boodeen Wuxuu idin dhigay Magalada Wajaale kadib waxaad tagteen qarka Shishe ee magaalada wajale halkaasi oo aad ka raacdeen gaadhi tagayay Jigjiga, jigigana waxaad kasii raacdeen gaadhi hoos ahaan (sharci daro) u baxayay oo tagayay Caasimada wadanka Suudaan.

Intii aad jidka ku sii jirteen waxaad arkaysay Caleentii aad jeclayd ee saaxiibka ahaydeen oo meel kasta ka buuxda, waanad ka Hagar baxday Bahalku mirqaan wanaaagsanaa YAA!! kani waaba kii raga loogu talo galay, wado kasta oo aad maraysaan waa laydin Baadhayaa , waxaana la idin waydiinayaa sharcigiinii  bal se adiga waxaa lagugu dhaafiyay inaad tahay Wiil xanuunsanaya oo dhakhtar loo gaynayo Sobobo Caafimaad darted warqad yaroo Foljari ah ayaad sidataa..



Waxaad kolba meel istaagtan markii danbe waxaad gaadheen Xadkii Suudaan, waa la idin istaajiyay, waa la idin baadhay aduu hore ayaad uga fikirtay lacagta in lagaa qaado oo waxaad ogayd dhibaatada kala haysata tahriibayaasha iyo ciidamada xuduudaha, sidaa darted waxaad ku riday sharabaadada hoostooda, Balse waxaa si toosa kuugu Muuqday dadkii aad wada socoteen oo laga qaaday sahaydoodii, dharkoogii , Oo aan far dhaqaajin karin waxna aa samayn karin.

Laba cisho ayaad sudaan iskaga noolaydeen waxaad seexanayseen gidaarada soboobtoo ah lacag badan ma haysataan sidaa darted waa in afka la  Boodha ysto oo halkii la gaadhaba la istuuro!! Dhawrkii cisho ee aad joogteen sudaan cidina idinkama dhex garanayn sobobtoo ah aduu waxaad u yara eekayd  suuda ani markaaga horeba, Luuqada carbeed intii yarayd ee aad iskuulka ka dhigan jirtay waad yara xasuusan tahay, Markaa dadka waad la  sheekaysanaysaa  wa xna waad ka dalban kartaa Hoteelada, laakiin Dhibtuba waxay ka taagan  tah ay saaxiibkagan dhakuukahaa ee aan luuqadna isagu Garanayn.



Laba maalmood kadib waxaad hesheen gaadhi yaroo jajaban oo muuqdaran oo sharci daro u baxaya una balansan dad tahriibayaal ah kadib, halkii ayaad ka shiraacateen waxaad sii marten saxarihii dheeraa ee afrika waa saxare  arimihi isa inbadan waad taqaan, Barigii iskuulka laguugu dhigi jiray Desert maad  aamin sanayn laakiin hada waad aragtaa dhibaatada meesha taal kulaylka, Ciidaxumee cawlan , Dhulka aan xabad geed ahi ka taagnayn Xayawaan iyo Dadna aanu ka muuqan.



Dhawrkii cisho ee hore waad yara adkaysateen, Balse hada sahaydiii ayaa idinka go’day idinkii baa iska dhex bilaabay, sheekadu waxay gaadhay xoog-xoog, hor ta dumarkii iyo ninkii jilicsanba iyaga markiiba waa laga faro maroojiyay wixii  yar aa ee ay jeebka ku hayeen , Balse maalmihii danbe ninkii xoog wayn leh  ayuun baa Noolaanaya Ayay taladu noqotay , Waad is wada layseen “Ninkii roon ayuun baa reerka u hadhi” dadka qaarkii waxay biyo ka dayayaan kaadidooda .



Waxay la kulmeen dadkani intii ay jidka ku jireen dhibaato iyo silic ay Awal  afk uun ka maqli jireen adigu waxaad marwalba xasuusan jiray intii aad jidka ku  jit een Jidkii Siraad ee sheekhii kitaabka ka aad dhigan jirtay barigii aad fayoobayd uu ka sheekayn jiray .

Waxaad ogaatay nolol aanad waxba ka aqoon oo kaa dhinayd Silic iyo Saxariir ayaad ku gaadheen xuduudka Libya laydinkuna baadhay meel Xuduuda Libya u dhow oo ay fadhiyeen ciidamo dadka dhaca,Booba oo waxa yaree ay haystaan ka qaada, kadib gacantaa laydin mariyay, Waxaa gaadhiga laga dajiyay Gabadh aad u qurux badnayd oo aad isha aad ugu xadaysay naftaaduna aad ug heshay kadib ado arkaya ayaa hortaada lagu kufsaday idinkana waxaa la idin yidhi  Ord oo dhaqaaqa Cajiiiib, waxaa kale oo aad arkaysay nin idin la socday oo intuu  diid ay in la baadho xabad laabta loo galiyay, Aabaha laabta wayn ka cun .



Waxaad soo jarmaadaanba waxaad gasheen Libya halkaas oo aad joogtay mudo ku dhow labaatan cisho ,lacagtii yarayd ee aad haysatay waa gabaabsi, waxyar oo aan cuntadaada ku filnayn ayaad haysataa dhawr cisho kadibna waabay  dha maatay.

Talo ayaa kugu ciirtay waxaad samayso ayaad garan wayday kadib waxaad  jee bka kasoo saartay midh Marlboro ah afka ayaanad korka u taagtay waanad  ya ra fikirtay, Kadib waxaad go’aan ku gaadhay inaad xaafadii la hadasho, si ay  wo xogaa yar kuugu soo diraan waxaanad ku tidhi Runtii dhulku sidii aan moodayay maaha jidadkuna way dhib badan yihiin markaa waxaan doonayaa inaan soo noqdee lacag yar oo aan kusoo noqdo iisoo dira waxaanad u raacisay ilaa Ilaa lix boqol oo Aw-Bidaara .


Nimaad dhasay kuma dhalin ayaa la yidhee Aabo ayaa garan waayay wax uu  sa meeyo , wakhti xun ayaad soo hadashay Tukaankii in mudo ah waxba laguma soo kordhin , Aabo wuu ka calool xun yahay Maqnaanshahaaga In mudo ahna muu shaqo tagin balse aduun buu kaa fikiraa.



La soco qaybta 5-aad

 

 

 

Fuaad Abdilaahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com