Shariif oo Isu Taagay Xilka Madax waynaha Soomaaliya

 

Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya ee garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu musharrax u yahay jagada madaxweynennimada Soomalaiya.

Sheekh Sharriif waxa uu musharraxnimadiisa kaga dhowaaqay kulan ay yeesheen Golaha Dhexe ee isbahaysigaas oo maanta ka dhacay magaalada Jabuuti. Sheekh Shariif waxa uu noqonayaa musharrixii ugu horreeyey ee ka imanaya dhinaca mucaaradka.

Khadra Gurey oo ka tirsan VOA ayaa khadka telefoonka ee Jabuuti ku waraysatay Suleymaan Colaad Rooble oo ka tirsan Isbahaysigaasi, waxyna ugu horrayn weydiisay inuu u xaqiijiyo is-sharraxaadda Sheekh Shariif.
 

 


Source:VOA