Sharafta Rayaale soo Hooyey Waa Mid u soo Hoyatay Somaliland
 


Aniga oo ah Aadan Geeddi Liibaan (Jadheeye) waxa wax laga xumaado ah  had alladii ay wargeysyada ku soo qoreen labada guddoomiye xisbi mucaarad, had alladaas oo madax-xannuun ummadda gaadhsiiyey, kadib markii guushii  Somali land lahayd u xambaariyeen oo siiyeen dawlad ku sheegta Soomaaliya, iyagoo sheegay in Sheekh Shariif furay dhoofinta xoolaha oo sharaftii Madaxweynaha iyo dawladda Somaliland lahayd siiyey nin aan ehel inoo ahayn.


Halkaa waxa ka muuqata inay Somaliland ku liddi yihiin mucaaradku, una  sacbi nayaan dawlad ku-sheegga Soomaaliya, iyadoo hore looga hayo hadallo ah; ‘in aan Somaliland ictiraafin inta Rayaale Madaxweyna yahay,’ taas oo ah gef iyo meel-ka-dhac weyn oo taariikhda u geli doonta.


Haddaba, waxaan leeyahay kuwa hadallada gefafka ee noocaas oo kale ah ku socda ma waxay doonayaan in aynu noqono xaalka koonfurta maanta ku  sug an tahay, Rayaale waa Madaxweynaheena aynu dooranay, wanaag mooyaane wax xumaan ahna dalka umuu gaysanin, waanna nin muwaadin ah oo dalka cid uga laxejeclo badani aanay jirin jirina doonin.


Siilaanyo iyo saaxiibadiisa daba ajooga ma doonayaan in uu dalku wax noqdo, waxaanay arrintoodu u muuqataa inay meel kala ku xidhan yihiin. Sidaa  darte ed, shacabweynaha Somaliland waxaan uga digayaa inay ka digtoonaadaan  w axyaabaha uu ninkaas wado, ninka sharafta Madaxweynaheena u diiday ee m armarinaya nin aan ogeynba oo weliba cadowgiisa ah, kaasina waa nin  shicib ka aan la doonayn sharaf.


Furitaanka xoolaha Somaliland waxa qayb weyn ka qaatay oo jiidhay qodxihii dawlad ku sheegtu inoo dhigtay Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirka Xoolaha Md. Idiris Ibraahim Cabdi, sharafta uu Rayaale soo hooyeyna waa mid u soo hoyatay Somaliland.


 


Aadan Geeddi Liibaan
(Jadheeye)
Hargeysa