Shaqsiga Sannadka 2010 u qalma in la guddoonsiiyo Shahaado Sharafta
ay bixinayso shabakadda TNN waxa ay aniga ila tahay inuu
mutaystay:Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jam.
Somaliland Dr. Mohamed Abdillahi Omar
Sababta aan ugu arko inuu Wasiirku u qalmo waxa weeye:
Wasiirka Wasaaradda Arrim. Dibedda & Iskaashiga Caalemiga mudane
Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar, wax qabadka baaxadda leh iyo
guulaha wax ku oolka ah ee uu dalka iyo dadkaba u soo hooyay waa
arrin ammaan iyo ku dayashaba mudan.
Muddadaa kooban ee uu xilka hayey isku kalsoonida iyo aragti
dheerida siyaasadeed ee Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caal
amiga uu soo bandhigay waxay dalka Somaliland ka saartay go’doonkii
iyo jaahwareerkii la soo darsay Siyaasadda Arrimaha dibedda ee
Qaranka Somaliland 8-dii sano ee ka horreeyey xukuumadda M/weyne
Siilaanyo.
Waxaan innaba muran ku jirin oo Muxaafid iyo Mucaaridba la isku
waafaqsan yahay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Mohamed Cabdill
aahi Cumar uu soo bandhigay gobannimo siyaasadeed oo ku dhisan isku
kalsooni, aqoon cusub iyo xidhiidh wax isdhaafsi oo laba dhinac le
ah, taasina ay soo jiidatay indhaha iyo dhegaha beesha caalamka.
Waana arrin horseedi karta in qadiyadda gooni isutaagga Somaliland
bulshada caalamka lagaga iibin karo.
Wasiirka Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland
mudane Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu si farshaxannimo leh
bulshada caalamka iyo dalalka deriska ahba ugu soo bandhigey guud
ahaan Muhimadda iyo Qiimaha ay Somaliland u leedahay Gobo lka
Geeska Afrika. Gaar ahaanna waxa uu wasiirku hoosta ka xariiqay sida
ay Somaliland bulshada caalamka lagama-maarmaanka ugu tahay ee ay
wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman
Gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo
arge-gexisada caalimiga ah iyo mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey
dalka Soomaaliya ee aynu deriska nahay.
Marka la eego aqoonta, waxqabadka, hannaanka maamul iyo hufnaanta
shaqo ee ka muuqata waaxda iyo laamaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga
Caalamiga ee Xukuumadda Somaliland, waxaad dareemaysaa inay tahay
waax diyaar u ah hanashada xilka culus ee siyaasa dda dibedda
iyo iskaashiga caalamiga ah ee ay Somaliland in muddo ahba u
oomanayd.
Waxa hubaal ah in Waaxda Arr. Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee
Xukuumadda Siilaanyo, oo uu horseedka ka yahay mudane Dr. Moh amed
Abdillahi Omar ay la hanaqaadi karaan isbeddellada siyaasadeed iyo
kuwa dhaqan /dhaqaale ee Gobolka, Qaaradda iyo Caalamka ba ka
socda. Wasiirku waxa uu si qoto dheer u fahansan yahay qaabka iyo
istraatejiyadda ay waqtigan xaadirka ah dawladaha iyo qoo miyadaha
caalamku wax isku dhaafsadaan danahoodana u kala dhamaystaan.
Arrimahaa kor ku xusan iyo qaar kale oo badan ayuu Wasiirka Arr.
Dibeddu uu ugu qalmaa in lagu sharfo Shahaado Sharafta Shaqsiga
Sannadka 2010. Markaa waxaan odhan lahaa TNN ha guddoonsiiso
Wasiirka Shahaado Sharafta, ammaan iyo mahadnaqna ha loogu daro
illayn wuu mutaystaye.
Wa billaahi Tawfiiq.
Eng. Hussein Adan
Igeh, UK |
|