Shan Aaden siiro ayey Somaliland u baahantahay Dr. Gaboosana inuu hiigsadaa haboon

 

Taariikhdu way is qoraysaa isbadalka kolba dhacayaana waxa uu samaynayaa in lakala fahmo inta ku taagan xaqqa iyo wadada saxda ah ee umadda u horseedaya badhaadhe, hadaf iyo hiigsi wanaagsan iyo sidoo kale inta khaldan ee maraysa dariiq aan toosnayn oo horseedi karaya burbur, khiyaamo qara n iyo cadaalad darro

Waa kuma maantana ninka looga yeedhay CID da ee la leeyahay danbi ayuu naga galay, mase gayaa waxa lala maagan yahay?!

Marka runta loo gunda daadago ninkastaa waxa uu gashado wadankiisa iyo shacabkiisa waa lawada  o gyahay taariikhduna way is qoraysaa, ilaahayna wuu ka jasaa’i siin maalin ay maanta ka  wanaagsanta hay.

Raga ku suntan iney ka shaqeeyaan samaha Horumarka, Nabadgelyada, Taakhulaynta inta jilicsan ee ay ka midka yihiin Agoomaha, Danyarta, inta xanuusanaysa sida dhimirka iyo danta guud kow ayuu ka yahay aaden-siiro intaasoo sifo waa nin lagu yaqaan Waxa ku caan baxay Sh.aden-siiro marka hawl d an guud ahi timaado inuu kow ka noqdo.



Tusaale yar inta aan ka xasuusan karo wax qabadyada uu hormoodka ka ahaa sheekhu:



1. Xarunta dhimirka ee SAHAN oo geed dheer iyo mid gaabanba uu fuulay dadka xanuusanaya ee  ilaah ay miyirkoodii ka qaaday inuu taakuleeyo una sameeyo xarun lagu xanaaneeyo.

2. Markii la waayey meel dadka lagu aaso xabaalihiina buuxsameen, waxa uu ka hawl galay sidii uu  u s amayn lahaa meel dadkeena lagu aaso, waana meel ku dayasho mudan maanta sida uu u nidaamiyey, oo qof kastaa u duceeyo marka xabaalaha la tago isla markaana looguba magac daray ( Xabaalaha  aa den-siiro ) xabaalahaas oo qalabkii lagu qodayey iyo number xabaasho lagu samaynayo si hadhaw  qof kastaa si fudud u siyaaran karo cidii eheliyadiisa ahayd

3. Taakulaynta agoomaha wakhti kasta, ciidii barakaysnayd ee ugu danbaysay waxa media ha  Somalila nd lagu arkayey sheikh aaden-siiro oo ciidsiiyey Agoomaha Hargeisa

4. Sanduuqa miskiin-kalkaal ee uu ka sameeyey xaafada xawaadle oo qoysas aad u tiro badan oo dan-yar ah lagu quudiyo.

5. Markii caasimadii dalka laga waayey dam-damis guryo-badan iyo hanti badanna ay ku shuf beeshay caasimadii dalka, waxa uu hindisay inuu keeno damdamis una sameeyey cinwaan lagala soo xidhiidho waxkhtiga ay meeli gubato markii ay ka gaabisay dawladii loo igmaday dalku iney dalka keento dam-d amisyo.

6. Shacabkiisa kama taakuleeyo oo kaliya inuu gacanta wax ka taro, ee jimce kasta Masjid al-qubaa  w axa uu umadiisa ku wacyigaliyaa waaqica dalka ka jira ee kusoo kordha iyo in ummada tawjiiheeda  law anaajiyo, waana shakhsi aan cidna uga habran waxa uu xaqqa u arkayo.

7. waa nin u qira inta wanaagsan ee qofkastaa umadiisa taro ama uu leeyahay kana dhiidhiya in alla  iy o inta xumaan iyo hagardaamo ku wadda shacabkiisa.

8. Xaafad ka mid ah caasimada Hargeisa oo aan saldhig lahayn markuu arkay baahida loo qabo, waxa uu ku guulaystay inuu saldhig u sameeyo, waxaanad maqlaysaa iyadoo loogu magac daray ( Saldhiga aaden-siiro )

9. Waa nin jecel Somaliland iney noqoto dawlad jirta Calankeeda tawxiidka ku qoran yahayna difaaca.


Kuma koobna oo kaliya intaa aan soo sheegay waxbqadkiisu laakiin waa inta aan ka xasuusan karo, wa ana arin shacabka Somaliland wada ogsoonyihiin kaalinta uu bulshadiisa kaga jiro una hagar baxay  ilaa hayna ha ka jasaa’i siiyo isaga iyo inta samaha shacabkeena wada jecelna.


Waxyaabo naadir ku ah dadkeena iyo shacabka Somaliland dhamaantii oo u bahaan in lagaga daydo  ay uu soo kordhiyey aaden-siiro, waa kuma ninka u huraya wakhtigiisa, maalkiisa iyo xoogiisa shacabkiisa jilicdasan, waana shay waajib ah inaad shacabkaaga ugu adeegtid dar ilaahay intiisa jilicsan ninka  ilaa hay garansiiyey ayuunbaa intaaba hura.

Dr. Gaboosana waxa looga fadhiyaa inuu ugu adeego aqoonta ilaahay siiyey inta jilicdsan kagana  day do Sh. Aaden-Siiro inuu shacabkiisa wax taro marka uu kursiga ku fadhiyana ku dhawaaqaa wixii xaq ah, waxaana wanaagsan inuu xasuusto wixii uu soo maray shalay markii xabsiga mandheera maamulkii hore u taxaabay, sheekhu waxa uu ahaa shakhsi kuu doodayey dawladana lahaa xaq daro ayaa lagu haystaa ee xoriyadiisa ha loosoo celiyo maantana hadaad qaldantahay wuu ku qabanayaa waana laga wanaagsan yahay inaad noqotid Dr.Gaboosihii shalay iyo Dr.Gaboosaha maanta!!!


Waxaan goob joog u ahaa aaskii ilaahay ha naxariistii Marxuum Ismaaciil Mahdi oo ka mid ahaa Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ay kasoo qabyb galeen dhamaan madaxda xisbiga kulmiye, sheekhu waxa uu ka hadlay arinta xabaalaha oo buuxsamay aaney jirinna meel shacabkeena lagu aaso, kana bilaabay isla goobtaas qaadhaankii uu ku hindisay xaabalahaa ilaahay ku guuleeyey, Hogaankii xisbul xaakimka hadda oo goobtaa wada joogay sheekhu isaga ayaa iska bilaabay oo dar ilaahay ugu deeqay $2000  h alka Gudoomiyahii Xisbiga Kulmiye haddana ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu ku deeqay isla goobtaa $500 xisbiga kulmiyana aanu jirin qof soo labeeyey qaadhaankii xabaalahaas loo  samayna yey.

Waxaanu si ficil ah uu uga qayb qaatay isbadalkii dalka ka dhacay, isagoo hamigiisa iyo ka shacabkuba uu ahaa in isbadal si daacad ah dadkan iyo dalkan ugu adeega loo helo, kulmiye waxa looga fadhiyaana waxa weeyi inuu gudo abaalkii loo galay fuliyana balantii iyo baycadii uu la galay shacabka reer  Somalil and.


Run ahaantii waxaa wax aad loola yaabo ah dhagaha shacabka iyo inta Somaliland jecelba aaney  qaad an karayn Sheekh Aaden-siiro ayaa looga yeedhayaa CID da kadiba markii uu ka hadlay wax ka baxsan anshaxa wanaagsan ee Diinteena dhaqankeena iyo dadnimadeenaba ku liddi ah, nidaamka  dawladnim ada in la dhawro ayuu shacabkiisa ku waaniyaa, dawladuna iney majaraha toosan aaney ka leexan  ay uu kula taliyaa. Dawladuna waa iney tixgalisaa Culimada, Aqoon yahanka iyo waxgaradka bulshada ha daaney yeelan dhago ay ku maqashana waa hubaal ka baxeen balantii ay la galeen shacabka, sharcig ana ninna kama wayna waana loo wada siman yahay.


Sheekhana waxaan leenahay kalmadda Xaqqa aad u aragtid cidna ha uga habran yaanay kuna niyad jabin nin dangaar ah wata, Xaqqa iyo Baadilkuna meel ma wada fadhiistaan, ilaa aynu helayno dawlad cadaalad ah ilaahaybaa caadil ahe, shacabkuna way ogyihiin ninkastaa waxa uu galo iyo waxa uu gudo, ninkastoo maanta awood is bidana cod in lagu muquunin doono ayuu ogyahay.



Wabilaahi Tawfiiq


 

 

 

 

 

Khadar Baaruud
Hargeisa-Somaliland
khadarbarud@hotmail.com