SHAHIIDKA DUUG, DHIIGA MAYDH, ILMADA ISKA TIR, GUNTIGA GIIJIYA OO GEEDIGA WAADA

 


INAALILAA WA INA ILAYHI RAAJACUUN. Tacsi murug iyo naxdin xanbaarsan aan u gudbiyo inta ehelkoodu ku naf waayey iyo inta ku naafowdayba weerarkii shalay ee ka qaawanaa dadnimada laguna beegsaday dad iyo duunyo aan godob ka galin. Waa geeri oo waa loo dhashay, waa naxdin oo waa loo soo toosay, waa dil iyo dulmi aan dariiqiisa haysan. Inta gacanta gardarani dishay Alle ha siiyo naxariistiisa ballaadhan, ehelkoodana ha ka yeelo kuwa samir iyo duco laasima. Tacsida waxay tahay mid dhammaan ina taabatay reer Soomaliland mid qurbe-joog ah, iyo mid weli maqasha ku raaca duleedka reerka. Dawlad iyo dadweyne, mucaarid iyo muxaafid, xaakim iyo la-xukume, rag iyo dumar, wiil iyo waayeel dhammaan samir iyo iimaan.

Waa duni oo joogsi ma leh. Wax kasta oo dhacana isma taagto. Adigoo iloobin nabarka laguu gaystay, haddana waxaad nacaska fulayga ah ee dhabarka kaa wareemay aad kaga guulaysataa markaad muujiso adkeysi iyo inaanad dhayal u ciirin. Xusuuso hooyadu markay ubadkeedu dhaco.. waxay tidhaa iyadoo dhoolacadaynaysa ... hubbo oo kac...ma daransiiso xanuunka ku dhacay ee waxay u tustaa caado qof walba soo martay. Waana dariska ugu horeeya ee fadhi baradku barto... in la dhaco, la kufo oo la kaco..

Haddaba shahiidka duug, dhiiga maydh, ilmada iska tirtir, dhexda giiji oo geediga ha joojin. Waxa inoo socda ooynu ku jirnaa marxalad adag, hadafkeedu yahay inaynu ku guulaysano ooy noqoto mid midhaheeda jiil ka jiil la dacarsandoono. Waa diiwaangelin ay dabo socoto doorasho aynu ku salayno cidda masiirka ummaddan dhibta iyo taariikhda qadhaadha soo martay loo dhiibi lahaa.

Waxa lagu gaadhi karaa midnimo. Waxaana xil inaga saran yahay inaynu u guntano sidii ruux kasta oo muwaadin ahi u heli lahaa inuu xaqiisa doorasho si hufan, furfuran, xalaal ah oon habrasho iyo cabsi lahayn u guto. Madaxdeenu shalayto si wacan oo wanaagsan oo isku duuban ayey arrinta qaraxa ka yeeleen waxay innoogu yeedheen midnimo, gacanta oo leys qabsado, wado shaqayn cadowga oon meelna loo banyan. Waa waajib wadani waana mid aan cidina su’aal ka keenayn. Is-jira oo wadajira oo foojignaada. Iskaashada oo isku duubnaada.

Dawladda waxa la gudboon heer kasta ooy joogto, in nin kasta oo xil qaran hayaa manta u soo noqdo waajibaadka ka saran xilkaas. Inuu hawshiisa u guto sidii loogu aaminay. Askariga, sarkaalka, ciidanka booliska, kan difaaca, kan sirdoonka ah, ka maxaabiista ilaaliya, karaaniga qalinka ku shaqeeya, inanta computarka dul fadhida, maayara, dhiisiga, badhasaabka, macalinka, dhakhtarka, duubabka , madaxtooyada, wasiirada, barlamaanka, xeer-ilaalinta iyo tan ugu culus waa xaqsoorka waa maxkamadaha, waa gudiga doorashooyinka waa gudi kasta oo arrin garnaqsi loo saaray... waxa la gudboon inay waajibkeeda si cadaalad ah u gudato.

Maanta waxa hiil u aha qarannimadeena, waxaa hoog u aha cadowgeena, waxaa samir u aha inta dhibtu si gaar ah ugu habsatay inaan gogalxaadhka doorashooyinka soo socda loo maro oo lagu qabto hab cadaalad ah, hab hufan, furfuran oo loo siman yahay. Qof kasta oo xil ka saran yahayna waa inuu waajibkiisa u gutaa si codka muwaadinku u gaadho cidda uu xaq ahaan u doortay. Waa taas tan fashilaysa hammadii daalinka soo duulay, waana ta xaqiijinaysa in dalkeenu noqdo xiddig ka dhex iftiima mugda Geeska Afrika. Gobal kasta, degmo kasta, magaalo kasta, tuulo kasta, beel kasta, reer kasta, jilib kasta, jufo kasta, iyo qoys kastaa, waa inay u furnaadaan seddexda xisbi oon meelna cid gaar ah iyo xisbi gaar ah u xidhnaan. Dadka ha loo siiyo fursad ay ku doortaan cidda ay dantooda u dhiiban karaan. Hantida dawladda, idaacadda, warbaahinta, iyo wax kasta oo la wada leeyahay waa in xisbiyadu u sinaanaadaan. Waa arrimahaas kuwa ina walaaleynaaya, ina mideenaayaa, ina xoojinaaya, wiiqaaya cadowgeena. Wax walba ku liq danta guud, shallayto haddaad garab ahayd manta noqo qof qarannimo ku hawl gala. Dalool kasta gufee, oo qaybta oodda qaranka kaaga beegan soo jiid, gaadhkeedana u yeel.

Iskuduubnida ku ilaali cadaaladda, iyadaa ina deeqda ee u gunto. Illaahow xaqa na tus, nagu toosi, oo nagu dhaq. Allow balaayada inaga xijaab, na gees mari, nabadda noo adkee, inta lunsan ee xumaanta caadeystay Allow soo hadee, xumahooda Allow tus. U muuji inta ubad ay agoomeeyeen, qalbigooda tus inta waayeel ay dhegta dhiig u dareen. Allow nabad taam ah ku soo dabaal dhammaan inta cariga Soomali ku nooshay, ka badbaadi colaadda iyo abaarta ku habsatay. Allow Soomaliland ka yeel dal nabad iyo Cadaalad ku sifooba, sidoo kalena u gargaar dhammaan Soomali iyo Islaamka kaleba. Allow cidna xumaan uguma maqnin, ee kuwa noogu maqan fashili oo hadafkooda jabi.

AAN IDINKU DHAAFO MAGACYADA DHIMASHO IYO DHAAWAC ILAA HADDA LA SHAACIYEY IYO WARGEYSKA OGAAL


Magaca Goobta

1. Xildhibaan Maxamed Cismaan Libaaxo (Golaha Guurtida) Madaxtooyada
2. Daahir Cali Iid, (Xoghayihii Madaxtooyada) Madaxtooyada
3. Xuseen Maxamed Faarax (Af-gaab) (La taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Hay’addaha) Madaxtooyada
4. Maxamed Cilmi Geelle, (madaxii amniga UNDP) UNDP
5. Xusseen Aadan Cabdi ?
6. Maxamuud Maxamed Yuusuf (Fool) ?
7. Maxamuud Cabdiraxmaan Sugule ?
8. Maxamed Axmed Cumar Madaxtooyada
9. Ibraahin Cabdirisaaq Cabdilaahi ?
10. Layla Xaaji Cabdi Rooble Madaxtooyada
11. Siciid (Darawal UNDP) UNDP
Intaas ka sokow, siday tibaaxeen Warar laga soo xigtay hawl-wadeenada Caafimaadka tirada dadka dhintay ee kale lama aqoonsan Magacyadooda, kuwaas oo ay ku jiraan is-qarxiyayaashii Baabuurta Qaraxa loo adeegsaday watay.
Magacyada Dhaawaca:
Sida laga soo xigtay Saraakiil Caafimaad oo u dhuun-daloola goobaha lagu dawaynayay dhaawacaa dadka ku dhaawacmay qaraxyadii shalay, waxa dadka dhaawacmay Magacyadooda ka mid ah;
1. Sulub Cabdi Saleebaan
2. Maxamed Cabdilaahi Guulleed
3. Xiis Mahdi Sugaal
4. Barre Yaasiin Geelle
5. Maxamed Cabdi Cismaan
6. Maxamed Axmed Cismaan
7. Cabdilaahi Cabdi Xasan (Dayr)
8. Ibraahin Cabdilaahi (Huutuu) (Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka)
9. Cali Cabdilaahi Xaashi
10. Cabdicasiis Maxamed Faarax (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)
11. Xuseen Faarax
12. Xusseen Xasan (Makaanik UNDP)
13. Khadar Cabdilaahi Muxumed
14. Jamaal Cabdi Maxamuud
15. Abokor Sulub, (Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada)
16. Cabdirisaaq Xaamud Caydiid, (Weriye ka tirsan Telefishanka Space Channel)
17. Maxamed Aadan Ismaaciil (Adiino) (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)
18. Maxamed Ismaaciil (xafiiska xisaabaadka Madaxtooyada)
Dhinaca kale, intaas kuma dhama magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay masiibadaasi, mana kala cadda Magacyadaa dhimashada iyo dhaawaca in ay sax ku yihiin siday nagu soo gaadheen iyo inay wax ka qaldan yihiin. Waayo, Maamulka Cusbatalka guud ee Hargeysa si rasmi ah umuu shaacinin Magacyada oo dhammaystiran, balse waxaanu ka soo xiganay Saraakiil Caafimaad oo goobaha daawaynta ku sugnaa.



XG: Ogaal
 


Allow Nabad iyo Caano

 


Axmed Carwo
Cardiff,UK
Samotalis@gmail.com
http://Samotalis.blogspot.com