shacbiga s/land iyo
siyaasiyiintooda farqiga u dhaxeeya
Shacbiga somaliland markaad xoog
u indhadhayso qaabka wadaniyada ee ay somaliland u jecel yihiin
runtii waxaa kuu soo baxaaya sawir aad u fiican.
dadka reer somaliland waa dad jecel dalkooda ayaguna is jecel ..
waxaad arkaysaa sanadkasta xaflado sanadguuro oo daafaha aduunka
laga dhigo,
waxaad arkaysaa dhalinyaro badan iyo dad waayeela oo calanka
somaliland wada sita oo aad u qiiraysan .
xataa waxaad arkaysaa caruur yar
yar oo xafladaha la keenayo waliba ilaa waqti danbe halkaa ka qayb
qaadanaya dabaaldaga iyo sanadguurada loo qabto somaliland
sanadkasta bisha 18 may.
dalka gudihiisa markaad eegto dadku aad bay u shaqaysataan ,
dhismaya asha dalka laga hirgaliyay way badan yihiin waxa la gada
dhisay huteelo iyo resturent waawayn oo dalxiiska loogu talo
galay.waxa dadku samaystay warshado kuwaas oo sameeya waxyaabo kala
duwan dhinaca beeraha iyo waxsoosaarka kale ayaa aad dadku u
samaystay.
dhinaca NABADGALYADA IYO AMAANKA IYO WADA NOOLAANSHAHA ayaa shacabku
aad u jecel yahay.runtii shacabka somaliland waa shacab aad u dadaal
badan
balse markaad usoo daadagto dhinaca siyaasada waxaad is odhanaysaa
tolow yaa kuwan meeshaba uga carara. xiqdi iyo cuqdad iyo xaasidnimo
iyo naxli huursan ayaa dhex jiifa raga siyaasiyiinta calooshooda.
tan iyo maalinti shacbiga somaliland la taagay waxaa markasta
dhankooda ka liita waa dhinaca siyaasada.nabadgalya iyo
degenaanshaha raga siyaasiyiinta ayaga qiimo uguma fadhido waxaanad
moodaa inay jecel yihiin QASKA IYO QALALAASAHA
lama odhan karo maamuladii kala duwanaa ee soo maray somaliland
waxba may qaban , taa ma odhan karno maamulka hada joogana ma odhan
karno sidoo kale waxba may qaban. waa xaqiiq inay jiraan hawlo badan
iyo horumar badan oo ay qabteen. balse waxaa jira hagrasho badan oo
ay arkayaan waxna aanay jeclayn inay ka qabtaan. waxa jira danbiyo
badan iyo dulmi ka jira dalka gudihiisa oo aan si habsamiya
wax looga qaban.
adigoon wax waynba soo qaadan kaliya hadaad hal qodob oo kuwa ugu
hooseeya ah , aad soo qaadato sida tusaale ahaan
hadaad maanta nin isku qabsataan guri ama jago ama shay kale
akhristo ow waxa ninkastaba dhinaciisa uu bixinayaa laaluush iyo
kharash la odhanayo anagaa kiiska kuu hagaajinayna. adna waaa lagaa
qaadayaa , ka kalana waa laga qaadayaa.
waa qaacido dhan oo rag ku
shaqaysto kuna taajiray ilaa imikana socota
kiiskaasina wuxuu soconaayo mudo , kadibna kiinii ku adkaada ama
laaluush bata ayaa gurigii la siinayaa ama jagadii la siinayaa.
arinkani waa kuwa xaqiiqda ah ee ka jira gudaha dalka
hadaba tamar yaraanta raga siyaasiyiinta waaad aragtaa maantoo kale
oo dalku ku jiro xaalad murugsan , in aan hadana wax talo iyo arina
aanay isla hayn.maxaa yeelay waa rag CUQDAD IYO NAXLI dhex jiifo.
waxaan markaa aaminsanahay in shacbiga somalilamnd iyo
siyaasiyiintood aanay ahayn laba isu qalma .
Saeed Dheen
dheen12@mail.com
|