Shabakada Y-Peer oo Gabiley kusoo Gebo gabay say Tababar Aqooneed Mudo Sadex Cisho ah Socday

Gabiley (Longlivesomaliland News):- Shabakada Y-Peer Network ayaa shalay ku soo gabogabaysay tababar, kor loogu qaadayo xirfadaha iyo kartida  aqoo need ee dhalinyarada Somaliland, hoolka dawlada hoose ee magaalada  Gabil ey.

Xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha gudida  h orumarinta Gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Maamulaha dugsiga sare ee Timacadde Maxamed Maxamuud Aw Saleebaan (Aws), agaasimaha  sh abakada Y-Peer Network, ardayda tababarka qaadanaysay iyo marti sharaf kale oo tiro badnayd.

Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi Camir ayaa halkaasi uga mahadnaqay  shabak ada dhalinyarada ee Y-Peer iyo Nimco Muhumed Ibraahin oo kaalin wayn ka ci yaartay tababarkaasi iyo sidii loo hirgalin lahaa.

Maxmuud Yuusuf waxaa uu xusay in tababarada noocan oo kale ah aad loogu baahan yahay waayo buu yidhi bulshada waxaa wax ka badali kara ubaxaa  ya ryar ee maanta halkaasi lagu tababarayo.

“Hadaad maqashaan horumar waxaa aasaas u ah dadka yaryar ee soo koraya(ubaxa), hadii ubaxaa la waayona horumarku waa guri bilaa sees ah. Ubaxaasi haduu xumaado oo uu waxba samayn waayo horumarna lama gaadhayo. Y-PEER markaa waxay aasaas u tahaybaan odhan karaa horumarkii wadanka iyo bulshadeena. Waxaa kale oo iyadna jirta bal u fiirsada ardayda inta bulshada horumarka samaysa, ee bulshada baraarujisaa waa inta aasaasna ka haysata diinta islaamka” sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu aad ugu baraarujiyay dhalinyarta tababarka qaadatay in ay cudurka HIV/AIDSka oo uu sheegay in wakhtigii tababarku  so cday macalimiintu macluumaad faro badan ka siiyeen ay aad uga  digtoonaa daan waayo buu yidhi dadka ugu badan oo cudurkan halista u ahi waa  da,aya rta soo koraysa.


Ugu danbayn Gudoomiyaha gudida horumarinta gobolku waxaa uu dhalinyarta kula dardaarmay inaanay aqoontaasi ay maanta barteen la fadhiisan ee ay  bu lshada inteeda kale sii gaadhsiiyaan oo ardayga fursada u helay uu ka kale ee ay is garab fadhiistaan sii gaadhsiiyo oo uga faa,ideeyo.

Xubin ka tirsan shabakada Y-PEER oo isna hlkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad badan ka bixiayay Shabakada Y-PEER isaga oo sheegay in shabakada la  aasa asay 2007 bishii 7aad oo 21 dhalinyar ah oo laga soo ururiyay gobolada dalka lagu tababaray hargaysa kuwiina ay maanta halkaas soo gaadhsiiyeen.

Axmed biito waxaa uu dhalinyarta la tababaray u sheegay in casharada ay  qa ateen sadexda cisho ee uu tababarku socday ay ahaayeen qaybyar oo ka mid tababarada ay bixiso shabakada Y-PEER.

Maamulaha Dugsiga Sare ee Timacadde Maxamed Maxamuud Aw Saleebaan (AWS) ayaa isna sheegay in fikirkan ay keeneen shabakada Y-PEER uu ahaa fakir uu isaga laftiisu aaminsanaa oo uu doonayay inuu qabto, markaa wuxuu yidhi “hadii aad aragto fakir aad samee is lahayd cid kale oo wada waa lasoo dhaweeyaa”

Aws isaga oo la dardaarmaya dhalinyarada waxaa uu yidhi “Qofku maanta  wa xaa sida uu iska dhigo uun. Inaad isku aragtid, inaad tahay qof masuul ah, ina ad isku aragto qofkii maanta bulshada wax ka badali lahaa, inaad adigu isku aragto maanta ninkii madaxwayne noqon lahaa, inaad isku aragto inaad tahay qofkii baritoole tirsan lahaayeen bulshadani, ee inaanad isku arkin inaad tahay inanyar oo wali la dirdirsanayo oo aan waxba soo kordhin Karin”.

Agaasimaha Shabakada Y-PEER ayaa dhalinyarta iyo kasoo qaybgalayaasha ugu bushaarayay inay reer Gabiley farxad wayn iyo wax ay ku faanaan u  ta hay in aabihii shabakada Y-PEER Somaliland keenay uu yahay nin reer Gabiley ah, oo aad intiina badani wada garanaysaan, waana ninka la yidhaahdo  Must afe Maxamed Khayreh.

Mustafe Maxa,ed Khayraa mar uu ka qaybgalay tababar noocan oo kale ah, oo ka dhacayay wadanka Boosnia, ayuu fariintan soo qaaday, dabadeed  caq ligiisa wanaagsan, wuxuu siiyay inuu walaalihiisa kale la wadaago qoontii iyo khibradii uu Boosniya ka keenay. Markaas ayaan aniga iyo Cabdi Casiisna ku biirna, dabadeedna 21 kale oo dhalinyar ahna lasii tabaray. Waana kaa  maa nta sii fidiya ee gobolada Somaliland oo dhana ka socda” waxay ka mid  ahaa yeen khudbad uu agaasimaha shabakada Y-PEER ka jeediyay xidhidtaan tababarkaasi.

Dhanka ardayda Nimco C/laahi oo ka mid ahayd ardayda tababarka  dhamays atay ayaan wax ka waydiinay waxyaabihii ay halkaasi ka korodhsadeen  waxa anay Longlivesomaliland  News u sheegtay inay aqoon faro badan ka  korod hsatay tabarbarkaasi, waxaanay sheegtay inay maanta baratay bulsho aanay hore isku aqoon taasina aanay jirin wax loo dhigo marka laga yimaado aqoonta muhiimka ah ee ay xambaarsan yihiin shabakada Y-PEER Network. Nimco  wax ay balan qaaday inaanay aqoontaasi la seexan doonin ee ay sii gaadhsiin doonto inta kale ay asaxaabta yihiin.
 


Nimco Muhumed Ibraahin

Longlivesomaliand News Reporter
Qaali@longlivesomaliland.com