sh shariif oo dabinkii ugu horeeyay la helay s/land [caal amku ha arko in soomali isku mid tahay hadalkii masuul soomaliya]

 

 

Man dakhala maalaa yacnihii laqaiya maalaa yardiih


Bani aadamku haduu doonto waxaan waxba kaaga sadex iyo sagaashan ahayn waxay kala kula maan wax aanay raali ka ahayn ama aan ku munaasab ahayn isbadalka siyaasada somaliland ee baryahan danbe u shaah doonatay juba iyo curuba ayaa keeentay in shaakh shariif iyo mas uuliyiinta soomaliya ku dhiiradeen inay yidhaahdaan soomaliland waa wadan ka mida soomaliya.

Deeqda waxbarasho ee ka timi dalka turkigu may ahayn mid turkigu si gaara inoo siiyay may ah ayn deeq ay wax ka ogaayeen masuuliyiinta s/land kaliya waxa deeqdan la siiyay dalka sooma aliya balse sh shariif iyo wasiiradiisa ayaa dabinkan u dhigay somaliland kuna casuumay in ay ardayda qaar ka mida keenaan ayagoo rabay inay caalamka tusaan in somaliland tahay gobol ka mida dalka soomaliya

Taasina waa mid maanta u hana qaaday madaxwayne sh shariif sh axmed waana guushii ugu h oraysay ee uu ka keeno siyaasada ku aadan soo celinta somaliland.dabinkan oo madaxda soom aliland runti aanay ka fiirsan si fududna cagta ula galeen ayaa ah sinbiririxo ku timi siyaasada qunyar socodka ah ee soomaliland.Sidii lixdankii reer waqooyigu isla markiiba calanka ula orde en ayaa maantana loo ordaysheekh sharif sh axmed isagoon hadalkuba afkiisa ka dhamaan oon wada sheegin deeqda waxbarasho ee turkigu bixiyay waxa ay tahay iyo halka ay ka tahay wad anka turkiga ayaa isla markiiba ardayda dayuurada la saaray oo xamar loo diray.

WAQTI LUMISKU MA FIICNA


Waxba waqtiga ha inaga luminina hadii siyaasigu xamar rabo shacabkuna s/land rabo waxa fii can in lakala baxo oo aan waqtiga layska lumin. dhamaan siyaasiyiinta badankoodu waxay raba an waa xamar sababtuna waxay tahay inta badan raga siyaasiyiinta lagu sheegaa waa askar ka tirsanaan jiray ciidankii kacaanka siyaad bare AHN aqoontooduna waa mid askarinimo balse hada waxay noqdeen siyaasiyiin waana ta keenta in marar badan dadku isku dhaco oo dagaalo kala dhex maro waayo ninka talada u haya ayaa askariya oo shaqadiisuba tahay qori qaado oo wax dil.


way adagtahay in nin askariyi dal dhiso horumarna gaadhsiiyo aakhirkana wuxuu ku danbeeyaa askarigudhimasho aan darajo lahayn.SHacabka somaliland badankiisu wuxuu aaminsan yahay in ay xamar tahay meel aan waxba lala qabsan karin waxaanay doorbideen intii qarax iyo dil iyo d hac ay ku jiri lahaayeen in somaliland ka godo soomaliya 20 sano oo ay ictiraaf raadinayeen ilaa hada lama hayo wax aqoonsaday dhamaan wadamadii baryahan la dhawraayay dhamaantood way heleen aqoonsi sida koonfurta suudaan oo kale hadana waxa qorshaheedi socda dalka falastiin oo la aqoonsado walow maraykanku hortaagan yahay

WABILAAHI TAWFIIQ

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London