TIX GABAY AH

 


Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah ee hadh iyo habeen nala soco d siiya waxa ka dhaca dunida dacaladeeda, iyo akhristayaasha qimaha leh, meel ay jooga anba.

Bacdo salaan.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa tix gabay ah oo gaaban kuna socota shacbiga qiimaha leh reer soomaaliland.Tixdu iyadaa is sharaxaysa oo uma baahna in aan inigu tafaasiil ka bixiyo, ee ku soo dhawaada.




waxa yaanan arlo nabada iyo, ololin beelaha e

Waxba yaanan sida aar libaax, ooda soo jebine

Waxba yaanan odayaasha iyo, aarankaba layne

Afar iga dardaarana bal aan oogta ka cadeeyo.

*****


Dawladaa amaantuun rabtiyo, aayo inay gaadho

Arxanna aan u gelahayn, kuwii aadka ugu xiiqay

Ee ololii wacadkay mareen, oofin kari waayay

Ee ubadki soo wada halgamay, aad yar lagu laayay

*****
Ee Awdal iyo selel nabdoon,ololka gaadhsiisay

Ee gacalki wada ooli jiray, kala irdhaysiisay

Saxafadan afkii laga xidhay, laga ilroonaaday

Ee kii eray yidhaahaba, dadkii la aamusiinaayo

Ee ooridii dumar xidhaye,badaya eedaadka

*****
Ee abaalka ruuxii u galay, waa uf odhanaysa.

Oday baabanu moodaayay iyo ehelu khayrkiiye

Abeesuu noqdoo waar duqani, aayatiin. malehe.

Ictiraafna daayoo kuwani, xidhe albaab kiiye

*****

Aduun booba mooyee ragani, ma arimiyaane

Awelba waan aqaanee, idina barate sheekhiiye

Waayo arag ninkaa moodayseen, male aqoontiiye

Danyartiyo agoontaa la xaday, waa ibtilo wayne

*****
Ilaah baa awood lehe, asagu ha ina dhaafshaba e

Amnigii xumaayoo dalkii wada alhuumeeye

Booliis awooduu lahaa, lagu asqaysiiye

Kani agabki lagu aaminiyo, iibi aqal kiiye


*****

Eexo gaara iyo buu nabaray, booba aradkiiye

Waxu oogayaa bay beryahan ka ashkatoodaane

Agagixiso mooyee ma arag, dawlad eegan ahe

Miyaa ku ogolaateen xumaha
, idinka oo Dinle.

*****

 

 




Caydiid Cali (Garnaqaaye)