“Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland kulan
ay isugu yimaaddeen maanta oo ay taar iikhdu tahay 28/10/2013, waxay
dood dheer kaga yeesheen xeer qabyo-qoraal ah oo loogu talo-galay
inay ku shaqayso warbaahinta Somaliland, kaas oo ay wadaan
guddi-hoosa adka arrimaha bulshada ee golaha wakiillada, lana
qorshaynayo in golaha wakiillada la horgeeyo, iyadoo ay dabada ka
riixayso xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Kulankaas waxa lagu
naaq ishay caqabadaha sharci ee uu leeyahay xeerkan qabyo-qoraalka
ahi. 2- In uu liddi ku yahay xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ah ee Xeer No. 27/2004. 3-In uu meesha ka saarayo xaqa asxaabta siyaasaddu u leeyihiin inay yeeshaan warbaahin u gaar ah, sida ku xusan xeerka ururada siyaasadda iyo axsaabta qaranka ee (Xeer No. 14/2011) oo dammaanad qaadaya in axsaabta siyaasaddu yeelan karaan warbaahin. 4- In xeerkani uu ka soo horjeedo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo uu aqoonsan yahay fulintiisa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. 5- In uu dedafaynayo xaqa muwaadinku u leeyahay in uu hanti gaar ah yeesho, sida ku cad dastuurka JSL. 6- In uu aasaasayo hay’ad xukuumi ah oo laalaysa madax bannaanidii warbaahinta, isla markaana hoos geynaysa xukuumadda. 7- In uu jidaynayo in warbaahinta lagu samayn karo faafreeb rasmi ah, isla markaana markii la doono lagala noqon karo ruqsadaha shaqada. 8- In uu xeerkani awooddii garsoorka ku wareejinayo cid gaar ah, taasina ay sahlayso inay ugu takri-falaan awooddaas siday doonaan. 9- In xeerkani bannaynayo in dhammaan warbaahintu ay warbixin
sanadeed la xidhiidha hawl-maalmeedkooda shaqo ay horgeeyaan golaha
wakiillada, taas oo macnaheedu yahay in warbaahinta laga dhigayo
hay’ad dawli ah. 10- In uu xeerkani curyaamin ku samaynayo dhaqaalaha hay’adaha
warbaahineed ee dalka. -In saxaafadda madaxa bannaan oo isku duubani ay ka soo horjeeddo xeerkan guud ahaantii oo 95% ah dabar iyo cuna-qabatayn warbaahinta madaxa bannaan lagu hoos-geynayo xukuumadda. -Waxaanu golaha baarlamaanka Somaliland ugu baaqaynaa inay joojiyaan isku-dayada lagu doonayo in lagu cabudhiyo saxaafadda ee ka hor imanaya sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ahba. -Waxaanu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynaa in aanu hormood ka noqon cabudhinta saxaafadda; ‘Madaxweyne ma waxaad ogoshahay in wasiiradaadu hormood ka noqdaan dhaqan-gelinta xeer laga soo dheegtay dal uu kali-taliye hoggaamiyo oo aanay dimuqraadiyadi ka hirgelin. Mudane madaxweyne, warbaahintii aad shalay u doodaysay, maanta adigu ha sadqayn.’ -Xisbiyada siyaasadeed ee qaranka waxaanu la socodsiinaynaa in sidoo kale uu xeerkani meesha ka saarayo xuquuqo distoori ah oo ay leeyihiin. -Waxaannu umadda Somaliland, bulshada caalamka iyo daneeyayaasha
xorriyatul-qawlka & dimuqraadiyadda u sheegaynaa in lagu soo duulay
madax-bannaanidii saxaafadda Somaliland.”
|