SAWAXANKA SAAMI QEYBSIGA GOLAHA WAKIILADA




 

Waxan maalmahan dadweynaha Somaliland ku dhaqani ku dhego-barjoobeen sawaxan iyo qeylo-dhaan ku wajahan saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada.
Waa baylah qaran oo muddo dheer huursanayd; waa xilgudasho la'aan musuuliyaddeedu k u kooban tahay mudanayaasha Golaha Wakiilada ee loo igmaday in ay dejiyaan xeerarkii i yo shuruucdii ay arrintani ku hirgelilahayd.

Mudanayaasha maanta sarajooga ku atixiyaadsanayaa toban sannadoo ayey hurdeen oo xilkii ay ummadda u hayeen gabeen. Saaxibayaal ma maanta ayaad baraarugteen! Xildhiba an Ayaanle, Buubaa, iyo Abdi maa haddaa ka soo toosteen hurdadii asxaab-ul Kahaf! Doorasho dambe oon diiwaan-gelin lahayni dalka ka qabsoomimayso 'e inna xikmad kale ma idinku hadhay!

Doorashadii Golaha Wakiilada ee Sebtember, 2005 waxa lagu heshiiyey in diiwaangelin la'a an lagu galo. Duruufihii yaalay xiligaa awgeed ayaa sidaa dan loo mooday oo waa tii Maxka mada Sare go'aamisey in saamigii wakhtigaasi yahay hal mar la adeegsay wixi ka dambeey an HAL QOF IYO HAL COD IYO RPORPORTIONAL REPRESENTATION. Waxanu ballanku ahaa in diiwaangelin la sameeyo si loo ogaado Gobol walba codbixiyeyaasha ku dhaqan. Taasi wax ay fududayn lahayd murankan maanta taagan.

Doorashadii madxtooyada ee June 26, 2010 waxa lagu galay diiwaangelin mala awaal iyo mad madow badani ku jireen. Xukuumaddan muddo xileedkeedii dhammaday markay talad dalka gacanta ku dhigtay waxa laashay gebi ahaanba diiwaangelintii

Waa xaq in ummaddu wax ku qeybsato hab ku dhisan sinnaan iyo caddaalad sida bulshada caalamku ku dhaqan. Marka ay arrintu tahay mudanayaal doorasho ku yimaada ta ugu muh iimsani waa tira goob sugan oo Gobolada dalka ka hirgasha. Horeso iyo dambeyso haddii aynu tusaalo u soo qaadano ilaa Doraashadii February17, 1960, doorashadii madaxtooya ee 2010 ayaa waxa diiwaan-gelin lagu magacaabo dalka ka dhacday.

Bal innagoo ka shidaal qaadanayna maxsuulkii ka soo baxay doorashadii madaxtooyada ee 2010, aynu Gobol Gobol u qiimayno hal kursi codka uu ku kacay:-

A)
Tirada Guud ee is-diiwaangelisey dalka oo dhan: 1,069,914
Tirada Guud ee Codeysey: 538, 246
Tirada Md. G. Wakiilada : 82 Mudane
Codka Hal Kursi Guud ahaan dalka: 538,246/82 = 6,564 Cod

B)
Codkii Gobolada yio saamiga kuraasta:

1.Gobolka Awdal: 13 Mudane

Tirada Codaysey: 81,338
Codka Hal kursi: 81,338/13= 6,257

2. Gobolka Maroodi-jeex: 20 mudane

Tirada codeysey: 236,651
Codka hal kursi: 236,651/20= 11,833

3. Gobolka Saaxil: 10 Mudane

Tirada coseysey: 29,211
Codka hal Kursi: 29,211/10= 2,921

4. Gobolka Sanaag: 12 Mudane

Tirada Codeysey: 58,515**
Codka hal Kursi: 58,515/12= 4,876

5. Gobolka Sool: 12 Mudane

Tirada Codeysey: 20,878**
Codak hal kursi: 20,878/12= 1,044
**Goobo ka mid ah Gobolada Sool iy Sanaag diiwaangelin iyo codbixin midna kamay dhicin. Sidaa awgeed tirooyinka labadaa Gobol ma sugna.

6. Gobokla Togdheer: 15 mudane

Tirada codeysey: 111,653
Codka hal kursi: 111,653/15=7,443

Sida shaxda ka muuqata suurto gal ma noqonayso in marlabaad sidan wax lagu qeybsado sababtuna waxay ka hor imanaysaa go'aankii Maxkamadda Sare ee ahaa in la helo diiwaangelin rasmi ah oo looga shidaal qaadan karo saami qeybsi xaq ah. Xukuumadduna muddo diiwaangelin lago sameeyo wey heysataa oo waataa laba sannadood oo sharci darro ah Guurtidu qalinka ugu duugtaye hadda ha ka hawlgasho dhammaystirka shuruucda qabyada ah.

Shirguddoonka Golaha Wakiilada ee ku doodaya Distoorka ha la furo oo kuraasta ha la kordhiyo, waxan leeyahay furihii idinka ayaa haya; soo curiya sharcigii distoor furista loo mari lahaa! Mudanayaal haddaydaan meesha u fadhiyin musharka hadba korodhsanaysaan ummadda ka hor dhaqaaqa.

Dhegihii Allah waaniyaa wax maqla.


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
August 22, 2015