Santaaga Madaxweynaha, Samirka Dhamaadey ee Mucaaridka, Sameeynta Waddanka

 

Waddanku waa Jamhuuriyada Somaliland Waxaa Xukuma Madaxweyne Layiraahdo Dahir Riyaale kahin oo Xilku kaga eegyahay 6/4/2009, Xisbiga ugu-weyn Mucaaradka Somaliland ee Kulmiye wuxuu istaagay mawqif ah iney kadaalen Muddo kordhin Waddankuna ubaahan yahay cid gaadhsiisa doorasho.

Madaxweynuhu wuxuu leeyahay anigaa joogaya ilaa Cidkale dadku soo doranayaan, Haddaba Marka qofku yahay hogaamiye Qarran waxaa astaan u-ah dulaqaad iyo hayin inuu ahaado Sikale hadaan udhigo Madaxweyne Riyaale wuxuu uhadlaa markasta oo ay timaado arrin dhalisa muran si’qab iyo islaweyni kujirto isagoo kubaana ereyada caanka ah ee Waddanka anaa Xukuma dalku laba Madaxweyne Malaha waa laydoortay waa beenalayaal ragga iyo Cawamiirtoda isagoo ujeeda Xasaskooda waxay sameynayaan sharci daro weeye iyo kelmado Xanafleh ayuu kaga jawaba.

Hadaan soo qadano tii udanbeysay yadoynu aragno halka maanta Waddanku taganyahay Muranka sharci ee jira ayuu Madaxweyne Riyaale Shirkiisi jaraa-id ee uu qabtay wuxuu mujiyay hadal runtii aan ahayn kii Madaxweynaha lagasugaayay wuxuu dafiray dhamaan in muran jiro iyo in maanta xaalku yahay halis wuxuu kubaanay in aanu waddanka waxba kataagnayn dhibna anay jirin koox yari durbaan tumayaan waa siduu hadalka udhigaye.
Madaxweynaha Waxaa lagudboon.

Madaxweyne Waxaad tahay Madaxweyne ladoortay dhamaadey xilkiisi waxaad taagan tahay halkay kanoqdaan Madaxda Africa ee ay  kusa qiiran waxaa manta kula gudboon inaad iska dhaafto kuwa kusiinaya talada dhiifta iyo xanafta leh waxay kaaturayan jar iyo hadaan yaga waxba kama gubanayaan lakiin adiga manta waxbadan ayaa kaa guba naya hamaqlin ee u hogaansan sharciga iyo sidey kujirto dalka  dant iisu, Waxay kujirta dalka dantiisu adoon ficil tamin waxay kujirta adoo talada dhulka dhiga waxay kujirta adoo manta iskadaaya qodobkaad lasoo tagan tahay ee ah-83 faraqadiisa Saddexad manta adiga  kuma yaalo oran maayo qodobkaasi xilka Madaxweynuhu waa todoba sanno sidey kaa noqotayba waad qaban kariweydey doorasho adey kusa arnayd cidkale masaarna adey ahayd inaad qabato maha inad  doora shada midna kufaanto midna tiraahdo maha shaqadeyda, kuwii dhacay adiga iyo shacabka Somaliland baa ku amaanan kuwana adaa  kudh aliilan Madaxweyne dulqaadku waa astaanta madaxtinimo maha adiga iyo inanka suuqa jooga inaad isku af kuhadashaan, Hadad diido  talad aas hubaashi waxaad kusaqiiri doonta halkay inbadan oo  Madaxweyn ayaal Africa-ahi kusaqiiren.



Mucaaradka waxaa lagudboon


Waxaad tahiin Madaxdii Waddanka Waxaad tahiin niman soo halgamay waan hubaa oo waan ogahay inaad kuwo badan ugalexjeclo badan tahiin Waddanka Waad samirteen oo waad dulqadateen mowqifkiina qofkii in uun fakaraya wuu garaabaya waxaase idinku waajiba haku xanaaqina oo yay idin dhibin kuwaad shalay ogeydeen halkay jogeen markii Shacabkan dhibtu haysatay ee diyaradu duqaynaysay kuwii daaqtagay maantana shacabka masakiinta usoo shaqo tagay hadey idinka sheegtan idinku ee deyaan waxay wadaan qas Alle waa ogyah ay shacabkuna waa ogyahay ee hawbixina, Sidaan hore usheegay hadad kalabataan mawqifkiina ah inaad dalka loo sameeyo cid  door asho xora oo xalala gaadhsiisa runtii waxay noqonaysa isbadalkaad wadeen midaan rumoobin, Waxaan taa uleeyahay addunka lama arag oo lama maqal aan lacagtii Shacabka haysto Warbahintii Qarranka aan haysto kulana tartamo melay kutaalo maynan arag, Hadad manta ogolataan waxay noqonaysa waxaad wadeen Adhi qulux kama ilbaxo.
 

Shacabka Maxaa lagudboon


Shacabow Waddanku waa dalkaagi adigaa khaladka diidi kara yeelina kara Way kusaamay naysaa maanta wixii Waddankaaga dhibta u hors eedaya usheega qaladka cidaleh oo cabira rayigiina Siba Dhalinyarada Somaliland kun jeerbay cidaan'dan waddanka kalahayn cuntay  Must aqbalkiini ee manta kataliya oo xaqa u hiiliya dorkii aylahaayen  oday aashu waygabeen oo xalkudu dhaqaalu ku-dhixmaye kataliya idinka Waddanka Mustaqbal kiisiye.
 

 


Muniir Axmed Cigaal

Birmingham Uk