Sannad Gudihii iyo Adeegyada Horumarineed ee Dekedda Berbara Heshay
 


 

 


Waxa kale oo ka mid ah waxqabadyada ay maamulka Dekedda Berbera soo kordhiyeen sannadkii ugu dambeeyey:
 


Berbera (TNN)- Dayactirka Barxadda Gudaha iyo Xafiisyada Hortooda:

Barxadda Dekedda

Barxadda gudaha dekedda waxa ka jira dayac foolxun oo hintaaqo iyo khatar badan ku keeni jiey qalabka dejinta. Waxa daac weyn ka jirey barxadda qaybta Ruushka. Markii aannu aragney halista ay ku hayso qalabka dejinta, iyadoo aaney biyuhu ka bixi karin barxadda markay roobabku da’aan iyo markey mawjadaha baddu soo galaan barxadda.

Waxaannu hirgeliney mashruuc ballaadhan oo dib-u-dhis loogu sameynaayo in ka badan 200m oo ka mid ah barxadda burburka iyo daac ku yimi.

Waxa si xooggan gacanta loo saarey sidii shub adag oo siman loo saari lahaa dhammaan barxadda daaca weynu ku yimi iyo goobaha burbursan ee barxadda.

Barxadda Xafiisyadda

Barxadda baabuur dhigashada (Parking) ee xafiisyadda maamulka dekedda iyo meelaha burburka xooggan yeeshay waxa loo sameeyey laami gaadhsisan wadada laga soo gala dekedda.

Arrintan oo looga gol lahaa kor-u-qaadisga bilicda dekedda iyo wax ka beddelka wejigii duuga ahaa ee ka muuqday xafiisyadda hortooda.

Qalabka Dekedda

Dayactirka:

Wakaalladda Dekedda Berbera waxa ay lahayd dhawr wish, September 2010 waxa dekedda u shaqaynaayey saddex wiish oo keliya inta kale wey fadhiyeen, wax hawl-gab noqdey iyo qaar ay daryeel la’aani ku dhacdey; Bishii October 2010 waxaannu u kuurgalney bal in wiishashka fadhiya wixii dayactir iyo farsamo u baahan laga shaqeysiiyo, waxaannu xidhiidh la samayney farsamayaqaanno ajnebi ah.

Waxa farxad noo ah in saddex wiish oo ka mid ah kuwii fadhiyey muddo bil ah la hawlgaliyey markii muruq bil ah la hawlgeliyey markii muruq iyo maskaxba la iskugu geeyey.

Kicinta qalabka fadhiya lagama daalin ee waa mid lagaga midho-dhalin doono qalab baddan oo cilada la maareyn karo hawl-gab looga dhigey.

Sidoo kale, waxa dayactir fiican lagu sameeyey Saaxil Tub-boat, oo muddo sannado ah ku shaqynaayey xaydho iyomaryo lagu gufeyn jirey daldaloolo khatara oo uu qarka u saarnaa in uu dego.

Qalabka Dekedda loo soo Iibiyey

September 2010- April 2011 Wakaaladda Dekedda Berbera waxa uu qabsoomey in loo soo iibiyo qalab hor eh oo ay ka mid yihiin; Fork litter, Cranes, Truck Head, Generators, Ambulance, waxana ka mid ah:

Zoomlion Crane 70 Ton

Wiishkan dekedda Berbera sannadkan nasiib ayey nasiib u heshay tan iyo waqtigii la aasaasay dekedda marnaba may yeelan wiish kan la awood ah. Wiishkani waxa uu dekedda Berbera soo gaadhayaa bishan.

Volvo Head 40 Ton

Waxa loogu talaglay jiidista Traiter-sk lagaga daabulo badeecadda kaalka ilaa barxadda/bakhaarrada baabuurkan waxa loo soo gadey dekedda bishii March 2011.

Isuzu Road Sweeper

Waa baabuur loogu talagaley xaadhista, gurista, maydhista iyo qaadista qashinka gudaha dekedda, gaar ahaan digadda iwm.Baabuurkan waxa loo soo gadey dekedda bishii February 2011.

Kawasaki Mobile Crane

Waa wiish awood u leh qaadista 12 tan waxa loogu talagaley in uu badeecadaha ka gurro doonyaha iyo barxadda. Wiishkan waxa loo soo iibiyey dekedda bishii January 2011.

Kawasaki Mobile Crane

Waa wiish awood u leh qaadista 9 ton, waxa loogu talagaley in uu badeecadaha ka gurro doonyaha iyo barxadda. Wiishkan waxa loo soo iibiyey dekedda bishii January 2011.

Isuzu Telescopic Boom Lift

Baabuurkan waxa adeegsada shaqaalaha korontadda, waxa uu leeyahay wiih leh salad lagu qaado dabyaqaanka, waxa uu meesha ka saaray khatar badan oo ay geli jireen shaqaaluhu marky fuulaan biraha dhaadheer. Waxaana la soo iibiyey March 2011.

TOYOTA Fork-Lifter

Lifter waxay awood u leedahay qaadista 12 tan, waxa loogu talagaley gurista koontaynarrada iyo qaadista/durkinta qalabka dhismaha ee barkadda ka dhigo. Waxa la soo iibiyey February 2011. La soco….
 

 

Source: Jam