3
May 2016, sannad guuradii 14-aad ee ka soo wareegtay
geeri da Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,Halyeygii,marxuum
M axamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo aqoonsado
maalin Qaran, Library & Museum na loo dhiso
Marka
hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u
dirayaa dhammaan shacabka xariirt a ah ee reer Somaliland
iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel
aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka ee
qiimaha badan, asalaamu calaykum waraxmatu laaahi waba
rakaatu. Waxaan
Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo
kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana , cadaaladda u
hiiliya , Qabyaaladda
urteeda iyo dulmigana ka fogaada.
Aan u daa dago dulucuda qoraalka iyo halkay ay muhatay
laabtaydu.Rabbi naxariistii Janno Fardaw sa ha ka waraabiye,marxuum
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa
shaqsi
aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka
af Somaliga ku hadlla,magaciisuna
sharaf ,
qadarrin iyo
karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa
Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo dhammaan mandaqadda Gees ka Afrika iyo
guud ahaan caalamkaba.Marxuum
Cigaal ,wuxuu ahaa madaxweynihii
ugu horreeyey e e Somaliland ,ee
gacantiisa ku soo
sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda
Ingiriiska,26 Ju ne 1960 kii.
1993 kii
,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal , mar
labaad Madaxweyne ka noqday Soma liland ,waqtigaas
oo Dalka iyo
dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u
adag,jihadaad u jeedsatan a ay ka soo yeedhayso dhiillo
colaadeed , amnni darro , kala danbayn la'aan ,geyigana
dhammantii ay ka muuqato bur burkii,xasuuqii iyo
dakharadii ay Daalimintii Huwantu
iyo kaba qaadkoodiiba inoo
geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN),
isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato,oo aan Dawlado
iyo kaalmo shisheeye toona gacanta u hoorsan, ayuu ku
guuleystay inuu shacabka boggoodii
burcad i sku mariyo, walaaleeyo ,hannaan dawladnimo
iyo kala danbeynna u yag
leelo,seeskana u qotamiyo. Geesi naga
baxoo , Guul dhashuu ahaa, iga dheh.
Maanta oo bishu tahay
3 May, 2016, ahna sannad
guuradii 14-aad, ee maalintii uu geeriyooday ma rxuum
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,
waxaan soo jeedinayaa in loo aqoonsado
maalin Qaran,Librar y & Museumna loo dhiso. Inkastoo
aan taariikhdiisa dahabigaa,
dhaxalkii uu innoga tagay,
waxtarkii sii iyo
wax qabadkiisii midnaba
aan tawaad,
qalin ,
buug iyo website toona
, lagu soo koobi karin ,ba l aan dhowr shay soo dul xaadiyo:
•
Sameyntii Dastuurka Somaliland
•
Sameyntii Calanka
•
Sameyntii ciidanka Qaranka
•
Hub ka dhigistii Beelaha
•
Nabadayntii Beelaha
•
Dib u dhiskii Dalka
•
Sameyntii lacagta Somaliland
•
Sameyntii Baasboorka Somaliland
•
Sameyntii hannaanka Dawladnimo
•
iyo kuwo kale oo badan
3 May,2002, oo ahayd
maalintii marxuum Cigaal ku
geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada
Pret oriy a ee
Dalka Koonfurt Afrika,waxay
ahayd maalin madaw,
gudcur dam yidhi
,murugo
leh ,naxdin iyo
dhiillana u soo hoyatay dhammaan inta
jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay
ad ag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu
ahaa dareenka Somalilandersku meel ay m aalintaas joogeenbba,bal waxaan isku dayi doonaa inaan idinku
maansheeyo Gabay
baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey
Cali Adan Cawaale , waxaanu
yidhi :
Sayed baad ahayd
Mohamedow Mawle soo diraye
Siraad iyo aqoon baad ahayd saaqay dunidiiye
Somaliland baad jeclayd inay sarraysaaye
Teer iyo sitiinkii adaa taajka noo sidaye
Hanadkii sexeexaad ahayd saariddii karale
*****
Sama wadde haddii anad ahayn lama sod
caasheene
Xamar kuma sinteen dawladnimo xaasil oo
sugane
Somali baa kugu mudnayd inay sinnaataaye
Saddexdii maqnaa baad lahayd sawtka
gaadhsiiye
Sir ma qabe waddaniyaad ahayd sajac heer
Qarane
*****
Sidaa
ugu listeen uma hambayn madaxdii reer Suud'e
Iyagaa waxaad sahamiseen suuqyada u galaye
Sunuut bay ku iibsheen waaxaad
sahadinaeysaeene
Kala saare labadii shalay laysu soo daraye
waatay salaad hore galeen suuqyadii herere
Saf ballaadhan waatay rasaas shicib ku
seexsheene
Taangiga siqaa wuxu dul maray sabi
carruureede
Silicii dadkaagaa la baday saani loo aragye
*****
Sankaa ii mudnaa inan dagaal kaga sifeeyaaye
Waatii sutida loo qabteen sugay xalaashiiye
Sandulley ahayd inan ka koro Xamar dul
saarkeede
Inkastooy saraakiil halgemay sahayatoon
waayey
Soo noqotay Maandeeq markale geesiyaa sugaye
Halkii aan sinnaan iyo wadaag samo ka
dhawraayey
Ayadoon saldhigin bay haddana sudhatay reer
reere
*****
Solladaa markay naga gashee laysu socon
waayey
Waatay simaamkii mar kale kuu sidkeen adiye
Waxad saawa saawiyo farsamo dhaban
salaaxdaaba
Waataad sargooyada habboon saaftay
nabarkiiye
kuma seegin tii loo ballamay sigib
tirkeediiye
*****
Salka wadigaa maamul qaran seeska noo
dhigaye
Nabad bay ku seexdaan dhammaan saaka
shicibkiiye
Saxan saxo udgoon baad mar kale siisay Reer
Lande
Sama wade cuddoon baa halkaa sax uga
maarayne
*****
Sooyaalka taariikhdu wuu sugay halkaagiiye
Somali baad guud ahaan ugu sarreysaaye
Suugaanta kuma koobi karo sumada haagiiye
*****
Sool iyo
Hargeysiyo
Togdheer
Booramiyo
Saylac
Sanaag
iyo
Addis
iyo
Jijiga
baddhabiyo
saaxil
waxa saaka laga ooyayaa tan iyo
Sayloone
*****
Nina saacaddii kama fakado seeftu guud
timide
Sama wade Halyeyow jannadda saani ugu
dheelmo
waxan kugu sagootiyey duciyo safar
nabaaddiino
Safka nabiga Ebbuhu ku mari surinka loo
raaco
*****
Qabrigana siraad nuurayiyo waasac kugu seexi
Seeraha Fardowsana Alluhu daar ha kaa siiyo
Malaa'iigtu soortii Jannada sooryo kugu
boobe
Salaama Alla dee Mohamedow samirku waa doore
*****
|
Geeridu waa xaq,waana
hubaal in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto
mawdka,waxaase xaqiiqo ah,
biyo kama dhibcaan ah,
in shaqsigii
Dalkiisa iyo
dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo a ayo uga tagaa ,
in taariikhda ma guurtada ah lagu xardhi doono,magaciisuna aanu abid dhimanayn
, lana xasuusan doono , loona
duceyn doono mar walbba.
Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ,
Aabihii Jamhuuriyadda Somali lan d,lagu maamuuso,
lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa
faraha badan ee uu i nooga tagay, ahna ta maanta
Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna
naaloonayso,kuna dabaal degayso sannad walba.Maanta oo bishu tahay
3 May , 2016, ahna
sannad
guuradii 14-aad , ee
maa lintii uu geeriyooday marxuum
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,
waa in loo aqoonsado maalin Qaran ,
Library & Museum na loo dhiso.
Waxaan ku soo af meerayaa qoraalkaygan kooban, Allahayaw
adaa awood lehe ,waxaan kaa barya yaa inaad marxuumka,Maxamed
Xaaji Ibrahim Cigaal, danbi
dhaaf u fidiso , qabriga u
nuurto , iilka u waas iciso
, neecaw udgooniyo ,
ku siiso naruuro ,
janno Fardawsana ku abaal mariso,
Aamiin , Aam iin,
Aamiin .....
إِنَّا لِلّهِ
وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Eng. Mohamed Ali Muse
(Farshaxan)
3 May,2016 |
|