Sanad Guuradii 17-aad ee Ciidanka Qaranka oo maanta la Xusay iyo Madaxwayne Siilaanyo oo khud-bad ka jeediyay.

 


Cidamada Qaranku Waxay qaayb Mug iyo ,Miisaan leh ka soo qaateen dhidib u Aasida Dimuqura adiyada iyo ... Daawo Sawiradda


Hargaysa(TNN):-Xuska sanad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay Aas Aaska Ciidanka Qaran ka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta lagu qabaty Taliska Guud ee ciidamada qaranka  Som liland ee Magaalada hargaysa.

Munaasibadan lagu xusayay Aas Aaska Ciidanka qaranka waxaa ka soo qayb galay  madaxway naha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, wasiirka Gaashaan dhiga Axmed x.Cali  Cadami,t aliyaha ciidanka qaranka Somaliland gen.Nuux Ismaaciil Taani,Taliayaha Ciidanka Booliska  soma lailnd Cilmi Rooble Furre (cilmi kabaal),taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamda qaranka.
DSC01569Sidoo kale waxaa munaasibadani ka soo qayb galay axsaabta siyaasada somalialnd waxaana ka mid ahaa madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland ahna ku simaha  Guddoomiy aha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,Guddoomiye Ku xigeen ka xisbiga  UCID Aadan Maxamed Mirre (waqf),madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan aw cali faarax,Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.


madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay  xus kani ciidanka qaranka somalialnd ayaa ka waramay qiimaha uu ciidanka qaranku ugu fadhiyo  da lka isaga oo sheegay in uu ka mid yahay astaamaha Aas Aaska iyo gun dhiga u ah qaran  nima da waxaanu yidhi “Ciidanka Qaranku waxa uu ka mid yahay Aasaaska iyo Astaamha Gun dhiga u ah Qaranimda Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu laf dhabar u yahay Difaaca iyo Ilaalinta  Naba dgelyda dalka, Aasaaska Ciidamada Qaranka somaliand waxa u ka soo Unkamay halgankii iyo Xoraynta Somaliland


Ciidamada Qaranku Waxay qaayb Mug iyo ,Miisaan leh ka soo qaateen dhidib u Aasida  Dimuqur aadiyada iyo Qaranimada Somaliland maanta ku naaloonayso, Ciidanka Qaranku wuxuu guulo wax ku oola ka soo hooyey Hawl galadii ka dhacay Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.


waxa kale oo uu Ciidanka Qaranku Guulo ka gaadhay Xoojinta iyo Gacansiinta Nabad gelyada  Gu daha isaga oo xoojiyey Ciidamada Booliska, waxaan ku ammaanayaa kuna Hambalyeynayaa  an shaxa iyo hab dhaqanka Wanaagsan ee ay kula dhaqmeen Bulsho weynta Guud ahaan ku  dhaq an Gobolada iyo Degmooyinka iyaguna ka markhaati kaceen, waana arin Muujinaysa heerka bisaylka Ciidamadeena.”

Isaga oo khudbadiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaa kale oo ku hambaleyeynaya Taliska Guud ee Ciidanka, talisyada Aagaga iyo Qaybaha suurto gelinta horumarka iyo Fulinta heerar tababarka Ciidan iyo waxbarashada kala duwan ee Ciidanka la siiyey,waxbarshadaasi oo u kala baxda  Sib inaaro, koorsooyin heerar kala oo dalka Gudihiisa iyo debediisaba laga soo joogteeyey  tabab arka Ciidanka Qaranka,waxa kale oo Xusid Mudan dib u hagaajinta, Xanaanaynta saanada kala duwan ee Ciidanka iyo Gadiidka Gaashaaman”.


Madaxwayne axmed siilaanyo waxaa kale oo uu sheegay in uu ka war hayo duruufaha adag e e ku xeeran ciidamda qaranka iyo kaalinta adag e e ay dalka kaga jiraan aw geed loo kordhiyay mushaharka 100%,waxaan uu faray wasaarada gaashaan dhiga iyo taliska Guud ee ciidanka in ay bilaa baan diiwaan gelinta si loo dhamaystiro diiwaan gelinta cusub,loona xoojiyo ilaalinta qaran nimada Somaliland waxaanu yidhi “Anigoo maanka ku haya Duruufaha adag ee ku xeeran Xilgudashada Ciidanka iyo kaalinta adag ee ay kaga jiraan Difaaca dalka, iyadoo ay yartahay awooda dhaqaale ee dalkeenu waxa loo kordhiyey mushaharka Ciidanka 100 %, si noloshooda kor loogu qaado.


waxaan Farayaa Wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska Guud ee Ciidanka Qaranka inay samee yaan.-

1-Dwaan gelinta Cusub si loo dhamays tiro Barmaamujka Darajooyinka Ciidanka, arintaasi oo Qi imo mug leh ugu fadhida Qaranka iyo Dawladnimadeena.

2- Si loo xoojiyo ilaalinta Nabadgelyada iyo Qaranimada Somaliland loogana hor tago cadawga, kaasoo hore isugu deyey inuu qaraxyo ka fuliyo dalkeena,waxaanan farayaa Ciidamada  Qara nku inay Xoojiyaan Xuduudaha dalka,sidoo kale gacan buuxda ay siiyaan Ciidanka Ilaalada  Xee b aha,Booliska, Asluubta iyo Hay'adaha Sirdoonka Qaranka.si aynu uga hortagno dhamaanba falalka Cadawgu damacsanyahay inuu dalkeena ka Fuliyo”.

 



Khadar Cabdi Muse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland