SAMAALOW WASIIR WAXAAD QARISAY WAXA KA MID AH
Maxamed Xaashi markuu Wasiirka noqday waxa ididiilo soo gashay
shaqaalihii koluu salka dhig eyba uu boqolkiiba boqol u kordhiyey
uuna balan qaaday inuu sidaas ku wadi doono. Waxa ay aan darro ah in
kooxda wasiirada ugu tuka weyne ka diidiin ooy ahayd isku dhicii uhu
horeey ey, iyagoo dalbay horta in Golaha Wasiirada la foodh yeelo.
Kolkii aad xilka la wareegtay Samaalow waxaad tidhi mushahrkii
Wasiirku iguma filan oo waxa an qaadan jiray lacag
2, 300 doolar ah.
Kolkiiba waxaad soo jeedisay in Wasiirada mushahrla mar labaad
loo
laban laabo. Daahir Riyaale waxuu ka tegey Wasiirka oo qaata
650
doolar, de edna Maxamed Xaashi oo shaqaalahoo dhan laban laabay ayaa
ka dhigey 1,300 doolar bishii. Waxaad adigoo naftaada eegaay ka
dhigatay musharkii Wasiirada
2,300 doolar bishii shaqaa lihii
danyarta ahaan ganbo umaad kordhin.
Waxa haddaba la yaab leh in mushaharka intaas la gaadhsiiyey halkii
tirade Wasiirada la soo koobi lahaa iyana la kordhiyey. Waxa
Siilanyo Golahiisu ka badan yahay kii riyaale oo uu laba dheer yahay.
Haddaba Golaha Wasiirda ee Riyaale oo ahaa 52 ( Wasiiro, Ku Xigeeno,
iyo Wa siir Dawlayaal) waxa ku bixi jiray bishii $ 33,800 doolar ,
Golaha Wasiirada Siilanyo waxa ku baxa 124,200 doolar bishii taas oo
ka dhigan afar labanlaab tii Riiyale.
Siilanyo haddu ummadda u naxaayo sidan ma yeeleen, isagoo ku hadaaqi
jiray waxaan dhisay aa dawlad teyo leh oo kooban. Hadduu ku deyn laha
tirade dawladii uu soo dhisay bilowgii oo ahayd 26 xubnood waxa
umaada u baaqn lahaa 63,000 doolar bishii.
Samaale iyo Xirsi iyo dhammaan wasiiradu walaba kuwa aamusan ee aynu
sacabka u tuna sida Dr. Sacad iyo Xuseen Gurayga Macdantu waxay ka
siman yihiin inay u diriraan jeebkooda danta guudna ka aamusaan.
Labadan aqoon yahan waxaan u soo qaatay jaceyl aan u qabo oo waan
kala hanweynaa qaar ka aamusa danta guud iyo dareenka shacbiga,
waxaan ka doonaayey inay ku dhiiradaan inay Samaale iyo
Xirsi ka
qabtaan hantida ummadda iyo malafsiga, waxaan ka filaayey inay hoos
u eegaan danyarta iyo inay qorsha ay qoreen ku xakameeyaan khrashan
aan sal fadhiya lahay.
Haddii Golaha laga waayo cid qaladka gudaha ka sixi weyda waxa soo
bixi cid debedda ka saxda.
Saamale iyo habdhaqankiisa miisaaniyadda waxaan idinka haya warbixin
xiise leh oo uu ii soo gudbiyey sarkaal ka tirasan Wasaaradda
Maaliyaddu, meelaha qaar oon iska hubsanaayo aya n dib ugu celieyey
suaalo intaas aan sugayaa.
DADKA KII DHARGAA U DARAN DILAAL IYO MALAAL
IYO DIBU SOCODNA WAA
ISAGA
WAA DANAYSTE BAL DAYE
MA DOWBA MA WAX LOO DUL QAATAA.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawwi@gmail.com
|