SAMAALOW WAA NIFAAQ IYO ARRIN KA BAXSAN MAAMUL DAWLADEED

 



Waxa caado u aha ruux is-tuska badan ayuu wax walba ku qiimeeyo in la arko oo la maqlo. Waana tan ay rag badani kolka Madaxweynahu meel ka hadlaayo ay isriix riixan, madaxweynaha ay neefta ku dhajiyaan. Ragga ku caanka ah waxa ugu horeeya Samaale ood mararka qaar moodo inuu yahay bodyguard, kolka aad aragto isagoo fadhiya kursiga darawalka ku xiga gaadhiga Madaxweynaha oo loogu talo galay askar klhaas ah, laakiin looga taag waayey ilaa amar lagu soo saaray.


Waxaad arkeyseen sidii uu ugu dirirsanaa inaan Madaxweynaha laga xigin shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga oo dhowr jeer loo sheegey nidaam ahaan inuu fadhiisto halka loogu talogalay Wasiirada oo isaga mooyee intii kale fadhidey. Ayaamahan waxaad moodaa inay yimaadeen rag aan uga leehanayn sidii dhalintii uu iska riixi jiray. Waxa ayaamahan goobtii uu jeclaa ka tuuray Wasiir Warancadde oo sawir jeceylka kaga darran, iyo Wasiirka Arrimaha Debedda oo nidaam ahaan kaga sareeya dhinaca mamuuska isna uu yaqaan oo aanu uga tanaasuleyn.
Waxaad arki doontaa Samaale oon shirarka yareesta kol haddaanu ag joogayn Madaxweynaha oo aanu ka qoslineyn.



Intaas waxa ka daran sida uu nidaamka dawliga ah u kharibaayo isagoo ay ka tahay is-tus. Waxuun jaraa'idka iyo websiteyda ku faafiyey fariin uu u diraayo Wasiirada oo uu leeyahay soo xareeya miisaaniyadda. Ceeb taas ka weyn miyaad aragteen. Wasiir fariin ugu dhiibaaya warbaahinta Wasiiradii kale.Ma sidaas ayey ku dambeysay Siilanyo oo ah aqoonyahan iyo nin maamulka ku raagay. miyeyna iyana ahayn marag kale inaanu waxba kala socon waxa gudaha xukuumadiisa ka jira iska daa dalkee.


Dee nin aan Golaha Wasiirada maamjuli karin maxaynu ka sugayna. Samaale waxa kale oo uu warbaahinta ka sheegay dhaliil iyo canbaareyn uu u jeediyey Wasaaradaha oo uu ku tilmaamay inay ka baaqdeen dakhligii laga rabay miisaaniyada 2013. Buuga amaanta iyo is-cajabinta halkay kaga jirtaa lacagtan baaqatay. Imisaa ku maqan wasaaradaha, miyeyna ahyn guul darro kolka Wasiirka maliyaddu warbaahinta ka leeyahay Wasaaradihii aanu dakhliga ka sugeynay kama haynu. Miyeyna ah mid ka baxsan nidaamka dawladnimo. Samaale halkan is-tus ayey ka ahayd bal se wuu ku mahadsan yahay inuu tilmaamay fashilka heysta dawladdan aan lahayn cid hogaamisa.



Nidaam ahayn meel uu ka hadlayo amaba joogo Madaxweynahu waa inaan logu arag Wasiirka Madaxtooyada waa shaqaale toos ah oo madaxweynaha ah. Waxa Wasiirada hormood u aha Waqsiirka Debedda.

Madaxweyne waan kuu duceeya.
 

 


Cabdi Xaaji Axmed