Saleeban M Aden ow dhankaad naga xigtey dhaxantu naga heysa, guurtidii loo han weyna waad gabtey hawshoodii

 

 

Waxan halkan ka salaamaya dhamaan saxaafada iyo warbaahinta xorta ah ee codka shacabka kor u qaada, waxan halka ka cambareynaya kuwa weerarada iyo dilalka uu geysta wariyaasha, waxan si gaar ah u cambaareynaya kuwii ka danbeyay weerarkii fuleynimada aha ee lagu so qaa dey Wargeyska HUBAAL ee lagu dhaawacay horjoogihi wargeyska mr Calooley..



Somaliland waxey ku so caano maashey oo ey halkan kuso gaadhey guurti mideysan oo meel u wada jeeda, wa wadatashi iyo talo wadaag ey, gooni isu taaga iyo dawladnimada maanta aynu heysna wa taladii iyo gudoonkii guurtida somaliland gaadhey ee ka dhashey wadatashigii iyo talo wadaagi.

Runtii Sababta keentey in indhaha caalamku ku so jeestan somaliland ee loogu sad buriyay wa guurtideena oo daacada inoo aheyd runtiina somalida inteeda kale waxeyn dheereyn guurtideen oo waajibaadkeeda cidna uu daba fadhiisan jirin oo aha kuwo dalkooda iyo dadkoodba daacad ah kuwo colaadaha iyo dhibaatooyinka jira ka gilgisha isla markan ku so dabaala nabad iyo caan, ku wo colaadahan damiya islamarkii ba oo meel uga so wadajeeda daminta colaadaha sokeeye, guu rtideenu waxey aheyd mid somali oo dhami majiirato wax qabadkooda waase nasiib daro isbada lka ku dhacey iyo sida ay u dhalan rogmeyn intii uu gudoomiyaha Saleeban Mohamoud Aden hor jooga ahu aha ma garaneyo khilaafad iyo colaad guurtidu xalishey intii u Saleeban M Aden horjo oga ah u aha guurtid.


An uso noqdo ujeeda qoraalkeygan - Waxa Nasiib daro ah oo ad la wada socotan marxalada ey mareyaan guurtideeni aynu ku baxsan jirney waqtiyada adag heerka ay marayaan maanta iyo habdhaqankoodu sida uu isku badalay intii uu horjooga ah u aha mudan Saleeban M Aden iyo ma amulka dawlada kulmiye.

Runtii kalsoonidii guurtideena ee shacabku u qabay waxey noqotey mid maalin ba maalinta ka da nbeysa hoos usii socota oo lumineysa kalsoonidii shacabka markii ay IRBAD DUN AY INOO GALIN KARI WAAYEEN xal uu waayeen dhibaatooyinka, khilaafadka iyo cabashooyinka gobolada iyo bee laha qaar ka so burqameya wa nasiib daro, Wuxu gudoomiye Saleeban ka doorbidey hawlih qara n uu hayay ama loo igmaday inu dantiisa gaarka ah ku fushado oo markuu doonan dibada dalka uga baxo markuu doonana dib ugu so laabto isago uu socda sidii uu dano kale ugu fushan laha a wooda gudoomiye nimo ee guurtida..

Haddii an soo qaato xilgudasho la'aanta guurtida dhawr dhacdo oo ad ila wada garan kartaan oo runtii u baahneyd in wax laga qabto waliba guurtidu u gacan banaaneyd.

1. Dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday xaafadda AXMED DHAGAX ee dhalinyarada lagu xas uuqey oo ila maanta wax xal ah laga gaadhin dibna inooguso noqon karta maadaama an la xalilin wali


2. Cabashooyinkii ururada ee dhiiga iyo dheecanku ku daatey oo an dhag loog dhigin ururadii cab aneyay runtiina waxeynu ku dhisneyn isqancin iyo wada tashi kaasina maanta waxad mooda inu meesha ka baxay oo arinkeenu mareyo YAAN LOO JOOJIN..


3. Dhibaatadii Saameel iyo dilalkii ka dhacey oo an ila maanta wax xal ah laga gaadhin islamarkan dib inoogu so noqon karta maadaama an nabad rasmiya laga gaadhin oo beelihi wali qaarkood an la qancin


4. Dhibaatadii ka dhacday gobolka Salal iyo Awdal ee dilka iyo colaada ah oo an maanta maamul iyo guurti toona waxba laga qaban oo dabkoodu wali holaceyo oo maalin maalmalmaha ka mid ah dib inoogu so noqon kara.

 

5. Xildhibaanadii golayaasha Salal oo is wada casiley oo an ila maanta aney cidina ka wada hadal sidii golayaasha loogu so celin laha.


6. Gobolada bari oo cabashooyinkoodu yihiin kuwo joogta ah oo ah dhaqaale xumo ay tirsaneya an, dagaalo sokeeye oo joogtu ugu socda iyo kuwo siyaasadeed oo xal uu baahan in laguso fur daamiyo intaaso dhibaato ah iyo kuwo kale oo badan oo guurtida shaqadeeda aheyd baa midna xal lagaadheeni sababtuna wa gudoomiyaha oo an xil iska saarin dhibaatooyinkaasi dhacaya oo dhaga ah ka fureystey, runtiina ma moodeysidba gudoomiye gole qaran oo guurti ah inu gudoom iye uu yahay sida hadaladiisu yihiin markaad u fiirsato ama dhandhansato luqada u ku hadalayo..

Waxa an kusoo gaba gabeynayaa Runtii bulshada caalamku wey ogtahey dhibaatooyinka gudah eena ka jira iyo cabashooyinka bari ila galbeed ka jira dalkeena maaha mid aynu qarin karno oo aynu caalamka been u sheegi karno.

Haddaba waxan garan la ahey sababta looga sasayo baaqa gudoomiye Faysal Cali Xussein ka dh awaajiyay in la dhameeyo dhibaatooyinka jira iyo cabashooyinka gobolada qaar tirsaneya iyo kh ilaafeyda jira, somalidu waxey tidhaahd NIN HILAAB XUMI INU WAX QARSANEYO AYA LA MOODA, ma garaneyo sababta looga sasey an wada hadalno oo an isqancino haddii uu yidhi gudoomiye Faysal Cali, an WADA HADALNO WA AN HEESHIINO..

Ilaahey dariiqa toosan ha ina waafajiyo talada wanaagsan ha inagu hago.
 

 


Omar Darood Xassan

Norway