Saleebaan-gaal oo Caddeeyey Haddii Guurtidu Muddo-kordhin u Sameyaan Rayaale in Dhib aa tada ka Dhacda Masuul ka Noqon Doono

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida  Somali land Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), ayaa Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB ugu baaqay inay fuliyaan lixda qodob ee beesha caalamku ka soo saareen xallinta khilaafka dalka ka jira.

Md. Saleebaan-gaal oo xalay shir-jaraa’id ku qabtay gurigiisa magaalada  Har geysa, waxa uu shegay in xalka iyo badbaada qaranku aanay ku jirin Golaha Guurtida oo muddo-kordhin u codeegay, balse waxa uu ku nuux-nuuxsaday in xalku ku jiro Madaxweynaha iyo xisbigiisa UDUB oo si buuxda u fuliya lixda  qo dob ee waddamada beesha caalamku soo saareen, kuwaas oo xisbiyada  muc aaradku ku dhawaaqeen inay si buuxda u fulinayaan shuruudahaas.

Waxa Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan caddeeyey in haddii  xukuum addu fulinwaydo qodobadaas oo Golaha Guurtiduna muddo-kordhin ku  dhaaw aqo Jimcaha maanta in dhibaatada halkaa ka dhacda uu masuuliyadeeda qaadi karo Madaxweyne Rayaale.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo xisbigiisa uu Guddoomiyaha u  ya hay ee UDUB inay fuliyaan heshiiskii deeqbixiyeyaashu ay saddexda  murras hax ee asxaabta soo gaadhsiiyeen, fulintiisana waa loo baahan yahay, labada xisbi ee mucaaradku way aqbaleen, wayna fulinayaan, markaa waxaan  cods anayaa oo aan idinku baaqayaa inaydaan ku gaban Golaha Guurtida, idinkaa wax idinka go’aan, aqbalaadiina iyo fulintiina ayuu khilaafka jiraa ku soo  afjar mayaa, codbixin Golaha Guurtda ka soo baxdaa soo afjari maayo, khilaafkaa oo bulshada oo dhan taabtay oo saameeyey.

Waxaan mar labaad idinka codsanayaa in danta guud iyo nabadgalyada  aw geed inaydun fulisaan qodobadaas, muddo-kordhintu gabasho malaha oo  w aa arrinta ku jirta inaad fulisaan qodobadaas, Insha Allaah waxa  rajaynayaa inaad iga aqbali doontaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.

Gebagebadii shirkaa jaraa’id su’aalihii weriyeyaashu weydiiyeen iyo  jawaab ihii Guddoomiyuhu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan;

Su’aal: Guddoomiye, haddii Golaha Guurtdu Madaxweyne Rayaale muddada u kordhiyaan, iyada oo aan la idiin keenin heshiis saddexda xisbi qaran ku  mida ys an yihiin, dhibaatada ka dhacda masuuliyadeeda yaa yeelanay?

Jawaab: Masuuliyadeeda waxa qaadaya ciddii fulin wayday qodobadda  bees ha caalamku soo bandhigeen, waxaanna waajib ah bulshada in isku dhac iyo khilaaf laga ilaaliyo wixii isku dhac iyo khilaaf u keenaya.

S: Guddoomiye, Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida waxa hor yimi  guddoom iyeyaasha mucaaradka, xisbiga UDUB-na waxa uu sheegay inaan fadhiga Guurtida lagu casuumin, yaa xisbiyada mucaaradka martiqaaday, maxaadse UDUB ugu yeedhi waydeen?

J: Taas waa cudur-daar doon-doon, deeqbixiyeyaashu heshiiska Golaha  Guur tida umay soo gudbin, loomana keenin, saddexda murrashax ee saddexda  xis bi KULMIYE, UDUB iyo UCID ayey u soo gudbiyeen waajibku iyaga ayuu saaran yahay, weliba waannu waynay annagu Madaxweynaha. Faysal Cali-waraabe, ayaa aakhrikii helay Xoghaynta Madaxweynaha, waa la imanayaa Golaha ay aa lagu yidhi, Faysal-na waxa uu sheegay inay go’aankaa ka noqdeen  dhin aca UDUB iyo xukuumaddu.






Source: Jamhuuriya Online