Saldhigi-waaga
Siyaasadda Somaliland Iyo Sawmal- Haadka
Ummadda

Khilaafka
siyaasadeed iyo muranka sharciyadda u dhigan dalka ayaa noqday mid
aanay ka korin siyaasiyiinta ku hirdamaya masiirka umada ku dhaqan
gayiga Somaliland, waxa ay arintani si wayn u saamaysay bulshada
danyarta u badan ee dalkan ku nool.
Sida laga warqabo bulshada Somaliland, waxay ahayd dad aan ku
xeeldheerayn siyaasadda oo aan ahmiyad siin jirin, waxa kaliya oo ay
ku baraarugaan marka maamulka ay doorteen ka leexdo majaraha saxda
ah ee ay taabato dhibta iyo waxyeelada maamulkasi.
Bulshada reer Somaliland waa dad neceb kali talisnimada iyo
guumaystaha, tusaale ahaan waxay u tafaxayteen sidii ay u baabiin
lahaayeen gumaystihii Ingiriiska, waxaanay gacanta ku dhigeen
xoriyadii nasiibdaro may calfan reer Somaliland, waxayna gacanta u
galiyeen gumaysi ka daran kii reer Yurub.
Waxa la yaab leh dadka reer Somaliland maaha kuwo ka niyad-jaba
raadcaynta maamul wanaagsan, balse waxayna khibrad u lahayn
xulashada hogaamiye aqoon iyo waayo aragnimo leh, bulshada
caalamkuna waxay ku doorataa cida ay ku aaminayaan hogaaminta
aayahooda astaamahan soo socda;
Siyaasi aqoon leh, korna u qaadi Kara dhaqalahooga. Siyaasi khibrad
leh. Siyaasi aan kala qaybin bulshada.
Siyaasi difaaci Kara xuduudaha dalkiisa. Halka ay bulshadeenu ku
doorato siyaasiga ay u dhiibayaan mustaqbalkooda.
1. qabyaalad
2. Danaysi shaqsi
3. Hunguri
4. iyo hugun raac
Waxayna hadhow ka shaleeyaan waxqabad la’aanta iyo tayo xumada cida
ay sifahaas xun ku soo xusheen, taasina waxay dhaxalsiisay inay ka
daalaan xaragada nolosha oo ay dulmi kasta u qaataan nabad jacayl
iyo colaad ka carar, iyada oo ay sidaa tahay, hadana ka ma fursadaan
colaado, waayo, waxay haleeyaan halka u saraysa ee laga xukumo
noloshooda, waxaanay u dhiibaan cid aanay ka fiirsan oo aan tudhaale
ugu jirin, balse u
dhex joogta wax yaabo ay ka mid yihiin danaysi iyo u jeedooyin kale
si kasto ahaataba.
Xoriyadaas ay dadku lumiyeen, kadib halgan loo maray silic iyo
saxariir, waxay bulshada reer Somaliland dib u hanteen gobanimadii
ay haleeyeen 1960 kii,waxaanu ururkii SNM ee gundhiga u ahaa
halgankii gobanimo doonku maamulkii dalka si sharafleh ugu
wareejiyeen gacmaha shacabkii ay xornimadiisa mudda dheer u soo
dagaalamayeen ee ay duurka ugu jireen.
Ururkaas SNM oo ay mujaahdiin badani isaga kala dambeeyey
hogaamintiisa, iyada oo uu guddoomiyihii ugu mudada sheeraa uu ahaa
Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ururkii SNM waxa uu ahaa
jabhad aan la mid ahayn jabhadihii kale ee ka dagaalamayey qaarada
Afrika, kuwaasi oo aanay ka suurtoobin in ay si dhib yar u
wareejiyaan awooda ay gacanta ku dhigeen, ilaa iyo inta la helayo
jabhad kale oo awooda kala wareegta.
SNM, waxay ahayd jabhad ay saldhig u ahayd himilooyinka shacabka ay
u dagaalamayeen, waxayna markii ay guulaysteen awoodii gacanta u
galiyeen dadkii rayidka ahaa ee ay xornimadooda u dagaalamayeen,
intaa ka dibna waxa dhidibada loo taagay dalka Somaliland oo noqday
geed lagu beeray dhiiga geesiyaal badan oo maalinba maalinta ka
dambaysa ka soo korayey dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda,
waxbarashada, caafimaadka iwm, waxaana soo maray madaxwaynayaal kala
duwan oo iskaga dambeeyey talada dalka.
Waxaana dalka ka hirgalay nidaamka ku dhaqanka dimuquraadiyada oo uu
aasaasay Alle ha u naxariistee madaxwaynihii 2aad ee Somaliland
marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, balse nasiib daro muu noqon mid
dhamaystira dhabahaasi dimuraadiyadeed oo waxa ku yimi qadarkii
Illaahay, wuxuuna dasrtuurkii dalku dhaxalkii kursiga ku wareejiyey
ku-xigeenkiisii oo ah madaxweynaha hada Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Hadaba waxay iswaydiintu tahay Daahir Rayaale ma noqday hogaamiye
hirgaliyey himilooyinkii ummada, mise
wuxuu noqday mid lagu hungoobay, si kastooy ahaataba Md.Rayaale
wuxuu qabtay majarihii laga hagayey masiirka ummadan mudooyinkii
hore ee xilkiisa, waxa uu barbarad ku ahaa nidaamka hogaamineed,
maadaama aanu ahayn siyaasi khibrad u leh hogaaminta iyo qaabka
maamulba, isaga oo hore u ahaan jiray nin ganacsade ah oo ka
shaqaysan jiray maandooriyaha qaadka, markii dambena noqday sarkaal
ka tirsan NSS-tii Siyaad Bare, waxaanu si dhibayar u soo fuulay
saaxada Siyaasada xiligii uu Marxuum Cigaal dalka ka talinay oo uu
ahaa badhasaabka gobolka Awdal, markii dambena noqday ,madaxweyne-ku-xigeenkiisii.
Waxaana Rayaale caqabad ku noqotay sidii uu ula macaamili lahaa
siyaasiyiintii mucaaradka oo iyagu ahaa xeeldheerayaashii siyaasadda,
isla markaana magac iyo taariikhba ku lahaa dalka, kana soo qayb
qaatay halgankii lagula soo noqday xoriyada, raggaasi waxay laf
dhuun gashay ku noqdeen siyaasadihii Rayaale maadaama oo xataa
bulshadu aanay aqoon u lahayn Rayaale, islamarkaana aanay garanayn
wuxuu galo iyo wuxuu gudo toona, waliba ay intaa u dheerayd tuhuno
lagaga shakisanaa inuu ka qayb qaatay xasuuqii loo gaystay shacabkan
uu haatan u taliyo.
Xilligii Rayaale, waxa dalka la soo darsay khilaafaad siyaasi ah iyo
murano dib-u-dhac badan ku keenay dalka, taasoo loo aaneeyo bilowgii
madaxtinimadiisa oo ay hadhaysay aqoon la’aani, balse waxaa markii
la filayey in ay soo dhamaanayso mushkiladii aqoon la’aantu la
falgalay Rayaale maskaxdiisa go’aanadiisa iyo siyaasadihiisiiba
xubno wasiiro ah oo awoodoodu ka dhex muuqatay tallaabooyinkii
Rayaale ku kacayey.
Waxaanay isu rogtay himiladii iyo hayaankii dadku mid ay xubnahaa
wasiirada ah iyo Rayaale ku
shuraakoobaan danaysi gaar ah, kaas oo salka ku haya aargoosi nin
waliba halkuu doonayey ula kacay.
siyaasiyiintii mucaaridka ayaa noqday kuwo ay kaga dhagtay dariiq
waa hore la laabay oo la iska indho tiray ku dhaqankii sharciga iyo
dastuurka dalka, dadwaynihii ayaa iyana ku jaha wareeray u
jeedooyinkan gaarka ah, goloyaashii baarlamaanka ayaa iyana noqday
kuwo aan geedna haysan, distoorkii qaranka ayaa isna noqday buug ay
ku taalo sheeko maad ah oo inta shaxamaysan laga qaato.
Jilayaasha filimkan musalsalka ahi waa xubnahaa wasiirada ah ee la
shaqeeya Rayaale. waxaana masrax laga dhigtay qalbiyadii shacabka,
hubka lagu hanjabaa wuxuu noqday nabad, cida lagu jeesjeesayaa ama
dheeldheelayaa waa siyaasiyiintii mucaaridka ee ku gaamuray
siyaasadda, waxaa lala kaashaday mooganaanta shacabka ma noqon kuwo
laga noqday ama hakad galay ujeedooyinkii Rayaale iyo wasiiradiisa
aadka ugu dhawdhaw, mucaaradkuna may dayn wado laga guuray
xaadhxaadhadkii khilaafaadkii iyo muranadiina waxay noqdeen kuwo ku
qaan gaadhay Somaliland, Taa badalkeedii waxaa baraarugay oo fiiro u
yeeshay is isyashadii siyaasiyiinta, shacabkii taasoo ay sabab u
ahayd dildilaac ku yimi siyaasado qarsoodi u ahaa Rayaale iyo
saaxiibadii, waxayna taasi kaliftay in dadkii masaakiinta ahaa ee
raadsan jiray qawtal daruurigoodu ay ku mashquulaan dhugashada waxa
dhacaya, akhrisashada jaraa’idka si ay xog uga helaan riwaayadan ee
dalka ka socota.
Umay kala hadhin bulshadu rag, dumar, dhalinyaro, iyo waayeel, waxaa
la soo daristay bulshadii inay u warwaraan aayahooda waxaa u baxay
sanqadho lagu damqayo dakharadii dagaaladii sokeeye, kuwaas oo ay
damqayaan siyaasiyiin dano gaara ka raadi nayaa Ta qudha ee la is
waydiinayaa waa halkay caga dhigandoontaa diyaaradu Halkee ayuu ku
dambayn doonaa SAL DHIGI WAAGA SIYAASADDA IYO SOOMAL-HAADKA UMMADDU.
Waa jawaab wakhtiga u taal.
Muuna
Casayr
Suxufiyad ka
tirsan TVga SLSC
iyo Idaacadda Radio Horyaal
Hargeysa Somaliland |
|