Saladiinta, Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beelaha Ciida-Gale Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay Hadii Si Deg-Deg Ah Loosii Dayn Waayo Boqor Raabi In Ay Talaabo Qaadi Doonaan.
 


Baaqan Ay Odayaashu U Direen Xukuumada Somaliland Ayay Ku Sheegeen Maadaama Oo .....


Hargeysa(TNN)- Shir Jaraa’id Oo Ay Cuqasha Iyo Salaadiinta Beesha Ciidagale Ku Qabteen Hot el Dalxiis Magaalada Hargeysa Ayaa Xukuunada Somaliland Ay Ugu Baaqeen Inay Si D eg Dega Usii Daayaan Boqor Raabi Yuusuf C/Laahi Oo Kamida Boqorada Reer Somaliland Oo Dhawaan Kayimid Xamar Kaasoo Ay Xukuumada Somaliland Dhawaan Xabsiga U Taxaabt ey.

Baaqan Ay Odayaashu U Direen Xukuumada Somaliland Ayay Ku Sheegeen Maadaama Oo Uu Bo qorku Yahay Nin Sumcad Iyo Karaamo Ka Mudan Bulsho Weynta Somaliland In Hadii Baashiisa Ay Tahayna Waajib Qaran Tahay, In Labaadho Qofkiii Ay Kashakiyaan Hase Yees hee Ay Ka Xun Yihiin Xadhiga Lagula Kacay Boqorka Oo Aan Ilaa Iyo Hadda Wax Maxkama da La Hor Gaynin.

Sidoo Kalena Waxay Salaadinta Iyo Cuqaashu Baaq U Direen Xukuumada Somaliland Iyo Cid da Ay Khuseyso In Si Deg-Deg Ah Boqorka Xoriyadiisa Loogu Soo Celiyo Hadii Wax Dambi Ah Lagu Hayana Sida Ugu Dhaqsaha Badan Loo Horgeeyo Sharciga Iyo Maxakamada Oo Ay Gole Joog U Noqdaan.

Dhinaca Kele Waxa Ay Salaadiintani Sheegeen In Ay Ka Xun Yihiin Wax Ay Ku Tilaameen Xa dhiga Macno Darro Ah Oo Ilaa Hadda Boqorku U Xidhan Yahay Baadhis Kaliya, Isla Markaan Ay Ula Dhaqameen Si Ka Baxsan Dadnimada Iyo Sidii Loola Dhaqmi Jira Qof Masuul Ka Ah Qayb Ka Mida Bulshada.

Salaadiinta Iyo Cuqaashan Waxa Ay Hoosta Ka Xariiqeen In Haddi Boqor Raabi C/Laahi Oo Ah Nin Boqor Ah Isla Markaana Aan Ilaa Hadda Laga Qaadin Mansabkii Uu Lahaa Beeshiisa, In Xuku umdu Ay Si Deg-Deg Ahtallaabo Uga Qaaddo Arinta Boqorkaas, Haddii Kalena Ay Ka Dhalan Doo nto Cawaaqib Xummo Aan Dan U Ahyn Qaranka Dadka Iyo Dalka Midnaba, Kaas Oo Ay Masuul Ka Noqon Doonto Xukuumada Somaliland.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland