Salaadiinta Somaliland oo go’aamisay in uu  Madaxwey ne Siilaanyo jawaabo cad cad ka bixiyo 16 kii Eedood ee Golaha Bad baadadu u soo jeediyay
 


Hargeysa (TNN):- Kulan Caawa ugu soo gabagaboobay Salaadiinta Somaliland oo tiradoodu gaadhayso toddabaatan Suldaan oo maal mahanba kulamo ay ku dhex dhexaadinayeen Xu kuumadda iyo Golaha Badbaadada Qaranka ioyo wadatashigu uga socdeen Hotelka Amb as sador,ayay ku go’aamiyeen in Madaxweyne Siilaanyo meel saaro, isla markaana ka jawaab o lix iyo tobankii qoddob ee Eedaha ahaa ee ay Xukuumaddiisa u soo jeediyeen.

Guddidu waxa ay u saareen shan Suldaan in ay Madaxweyne Siilaanyo ka soo qabtaan bal an si Golaha Salaadiinta iyo Madaxweynuhu isklu waajahaan isla markaana u weydiiyaan qoddobada ay Golaha Wadatashigu soo jeediyeen, kuwaas oo ay salaadiintu isla qaateen in ay yihiin qoddobo loo baahan yahay in Ummadda laga bogsiiyo, maadaama duruufo adag oo cabsi ahi ay jiraan.

Golaha Salaadiinta ee hawshan waday waxa ay ku guddoonsadeen in Golaha wadatashigu aqbalay Ergadoodii isla markaana ay ka tanaasuleen dhamaan wixii ay Xukuumaddu ka sastay, iyagoo Salaadiinta talo saartay.

Guddida shanta Suldaan ah ee Caawa loo saaray Madaxweyne Siilaanyo inay balan ka soo qabtaan ayaa laga war-sugayaa jawaabta ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka keenaan.

 

Source :Waaheen