Salaadiinta G.Awdal oo Tilmaamay inaanay Ash-khaas gaar ahi Masuul ka noqon karin shacabka reer Awdal

 

Xubno ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal ayaa markii u horeysay faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay Diiwaangelinta gobolka Awdal u dhacday iyo tabashooyinkii ay shacbiga reer Awdal ka muujiyeen hanaankii loo diiwaangeliyay. sidoo kale salaadiinta ayaa tibaaxo ka bixiyay hadalo qaadacaad ah oo dhawaan ka soo yeedhay shakhsiyaad ka tirsan gobolka Awdal. iyagoo sheegay in Salaadiinta Gobolka oo kali ahi meteli karaan shacabka ay wakiilka kayihiin balse aan ash-khaas dano gaara lihi ku marmarsoon karin Gobolka.

Xubnahan Salaadiinta ah ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Hotelka Crown ee magaalada HArgeysa, Salaadiintan ooo kala ahaa Suld. Xasan Xaddi Axmed, Suld. Cabdiraxmaan JAamac Dhawal iyo Suld Ibraahim Suld. Jaamac Samatar, ugu horeyn Suld Xasan Xaddi Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Diiwaangelinta dalka ka dhacday ahayd arrin horumar ah oo ay Somaliland ku tallaabsatay, Balse loo baahan yahay in wixii Tabashooyina ee Jira la isaga Garaabo.

Waxaanu Xusay in ay jiraan god-daloolooyin farobadan oo ka dhacay Markii ay diiwaangelintu ka socotay iyo iyo did u dhacyo keenay inay 61 goobood ay diiwaangelintu maalintii seddexaad ka bilaabanto isla markaana ay isku khaldameen Computeradii goobahaasi taasi oo ay keentay in dadka ay ka luntao fursaddii ay isku diiwaangellin lahaayeen.

Waxaami intaas ku daray inay komishanka u soo gudbiyeen Cabashooyinkaasi kalana hadleen isla markaana ay ka codsadeen komishanka in 15-ka cisho ee danbe loo kordhiyo Teamamka diiwaangelinta ee ka hawl geli doona gobolka Awdal taasi oo Suldaanku sheegay in Komishankuna ka aqbalay ugana garaabay Codsigoodaasi.

Suld. Ibraahim Suld. Jaamac Samatar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga hadlay Qiimaha ay diiwaangelintu ugu fadhido guud ahaanba shacbiga Somaliland isla markaana loo baahan yahay in laga hortago wax kasta oo ceeb ku keeni karta ahmiyadda ay diiwaangelintu u leedahay dalka Somaliland.

Suld. Ibraahim Jaamac Samatar oo ka hadlaya qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Awdal oo dhawaan warbaahinta ku sheegay in shacbiga gobolka Awdal ay qaadaceen diiwaangelinta isla markaana aany ka qayb geli doonin doorashooyinka soo socda, inay yihiin dad iska hadlay oo aanay masuul ka ahay Shacbiga reer Awdal.

waxana Suld. Ibraahim intaa ku daray inaanay salaaladiinta mooyaane cid kale ku hadli karin kana wakiil noqon karin afka shacabka gobolka Awdal, isaga oo xusay in magaca Somaliland yahay lama taabtaan waxna aana loogu marmarsoon karin.


 

 

 


Qarannews