Salaadiinta Beesha Subeer Awal oo hadhimo-sharafeed maanta ku maamuusay odayaal Reer Buuhoodle ah oo Hargeysa Ku Sugan + SAWIRRO
 


Hargeysa (TNN):-Salaadiinta iyo Waxgaradka Beesha Subeer Awal, ayaa Maanta Hadhimo-sharafeed ku Maa musay Odayaal kasoo jeeda Gobolka Buuhoodle oo beryahanba Hargeysa Ku Sugnaa, kuwaas oo arrimo nada daynta Deegaankaas ah la xidhiiidha Halkan u jooga.

Hadhimado-sharafeeddan oo lagu qabtay Hutel Summer Time ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa si gaar ah usoo abaabulay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Calbidlaahi Suldaan Cabdirax maan Suldaan Diiriye oo ay Weheliyaan Xubno katirsan Salaadiinta iyo waxgaradka Beeshaas.

Hadhimadan, ayaa waxa dhinaca Odayaasha Deegaanka Buuheedle ku wehelinayey Xubno kamid ah Golaha W asiirrada, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale, waxana halkaas la isku weydaarsaday Weedho isbarasho iyo kafta n ahaa, iyadoo madashana ay farxaddu hadhaysay.

Xubnaha Waftiga Odayaasha ah ee Reer Buuhoodle, ayaa in muddo ah Magaalada Hargeysa ku Sugnaa, waxa na hadhimo-sharafeeddani tahay mid Beesha Subeer ku muujinayso Walaaltinimada iyo Jacaylka ay u hayso Walaahadooda reer Buuhoodle.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, ayaa Odayaasha iyo Xubnaha kale ee Reer Buuhoodle u muujiyey Farxadda uu u hayo, isla-markaana Dareensiiyey in soo dhaw eyntooda iyo la kulankooduba muhiim u yihiin.

Sidoo kale Odayaasha iyo Waxgaradka Reer Buuhoodle, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin casuumadd a loo sameeyey iyo jacaylka loogu hayo Hargeysa oo muddadii ay joogeen loogala dhaqmay si maamuus leh, i ndhahoodana soo jiidatay.

Suldaan Xasan, ayaa Hadhimadaas kadib Odayaasha iyo Waxgaradka Reer Buuhoodle u kexeeyey fadhi ballaa dhan oo uu Aqalkiisa kula leeyahay maanta, waxana la filayaa inay Halkaas isku xog waraysan doonaan.

Odayaasha Reer Buuhoodle, ayaa Beesha Subeer Awal kala kulmay Hadhimo-sharafeeddii ugu horraysay tan iyo intii ay Hargeysa yimaadeeen, waxana la filayaa inay Beelaha kale ee Reer Somaliland maalmaha soo socd a sidan oo kale casuumado ugu samayn doonaan.

Source: Hubaal