Salaadiinta Beelaha Subeer Awal oo war saxaafadeed ka soo saaray Hir gelinta warshada Sibidhka Berbera



 

“Saddexdii bilood ee u dambeeyey Salaadiinta beesha Subeer Awal waxay yeesheen kulamo iyo sh irar is-joog ah oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa muranka daba dheeraaday ee ka taagnaa dh ismaha warshadda Sibidhka ee Berbera. Shirarkaas oo uu guddoominayey Suldaa nka guud ee Bee laha Subeer Awdal.

Salaadiintu iyaga oo ka duulaya in warshad Sibidh laga hirgeliyo Berbera waxay ka haw lgaleen in la isku soo jiido labada dhinac, lana mideeyo muruqa, maalka iyo maskaxda, waxay ku dhaqaaqeen tallaabooyinka hoos ku qoran;

Waxay kalsooni waydiiyeen labada dhinac ee khilaafku ku dhexjiray ee ah Berbera Cement Com pany iyo Saaxil Cement Factory, iyagoo labada dhinacba siiyeen kalsooni, isla markaana caddeeye en inay aqbalayaan go’aanka Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal iyo Guddi uu Guddoominayo ay soo gaadhaan.

Salaadiintu waxay ku wargeliyeen dawladda Somaliland inay dhexdhexaadintaas gelayaan, kalso onidana haystaan, taas oo dawladduna ku dhiirigelisay inay xal-u-raadiyaan khilaafka warshadda Sibidhka.

Salaadiintu iyagoo xog urursanaya waxay kulamo gooni gooni ah la yeesheen waxgaradka, aqoo nyahanka iyo ganacsatada Somaliland oo ay ka mid yihiin guddiyo hore isugu xilqaamay inay khilaaf kaas xal ka gaadhaan.

Salaadiintu waxa kale oo ay la kulmeen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyey, iyagoo si gaargaar ah ula kulmay ganacsatada labada dhinac ka kala socda (Berbera Cement Company iyo Saaxil Cem ent Factory)

Salaadiintu waxay labada dhinac u soo jeediyeen in muruqa, maalka iyo maskadaba meel la isugu geeyo, lana dhiso warshad keliya oo cusub oo weyn oo casri ah, taas oo sida wax loo wada yeelan ayana ay salaadiintu u soo bandhigeen labada dhinacba.

Nasiib-darro waxa genafka ku dhuftay go’aanka salaadiinta, isla markaana si cad u diiday dhinac a Berbera Cement Company, halka dhinaca Saaxil Cement Factory ay soo dhaweeyeen isla markaa na ay aqbaleen go’aanka Salaadiinta.

Salaadiinta Beesha Subeer Awdal markay u caddaatay in warshadda Sibidhka ee Saaxil Cement Factory ay ka mid yihiin qaar badan oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland.

Salaadiintu iyaga oo ka duulaya mabaadi’da wadahadal, wax-wada qabsi iyo iskaashiga ay ku so o caano-maashay bulshada reer Somaliland.

Iyagoo tixgelinaya waajibaadka iyo masuuliyadda waddanimo ee faraysa in dhaqaalaha dalka iyo khayraadkiisaba laga wada qaybqaato, lagana ilaaliyo wax kasta oo dhabar-jebin ku ah horumarka dhaqaale ee Somaliland.

Iyagoo tixgelinaya baahida waddanka iyo gaar ahaan ta magaalada Berbera u qabto mashaariic da noocan oo kale.

Iyagoo maskaxda ku haya shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo sida mashruucan oo kale wax weyn uga tarayo shaqo la’aanta ka taagan dalkeena iyo ta degaanka Berberaba.


Iyada oo la baajinayo lacagta adag ee inagaga baxda Sibidhka dibadda laga keeno oo shacabka ku joogga qiimo qaali ah.



Salaadiintu waxay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran;



1. Waxaannu u soo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in sida ugu dhakhsaha badan ugu fududay so hirgelinta dhismaha warshadda cusub ee sibidhka ee shirkadda Saaxil Cement Factory ay doona yso inay ka hirgeliso deegaanka Gobolka Saaxil.

2. Waxa kale oo aannu xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa inay shirkadda Berbera Cement Company ay xor yihiin inay dhisan karaan warshadoodii sibidhka, isla markaana ay dawladdu u fud udayso wixii hawl ah ee kaga xidhan.

3. Waxa kale oo u bannaan labada shirkadood inay midoobi karaan haddii ay dan u arkaan.

4. Waxaannu shacabka reer Somaliland gaar ahaan shacabka Gobolka Saaxil u soo jeedinaynaa, ku na baraarujinaynaa inay soo dhaweeyaan cid kasta oo maalgaashi ku samaynaysa dalka Jamhuuri yadda Somaliland iyo Gobolka Saaxil, isna garab-taagaan.

5. Waxa kale oo aannu u soo jeedinaynaa ganacsatada iyo muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somalila nd ee gudo iyo dibadba ee danaynaya maalgashiga warshadda Sibidhka inay wax la qabsadaan la bada shirkadood hadba kii ay door bidaan ama dantooda u arkaan.



Magacyada Salaadiinta Subeer Awal ee go’aankan saxeexay;



1. Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan
2. Suldaan Cismaan Suldaan Kooshin oo ah suldaanka guud ee beesha Ciise Muuse.
3. Suldaan Axmed Nuur Cabdillaahi Samaale.
4. Boqor Xasan Maxamed Siciid.
5. Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur
6. Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule
7. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
8. Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Maxamed
9. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle
10. Suldaan Maxamed Daahir Cilmi
11. Suldaan Cali Saleebaan Maxamed
12. Suldaan Xiis Bare Yuusuf
13. Suldaan Mawliid Cali Ibraahim
14. Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday
15. Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin
16. Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan
17. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi Baxar