Salaadiin
Iyo Ganacsatadii Ka Hawlgashay Soo Daynta Markabkii Shidaalka, Oo
Xukumada Somaliland Iyo Ganacsataba Ugu Baaqay In La Sameeyo Ciidan
Xoogan Oo La Dagaalama Budhcad Badeed.
Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxman
Hargeysa (TNN)-Salaadiin iyo
Ganacsatadii ka hawlgashay sidii loo soo dayn laha markabkii lagu
Afduubay Xeebaha Dalka Cuman ayaa u mahadceliyey Xukumada Somaliland
iyo Maamulka Puntland oo ay sheegen in ay kala qayb-qaateen soo d
aynta markabkaasi oo somaliland u siday Shiiddaal, waxanu markabku u
afduubna qaar ka mid ah Budhcadbadeeda Soma li ah, waxayna sheegay
in aanay wax Madaxfurasho ah aanay sinin Budhcadbadeed.
Waxayna ka digeen Cawaaqib xumad ka dhalan karta hawlgalada
budhcadbadeedu ku afdubnayso maraakibta ku soo je eda Somaliland ee
u raran ganacsatada Somaliland, waxayna Xukumada Somaliland iyo
Ganacsatadba ugu baaqeen in la sameeyo Ciidan Baddeed oo ka Difaaca
Budhcadbadeeda Maraakiibta iyo Doonyaha gacansiga u wada
somaliland.waxayn a sidaasi ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen
Hotel Emperial ee Magalada hargeysa.
Waxana shirkaasi jaraa’id ka hadlay Suldaan Maxmuud Guleed Mire,
Suldaan Maxamed Maxamud Xandule, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan
Ismaciil Suldaan C/raxman, Suldaan Maxamud Xassan Ibraahin,, Xassan
Cabdi Sallan, Chief Caaqil C/wali Maxamud Faarax, C/raxman Koosar,
Axmed Siciid Amare , Xussen Aadan Cabdi.
Suldaan Maxamed Maxmuud Xandule oo ugu horeyn hadlay ayaa yidhi
“Meeshan layno galay waa meel halbowle ah, wax aynu u baahanahay in
si foojigan wax looga qabto haddii ay tahay xukumada Somaliland,
shacabkeeda iyo Maamulka Pu ntlandba waa in laska garabsadaa
cadawgaa Budhcadbadeeda ah, ayaanu ku talinaynaa waayo waa meeshi ay
inoo soo marayeen ganacsigeena ka imanaya dalalka carabta iyo
caalamkaba”Ayuu yidhi Suldaanku.
Guddomiyaha Shirkada Shidaalka ee Read See Xassan Cabdi Salaan ayaa
u mahad celiyey Cid kasta oo ka qayb qadatay soo daynta markabkasi
sida salaadiinta, gacastada iyo masuuliyiinta Puntland waxanu yidhi
“Waxaanu mahad naq balaa dhan u soo jeedinaynaa cid kasta oo nala
hawlgashay meel kasta oo ay joogan haddii ay somaliland joogan iyo
haddii ay Puntland ay joogan, waxa laga yaaba in aanu mahadnaqayga u
badinay dhinca Puntland lakiin reer Somaliland dee waa meeshii aanu
ka soo jeednay oo iyaga laftigoodu way ka damqanayeen dhibta nagu
dhacay, waxase illahay mahadi ah in Markabkii Shiidaalka inoo siday
ee ay budhcadbadeedu afdubteen 14July soo dayeen 27July,
Budhcadbadeedu waa cad dhab ah, oo mijaro habaabay”ayuu yidhi Xassan
Cabdi
Suldaan Maxmud Guleed Mire ooisaguna shirkaasi jara’iid ka hadlay
waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu faahfah in ka bixino
Hawashii aanu ka hawlgalanay ee anu Puntland u tagnay ee ahayd
falkii budhcadbadeedu ku afduubeen mar kabkii Shidaalka u siday
somaliland ee lagu afduubay xeebaha dalka Cumaan, ee ay lahayd
shirkada Bad Cas, runtii markii aanu garoowe ka dagnay aad ayaa
lanoogu soo dhaweyay oo madaxtooyada Puntland ayaa si fiican noo soo
dhaway say.”Ayuu yidhi
Waxanu intaasi raciyey “Waxaan Dawlada Somaliland iyo Maamulka
Puntland u soo jeedinaynaa in layska kaashado Difa acid Xeebaheena
si looga difaaco Budhcad badeeda oo ugaadhsanyasa maraakiibta iyo
Doonyaha inoo sida Adeegyadee na kala duwan, waxanu u arganaa in
arinkaaasi yahay mid muhiim oo gacmaha lasqabsado si looga ilaaliyo
xeebaheen budhacadbadeeda, haddii aynu dadaalkaasi gali wayno wax
inagu dhici doono wixii maalintii dhawayd inagu dhacay.”Ayu u yidhi
Suldaan Maxamud Guleed Mire.
Chief Caaqil C/Wali Maxamud Faarax ayaa ka dayriyey Hawlgalka ay
samaynayaan Budhcad badeeda iyo Awodooda sii x oogaysanaysa, Waxanu
Xukumada Somaliland iyo Ganacsatadaba ugu baaqay in la sameeyo Awood
lagaga hortago Bud hcadbadeeda “Dawladeena Somaliland waxaanu u soo
jeedinaynaa in ay samayso qorshe cad oo lagaga hortagayo Budh cad
badeed, waayo Qoladan budhcadbadeeda waxaad la yaabaysaa sida ay u
dhisan tahay sida ay u hubaysan yihiin, si da ay u helayaan
isgaadhsiinta, runtii waxaanan ogayn ayaanu soo aragnay, marka
shacabka reer Somaliland ganacsata da iyo dawladaba in ay iska
kashadaan sidii loo samayn lahaa wixii lagula dagaalami lahaa
budhcadbadeeda, Waayo nim an hadal ku tagay ma ah, niman baryo wax
kugu siinayana ma ah, waxaan mar labaad soo jeedinayaa in Xukumada
soma liland iyo ganacsataduba ay diyaariyaan gadiid badeed iyo
ciidan hubaysan oo lagula dagaalo budhcadbadeeda, Haddii laga
hortagi waayo Dhibta ay wadaan budhcadbadeedu, cawaaaqib xumo ayey
inagu yelandoonta, oo wax kasta oo inoo soo daga badda ayuu noo soo
maraa marka waa in aynu ilaashanaa” Ayuu yidhi Chief Caaqil C/Wali
Maxamud Faarax
Source:Waaheen
|