Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Dalka China Oo Ku Biiray Urur Siyaasadeedka Wadani

 

 


Waxa kale uu sheegay in uu ku rejo weyn yahay in murashaxa xisbiga UDUB Cali Maxamed Wara n-cade oo ay rafiiq ahaayeen muddo......


Hargeysa (TNN) –Safriikii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka China Axmed Xasan Cigaal ayaa shaaca ka qaaday in uu ka baxay xisbiga UDUB oo uu ka tirsanaa muddo dheer, isla markaana uu si rasmi ah ugu biiray urur siyaasadeedka WADDANI.

Danjire Axmed Xasan Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel-ka Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka mid noqdo ururka WADDANI, ka dib markii uu burburay xisbigii uu ka tirsanaa.

Waxa uu sheegay ururka uu ka mid noqday aanuu ku dhisnayn nidaam qabyaaladeed , isla marka ana uu dalka u hogaamin karo si cadaalad ah.


“Aniga oo ah Axmed Xasan Cigaal , kana tirsanaa xisbiga UDUB muddo dheer, waxa aan muddo bu rburkii ku dhacay xisbiga UDUB ee aan eegayay ururada Somaliland iyo axsaabtii hore ee Qaranka , intaanaa aan u eegayay keebaa danta dalka , dalka iyo maslaxada gooni isu taaga Somaliland khayr u leh , markii aan odorasay ee aan barnaamijkooda akhriyay , waxa ay ila noqotay ururka hadda halganka ku jira ee WADDANIGA la yidhaahdo in aan ku biiro ayaan go’aansaday”ayuu yid hi Axmed Xasan Cigaal.

Waxa kale uu sheegay in uu ku rejo weyn yahay in murashaxa xisbiga UDUB Cali Maxamed Wara n-cade oo ay rafiiq ahaayeen muddo dheer in uu ku biro ururka WADDANI.

“Marka ay arrini dhacdo dadku wuu kala jaan fudud yahay , waxa aan umalaynayaa dagaal dhaca y baaba la kala jaan fudud yahee nina uu hore u gala nina jilibka meel ku soo aastaa , in uu nagu soo biro ayaanu Ilaahay ka rejaynayaa”

 

 


Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland