Sadiq Khan oo mar kale loo doortay Maayirka magaalada London

 


London (TNN): -Duqa magaalada London Sadiq Khan oo ahaa musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ayaa mar kale la doortay, ka dib tartan adag ee uu la galay Shaun Bailey oo ka socday xisbiga talada haya ee Conservativeka.

Khan oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee madax ka noqda magaalo madax weyn oo dal reer Galbe ed ah ayaa ku guuleystay 55.2% tirada codadka guud ee doorashada, halka 44.8% uu helay Bailey.

“Waxaan si qoto dheer u ixtiraamayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen inaan sii wado hoggaa minta magaalada ugu weyn dunida” ayuu yidhi Sadiq Khan oo sheegay inuu diiradda saari doono olol aha shaqo abuurista magaalada ay ku nool yihiin in ka badan sagaal milyan oo qof.

Khan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee sida weyn u dhaleeceyay ka bixitaan kii Ingiriiska ee Midowga Yurub ee Brexit iyo Raysal Wasaareyaashii xisbiga talada hadaya ee Boris Johnson, Teresa May iyo David Cameron, iyadoo sidoo kale ay Khan foodda is dareen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Sadiq Khan iyo Trump waxaa dhex maray dagaal adag oo dhanka hadalka ah, kaddib markii Khan uu dhaliilay xayiraaddii muranka badan dhaliysay ee Trump uu saaray dalal ka soo jeeda dunida Muslim ka.