SADEXDA XISBI QARAN IYO
KOMISHANKA OO KALA SAXEEXDAY HESHIIS

Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga
Doorashooyinka, ka dib wada hadaladii u soo taxnaa 16-kii ilaa 26-ka
May 2009, ee lagaga baaraandegay sidii la iskula meel dhigi lahaa
heshiisna looga gaadhi lahaa diyaargarowga Doorashada Madaxtooyada:
Iyagoo xeerinaya, muhiimadda ay leedahay in la gaadho
heshiis-wadareed saldhig adag u noqda geeddi-socodka doorashada
madaxtooyada.
Iyagoo tixgelinaya:
In dadka reer Somaliland xaq u leeyihiin in loo qabto doorasho xor
ah oo xalaal ah oo aan mad-madow lahayn.
Inay lagama maarmaan tahay maadaama waqtigu is-gurayo in laysu
tanaasulo, si looga midho dhaliyo Doorashada Madaxtooyada.
Markii la falanqeeyay:
Baaxadda ay leedahay u diyaargarowga farsamada-hawleed ee doorashada
madaxtooyadu.
Waxay gaadheen heshiiskan:
in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto waqtiga loo muddeeyey ee
27/9/2009 ee u dhiganta 8da Shuwaal 1430 Hijriyada, haddii Alle idmo.
Heshiiska Seerfarka ee saddexda Xisbi Qaran:
Saddexda xisbi waxay isku raaceen baahida loo qabo in la soo saaro
liiska codbixiyeyaasha rasmiga ah ee u fasaxaya in muwaadinku ka
codayn karo goobto codbixineed ee magaciisu ku soo baxo.
Xisbiyadu waxay taageerayaan liiska codbixiyaasha ee kama danbaysta
ah haddii shuruudaha soo socdaa fulaan:
2.1 In liiska codbixiyayaashu soo baxo ka hor 27 Julay, 2009 oo ah
taariikhdii ay u qabatay soo saarista liiska Guddidii
Dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed, Madaxweynaha JSL iyo
labada Guddoomiye xisbi-mucaaridna la aqbaleen.
2.2 In Guddiga Farsamada Diiwaangelintu ay si buuxda u gudato
shaqadooda la xidhiidha habaynta liisaska codbixiyeyaasha sida uu
qeexayo Xeer No. 37/2007 qoddobkiisa 36.2 ee Diiwaangelinta
codbiyeyaasha.
2.3 In qaabka (Parameters) sharaxaya ama macnaynaya diiwaangelinta
ansaxday laysla eego si wada-tashi-ahna (Consesnsus) ugu heshiiyaan
Guddida farsamo ee diiwaangleinta codbixiyeyaasha oo dhami, sida uu
farayo xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha qodobkiisa 36.2 iyo
kaabista qodobka 11 ee isla sharciga iyo xeer-dhaqameedka Axsaabta
Siyaasadda ee Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Ref/KDQ/XK/650/09 ee
10/02/2009, si wadajir ahna ay Guddida farsamo natiijada u soo
saxeexdo.
2.4 Inay natiijadu tahay mid lagu qanco karo, inay codbixiyeyaasha
si aan kala sooc lahayn u siinaysa xuquuqdooda codbixineed sida uu
jideynayo qodobka 6.4 ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo
Madaxtooyada ee Xeer Lr. 20/2001.
2.5 Marka u soo saaro "Sever-ku" liiska codbixiyeyaasha ee
ku-meel-gaadhka ah saddexda xisbi qaran waxay heli doonaan wakhti
aan ka badnayn toddoba maalmood oo ay kaga bogtaan liiska
codbixiyeyaasha, waxaanay hubinayaan in qaabkii hore laysugu raacay
la fuliyey. Xisbi kastaa wuxuu ku soo gudbin doonaa qoraal inuu
aqbalay liiska codbixiyeyaasha ee kama dambaysta ah, iyadoo go’aanka
ansixinta rasmiga ahna uu soo saari doono GDQ.
In Guddiga doorashooyinka muddo toban maalmood gudahood ah ku soo
diyaariyaan qorshaha hawsha doorashada madaxtooyada oo muddaysan
(Presidential Elections Time line si loola socdo kolba hawsha shaqo
ee doorashadu halka ay marayso.
Iyadoo la qadarinayo Bisha Barakaysan ee Ramadaam waa in ololaha
doorashada madaxtooyada ee 2009 bilaabmaa lixdan maalmood ka hor
maalinta codbixinta, dhammaadaana 48 saacadood ka hor maalinta
codbixinta. Arrintaa waa in la waafajiyo xeer.
Waa in saddexda Xisbi iyo Guddiga Doorashooyinku, ay soo diyaariyaan
heshiiska hab-dhaqanka ee anshaxa doorashada madaxtooyada (Code of
Conduct), waana in lagu dhamaystiraa afar toddobaad gudahood, marka
heshiishkan la saxeexo.
Meelaha ay ku jiraan gol-daloolooyinka sharci ee xeer 20/2001
qaybtiisa doorashada Madaxtooyada iyo Xeerka Diiwaangelinta 37/2007
waa in la isku waafajiyo lifaaq xeer lana mariyo ansixinta hay’adaha
sharci dejineed.
In saddexda xisbi qaran ee ka qaybgelaya doorashada madaxtooyada
laga siiyo warbaahinta qaranka xilli isku mid ah (air time) iyo
wakhti ku filan mar kasta sida Raadyowga Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo
Wargeysyada.
Guddiga kormeerka iyo daba-galka Doorashooyinka Madaxtooyada waa in
la xoojiyo awooddooda shaqo, gaar ahaan si ay u sugaan in dhammaan
lagu dhaqmo shuruucda dalka u yaala iyo ku dhaqanka xeerka
hab-dhaqanka anshaxa doorashooyinka (Election code of conduct).
Xisbiga UCID
Aadan Mire Waqaf
Guddoomiye ku xigeenka 1aad
Xisbiga KULMIYE
Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud
Xisbiga UDUB
Jaamac Yaasiin Faarax
Xoghayaha Guud
Guddiga Doorashooyinka
Jaamac Maxamuud Cumar Guddoomiye".
|