Sadex qodob buu Muj Cali Gurey ku hanjabayaa ee dhaha fur iyo indhaha ba furo

 


Baryahan ba waxad mooda shabakadihii, saxaafadii iyo warbaahintii ba iney isku dhalan  rog tey qolkii Paltalk o kale, waxad is odhaneysa habkii axsaabta badneyd iyo dawladnimadii ba dib baa looga noqdey o waxa maanta laga doorbideya in habkii qabiiliga ahaa dib loogu noqdo  isl amarkan la isugu jawaabo hab qabiil, runtii waxan islaha o an u heystey in siyaasi kaste o xisbi ka tirsan waxa lagu xisbaatami doona wixi wanaaga ah ama xumaan ah ee u sameyo xisbiga u ka tirsan yahay, laakin maanta waxad mooda in loo raaceyo reerkii u ka yimid ama u ka  dhas hey,tasina waa nasiib daro, taasina waxey markhaati ka noqoneysa in aney waxba ka jirin  qa ranimadii iyo axsaabtan eynu ku daalney ee aynu sheeganeyno.

Haddaba an bal dib ugu yara noqdo nuxurka qoraalkeygan o an aheyn jawaab an cid ku  maag ayo, runtii dhawr su'aalood baan is weydiiyey markii an arkey dhawr qoraal o lagu  aflagaadey nayao beel weynta H/awal, waxan isweydiiya muj Ali Gurey goorma eyuu noqdey afhayeenkii Habarawal, qoraaladii baan haddan si dhex dabaashey o waxan ogaadey inuu wali yahay  afha yeenkii xisbiga qaran ee UDUB, haddan waxan isidhi waar reerkiini ma waxey ku wada biireen UDUB oo adoo kaliya eyaa cidla taagan, taasina way i muuqan weydey o waxan ogaadey in  w ali reerkii Habarawal qeybsan yahay o ey sadexdii xisbi ba ka tirsan yihiin, cajiib

waxa haddan i cuntami weyday sababta mjka Cali Gurey si toos ah loogu jawaabi waayay  is aga iyo xisbiga u afhayeenka u yahay ee UDUB islamarkan loogu badhiidhi ee loo miciinsadey in beeshii u ka dhashey ee anu magaceed iyo afkeeda toona ku hadaleen loo aflaadeynayo, run tii waxan u arkey qoraaladaasi iyo jawaabahaasi qaaran wali ka turjumeyn ama an ku socon mujka Cali Gurey, inta badani waxey ku socdan uun sida dadbadan aaminsan yihiin xanuun  ho re u jirey oo reerka lagu maagayo uun waayo ninka maanta Cali Gurey dooneya inuu u  jawaa bo muu abaareen reerkiisa ee isaga eyuu toos u raadsan lahaa iyo xisbiga u afkiisa ku  hadala yo, laakin jawaabahan la bixineya waa nooc xanuunada ka mid ah.

Haddaba an saxo dhamaan intii u soo jawaabtey ee an wali helin jawaabtii mujahidka ee wali garan la' sababta u mujku u hanjabayo waxey tahay, islamarkan farwaaweyn baan idinku  qor eya o an dooneya inaad si fiican u aakhristan intiina indha an si fiican waxbadan uga arag, ee ka bogo oo niyadaada u sheeg wa sadexdan qodob ee an hoosta kugu sheegi doone, hana  mi  iisan mar kale inaad aflagaadeyso beelweynta u ka dhashey ee karaamada iyo sharaft mudan

1 Raganimo u ilaahey u abuurey 2 Geesinimo ilaahey ku maneystey 3 Mas'uuliyada loo igmad ey ee ah inoo ku hadalo afka maamulka UDUB ee u ka tirsan yahay sadexdaasi qodobo ee an in farta waaweyn ku soo xardhey ayuu ku hanjabayaa muj Cali Gurey ee sadexdaasi qodob ha ku eekaato jawaabtiisu, ee ah noqonina kuwii odhan jirey AABO KA YAR IGA QABO O KA WEYN IGU SII DAA, si kale an idinku dhigo maaha inaad Cali Gurey ka soo waabatan o ad tidhaahdan waxaaba idinka fudud idinku kabanka meel sare ka garaaca oo reerkiisa maaga, waxa kaloo  af lagaadadiina ka mid aheyd inaad taariikho hore iyo wixi quufla laga soo gudubaney ad dib u s oo qodaan somalidu waxey tidhaahda DHIDAR XABAALO QODEY QUDHUUN BUU UGA  DHAADHA AC, taarikhaaha inta xikmada leh ee bushada wax u tirsey soo qora oo wixi an maanta  shacab keen ku wanaagsaneyn iska jiraAabahey ba GEEL LAHAN JIREY DAMEER BAAN LEEYA HAY BAA DHAANTA ANIGU, yan waxan jirn saxaafada iyo warbaahinta loo adegsan, runtiina waxa  qora alkan igu kalifey sida an wali loo helin jawaabtii mjka Cali Gurey ee maha mid an Cali Gurey ugu hiilneyo, ee waa mid an rabo in toos loo weerar o laga fogaado aflagaadada reernimo.

Waxa iyan lagamarmaan ah in waxyar ka idhaahdo hanjabadan iyo goolaftanka labada xisbi ee UDUB iyo Kulmiye, waxey mareyaan maanta oo ad la wada socotan labadii xisbi ee Kulmiye iyo UDUB heerkii ugu hooseya ee xisbi gaadho waad la wada socotan o xata maanta waxa ugu dan beya oo shakadaha lagu soo daabacey hadalado iyo weedho u saxaafada iyo tviga qaranka u siiyay afhayeenka UDUB mj Cali Gurey wuxu ku balan qaadey isla markan wacad ku marey inuu EY u soo xidhi doono astaanta Kulmiye islamarkan ku soo xardhi doono magaca gudoomiyaha kulmiye, horena waxa magaalada Wajaale uga dhacday dhacdo sidan o kale loo soo  adeegsa day Bisad loo soo xidhay astaanta xisbiga UDUB, maanta waa kan Cali Gurey ku goodiyaya inuu tii mid la mid ah sameyn doono, runtii waxa eyaan daro ah in maanta labadii xisbi qaran ee  UDUB iyo Kulmiye xaaladooda siyaasadeed ey heerkaasi mareyso in ey taageerayaal badani rajo ka qaban mustaqbalka, taaso an u arko in ey tahay nasiibdaro iyo cod meel khasaara ah inaga dhacaya, waxad arkeysa oo kale in ey qabyaaladii iyo ficiltankoodii maalin ba maalinta ka danbeysa cirka isku sii shareereyo, waxa haddaba aakhristow maanta inagu waajib ah in eynu ka duceysan labadaasi xisbi ee xayawaanka direyska u soo xidheya ee an waxba is dhaamin, ka doorbideya halkii ey maanta ummada waxa uga hormar iyo waxqabad uga sheegi la heyeen ey ku mashquulsan yihiin sidii BISADA IYO EY LOOGU SOO XIDHI LAHAA DIREYS KU XARDHAN UDUB IYO KULMIYE runtiina waa nasiib daro, haddaba waxaan odhan lahaa shacabka sharafta iyo karaamada mudan ee runtii ku jahawereer labadan xisbi qaran ee Kulmiye iyo UDUB

Miyeydaan dareemeyn inaad heystan xisbi kale o ad ku ciil iyo cadho ba bixi kartan o ah  xisbi ga UCID, waxan talo ah idin odhan la ha u codeya o janiskaasi ama fursadaasi ka faa'iideysta o codkiina siiya xisbiga UCID, maanta waad la wada socotan marxalada u mareyo xisbigi UCID, w aa xisbiga kaliya ee maanta isku duuban ila taageer ila madaxdii sare ee xisbigu, waad la wada socotan waftiga balaadhan ee maanta jooga Burco iyo sida loogu soo dhaweyay, wali lama hayo xisbi qaran o madaxdoodu sidaasi gacamaha isku wada heysto, marna masaajidka wada tagayso marna miiska cuntada gacanta wada galineya, waxan odhan lahaa waar maanta  wa xa ina badbaadineya UCID eesoo noqda o ka fogaada dhibaatada iyo dunuubta ey galayaan labadaasi xisbi qaran ee KULMIYE iyo UDUB ilaaheyna waxad ka baridaan inuu sharkooda inaga duwo aamin

 



Waa bilaahi tawfiq


 

 

Omar Daarood Xassan
Gudoomiyaha Guud Nordic ee UCID