Saddex Dawladood Oo La Filayo Inay Ku Soo Biiraan Wada Had alada Somaliland Iyo Sooma aliya iyo Xarunta Caalamiga ee  Centre for Humanitarian Dialogue  oo door muhiimah ka ciyaaraysa

 

Hargeysa (TNN) :- Saddex dawladood oo cusub ayaa la filayaa ayaa la filayaa in ay ku so o biiraan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya .
 
Xarunta calamiga ah ee lagu magacaabo CENTER FOR HUMANITRIAN DIOLOGUE ayaa sida ay war xog ogaal ahi u sheegeen Geeska Africa wada haladii ay dhawaan ugu kala dab qaadeysay madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya waxaa ay ku aqbashey soo jee din ah in la helo dawlado kale oo ku soo biira dhex dhexexaadinta Somaliland iyo Somaliya , maadaama aaney dawlada Turkigu ku guuleysan in ay xataa hir galaan qodobadii ay la bada dhinac dalkeeda ku kala saxeexdeen , kuwaas oo uu ka mid ah qodob ku saabsan maamula hawda Somalida oo lagu heshiiyey in si wada jir ah looga maamulo Hargeysa iyo Moqdisho balse guul dareystay .

Sida ay warar xog ogaal ahi sheegeen waxaa ay u dhawdey in saddexda dawladood ee kala ah Norway , Switzerland iyo Sweden ay ka mid noqon doonan dawladaha dhawaan u soo baxi doona qabashada shirarka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya .Waxaana la sheegay in xaruntani ay hada wada hadal kula jirto dawladahan .

Wada halada Somaliland iyo somaliya ayaa Bilaabmey March 2012 ,waxaana ilaa xiligaas ay u muuqdeen qaar cago jiid lagaga qeb galo , oo aaney ka soo bixin wax natiijo ahi , ma rka laga reebo qodobo la saxeexo oo aan hir galin .

Dawlada Turkiga ayaa u muuqata inay mudadaas ciyaaraysay door ah fududeynta madas ha uu wada hadalku ka dhacay balse aan marnaba qaadan doorkii dhexdhexaadnimo ee laga filaayay.

Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa sida ay wararkani sheegeen waxaa ay si isku aragti ah u sheegen in labadooduba ay hogaamin doonan ergada ka qeyb galeysa wada hadalka u horeeya oo aan wali la garaneen wakhtiga u qabsoomi doono iyo goobta uu ka qabsoomi doono





Source : Geeska